Madaxweynaha DG GalMudug State Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko iyo Wafti uu hogaaminayo oo soo gaaray gobolka Minnesota.

Jun,12,2007 www.Hobyoradio.com

Madaxweynaha DG GalMudug State Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko iyo Wafti uu hogaaminayo  booqosho ku yimi dalka Maraykanka ayaa soo gaaray gobolka Minnesota magaalada Minneapolis.

Waftiga uu maadaxweynuhu hogaaminayo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyada GalMudug State Mudane Ahmeddahir C/kariin Nuur. Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Qaasim Olaad Dhicisow iyo Mudane Cabdirashiid Cagaweyne.

Jaaliyada GalMudug State ee gobolka Minnesota  ayaa Madaxweyne Prof.Max'ed Warsame Cali (Kiimiko) iyo Waftigiisa oga hortagay  gagida Caalimaga ah St-Paul- Minneapolis.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa isla markiiba u gudbay Magaalada Rochester ee gobolka Minnesota

Waftiga uu  hogaaminayo Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko oo booqosho  ku yimi  dalka Maraykanka ayadoo  la filayaa inuu socdaal ku mari doona  W/amerika iyo Yurub.

C/aziz Xogolof

Minneapolis , MN

xogolaf@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com