Madaxweynaha DG GalMudug State Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko oo si Weyn loogu soo dhaweeyay gobolka Minnesota.

Jun,14,2007 www.Hobyoradio.com

Madaxweynaha DG GalMudug State Mudane, Prof.Max'ed  Warsame Kiimiko iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaaray gobolka Minnesota,ayadoo Jaaliyada  GalMudug State ee gobolka  Minnesota ay si weyn usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo waftigiisa.

Waftiga uu hogaaminayay Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame Kiimiko   ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada DG GalMudug Mudane Ahmed Dahir C/kariim Nuur. Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Qaasim Olaad, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay  gobolka Minnesota gaar ahaan magaalooyinka  ee Minneapolis -Rochester- St.Paul-Awatana- halkaasoo ay ku badan yihiin Jaaliyada  kasoo jeeda DG GalMudug State.

Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame  (Kiimiko)

Mudane. Ahmeddahir  C/kariin

Mudane.  Qasim Olad Dhicisow

Xaflad si Weyn loosoo agaasimay ayaa ka dhacay Caasimada gobolka Minnesota ee  St.Paul.hoolka shirka ayaa  si weyn loosoo buuxiyay, ayadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha Bulshada Ururada  Dhalinyarada, Haweenka, Waxgaradka,Culumaa'udiinka, iyo ergooyin ka kala yimid qaarada Yurub iyo Canada.

Jaaliyada DG GalMudug State ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa soo dhaweyn iyo Taageero   u Muujiyay  Madaxweyne  Prof. Max'ed Warsame Kiimiko.

Sida Diinteena iyo Cadadeenu tahay waxaa aayada Quraan ah iyo Wacdi ka jeediyay Sheekh Caafi Munaasabii soo dhaweynta Madaxweynaha DG GalMudug Prof.Max'ed Warsame Cali Kiiniko.

Ugu horayntii Waxaa shirka Furay soona dhaweeyay Madaxweynaha iyo Waftigiisa Madaxa Jaaliyada Minneapolis  Mudane Max'ed Ahmed Urur asagoo oga mahad celiyay Madaxweyna iyo Waftigiisa booqashada ay ugu yimaadeen  gobolka Minnesota.

Waxaa isna ku hadlay Magaca Jaaliyada Rochester-Minnesota  Dr. Cabdirahman Haji Ereg oo soo dhaweyn iyo amaanba u jeediyay Waftiga iyo Madaxweynaha Pro.Max'ed Warsame Kiimiko, Dr Ereg ayaa   Gabayo iyo Suugaan Wacyigalin ah  kusoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Waftigiisa.

Sidoo kale waxaa Iyana Baraanbur iyo erayo qiima badan kusoo dhaweysay  Madaxweynaha iyo Wafigiisa Maryan  Warsame Cawale oo  Salaan u dirtay dadka GalMudug State iyo dhamaan shacabka  Soomaaliyeed ilaahayna oga barisay in ale ka saaro cadowga haysta,Gaajada iyo Colaada dhexdooda ah.

Lama soo koobi karo dadkii halkaasi ka hadlay oo  ayfarxad iyo qiiro badani  ka muuqatay  dadweynihii kasoo qayb galay soo dhaweynta Madaxweynaha DG GalMudug State  Prof.Max'ed Warsame Cali Kiimiko.

Waxgaradkii ka hadlay munaasabada waxaa kamid ahaa Mudane,Haji Maxamuud Cabdi, Col. Hassan Max'ed (hasan kornayl) Marwo Drs. Casha Cabdi Hassan. Mudane  Sheekh Bille Ahmeddahir Hassan, Mudane Cabdirashiid Cagaweyne.

Xafladii  ayaa Microfonka waxaa kusoo dhaweeyay  Madaxweynaha iyo Waftigiisa  Wasiirkiisa Howlaha Guud iyo Guriyaynta  DG  GalMudug State Mudane Hassan Maxamuud  Hayl oo dagan gobolka Minnesota.

Madaxweynaha DG GalMudug State ayaa ku bilaabay qudbadisii   Tacsi uu diray  dhamaan ummada Soomaaliyeed  gaar ahaan eheladii  uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya  Mudane-Marxuum Aadan C/lle Cismaan.

Prof. Max'ed Warsame Cali  Kiimiko ayaa Mahad balaaran u celiyay Jaaliyada gobolka Minnesota sida hagar la'aanta leh ee ay usoo dhaweeyeen, Madaxweynaha ayaa ku amaanay jaaliyada gobolka Minnesota kuwa u taagan marwalma siday  garab u siin lahaayeen deegaankooda iyo dadkooda, hadana looga baahanyahay taageero  tii hore badan.

Mudane. Max'ed  Urur

Dr. C/rahman Haji  Ereg

Col. Hassan Max'ed (Hasankornel)

Madaxweyne Prof. Kiimiko  ayaa ka codsaday  dadka u dhashay DG GalMudug State  meelkasta oo ay joogaanba inay wax u qabtaan deegaankooda,  si wax looga qabto baahida xaga  Waxbarashada,Caafimaadka,Amniga,iyo Hurumarinta GalMudug State. madaxweynaha  ayaa Macrofoonka ku wareejiyay kana codsaday Wasiirkiisa Maaliyada Mudane, Axmeddahir C/kariin Nuur inuu aqriyo  AXDIGA (DG) GalMidug  State.

Mudane. Cabdirashiid Cagaweyne

 Mudane.Sheekh. Bille Ahmeddahir

Mudane. Haji Maxamuud Cabdi

Axdiga oo ka koobnaa 14 qodob ayuu aqriyay Wasiirka Maaliyada Mudane Ahmeddahir  C/kariin  Nuur  ayadoo dadweynihii dhagaysanayay ay qodob qodob ugu sacbinayeen, dadweynihii  halkaasi isugu yimi ayaa waxaa ka muuqatay inay  aad ugu qanceen  AXDIGA (DG) GalMudug  State.

 Marwo. Casha A. Hassan   

 Mudane.Hassan M, Hayl

Sidoo  kale waxaa halkaasi ka hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Qaasim Colad Dhicisow oo isna ka hadlay taabagalinta Maamulka iyo  horumarinta  deegaanka GaMudug State.

 

   
 

 

.

Xafladii  Soo dhaweynta Madaxweynaha  iyo Waftigiisa  ayaa ku dhamaatay Jawi  qaboow iyo  is afgarab, waxaana gabagadii  halkaasi aayado quraan ah iyo Wacdi  ku xiray  Sheekh Maxamuud  sheekh (Jaysani).

C/aziz Xogolof

Minneapolis , MN

xogolaf@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com