|
Shir balaaran Ayaa Maanta Kadhacay Xarunta Madaxtooyada Maamul Gobaledka Galmudug Magaalada Gaalkacyo Kaasi oo looga Hadlaayay Sidii loo Xoojin lahaa Amaanka Magaalada Gaalkacyo.
Jun,1,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Shir balaaran Ayaa Maanta Kadhacay Xarunta Madaxtooyada Maamul Gobaledka Galmudug Magaalada Gaalkacyo Kaasi oo looga Hadlaayay Sidii loo Xoojin lahaa Amaanka Magaalada Gaalkacyo.
Shirkaana Ayaa Waxa uu ahaa Mid aad U balaaran Kaasi oo goobjoog ahaayeen Kusimaha Madaxweunaha ahna Madaxwyne Kuxigeenka C/Samad Nuur Guuleed Ayadoo Sidookale Ay Goobjoog ahaayeen Golaha Wasiirada Galmudug iyo Golaha Baarlamaanka, Saraakiisha Ciidamada Kaladuwan Ee Galmudug iyo Masuuliyiin Badan oo katirsan Maamul Gobaledka Galmudug.
Shirkaan Ayaa Waxa uu ahaa mid Albaabadu ay U Xiranyihiin oo ay Saxaafadu Banaan joog ka Ahayd, Markii uu Shirku soo Gabagaboobay Ayaa Waxaa Idaacadda Hobyo Ugu Warbixiyay Wax Yaabihii Shirkaasi looga hadlay Kuxigeenka Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ahna Afhayeenka Maamul Gobaledka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan {Axmed Baasto}" Shir aad U Balaaran oo ay Goobjoog ahaayeen Golaha Wasiirda Golaha Baarlamaanka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Kaladuwan Ee Galmudug Ayadoo Shirkaasi looga hadli lahaa Xoojinta Amaanka Magaalada Gaalkacyo, Goor Dhaw Waxaa Bilaabanaysa Hawl Galo Hub Aruurin ah Ayadoo aan Magaalada Lagu Dhex Arki Karin Qof Si Sharci Daro ah Qori Kudhex Wato Gudaha Magaalada Gaalkacyo"
Ugu danbaytii Waxaa Maalmihii Ugu danbeeyay Madaxtooyada Maamul Gobaledka Galmudug Ee Magaalada Gaalkacyo Kasoconayay Kulamo looga hadlayay Sidii Wax looga Qaban lahaa Amaanka Magaalada Gaalkacyo Ayadoo Shirkii Maanta uu Kabadalnaa Kuwii Hore ee Kadhacayay Madaxtooyada Maamul Gobaledka Galmudug Ee Magaalada Gaalkacyo

 
|