Ardayda Galmudug ee jaamacadaha Masar oo dhigay Siyaarada Sheekh cabdalle iyo cawareere. 10.Jun.2009.

Juni,14,2009 www.Hobyoradio.com

Ardayda Galmudug ee jaamacadaha Masar oo dhigay Siyaarada Sheekh cabdalle iyo cawareere. 10.Jun.2009.


Ardayda waxkabarata Jaamacadaha dalka masar ee kasoo jeeda galmudug stete ayaa dhawaan waxay magaalada qaahira ku dhigeen xaflad ku saabsan siyaarada sheekh cabdalle iyo cawareere.


Siyaaradaasi oo ay kasoo qeyb galeen culumaa'udiin iyo dadweyne kala duwan oo ka tirsan jaaliyada soomaaliyeed ee dalka masar ayaa waxaa khudbad diini ah kasoo jeediyay Sheekh axmed xasan gaafaa taasi oo uu kaga hadlay taariikhda culumada cabdalle iyo cawareere oo uu sheegay in ay ahaayeen mashaa'iq kaalin weyn kasoo qaadatay fidinta diinta islaamka iyo sidii loo gaarsiin lahaa umadda soomaaliyeed.


Sheekh axmed xasan gaafaa waxa uu sheegay in culumadu ay ahaayeen kuwa had iyo jeer u gargaara dadka masaakiinta ah iskuna urursha waxa ayna dhulka soomaalida kaga tageen taariikh lama iloobaan ah iyagoo ay ka farcameen culumaa'udiin waa weyn oo halkaas kasii waday fidinta diinta islaamka iyo dad wan wanaagsan oo taariikh kuleh dhulka soomaalida.
Waxaana ardadii soo abaabushay siyaarada ka mid ahaa.


Shariif cabdulqaadir sheekh
Cabdi risaaq xasan jaamac
Axmed xasan kulmiye Gaafaa
Xasan faarax
Waxa ayna kusoo gabagabowday sidii loogu talagalay.


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com