Kooxda sanaag oo qaab wacadaro leh ku Hanatay koobka Football Tournament 2009 ee ka sanadkiiba amr ka dhaca magaaladatan Hyderabad ee Dalkan India.‏

Juni,14,2009 www.Hobyoradio.com

Kooxda sanaag oo qaab wacadaro leh ku Hanatay koobka Football Tournament 2009 ee ka sanadkiiba amr ka dhaca magaaladatan Hyderabad ee Dalkan India.‏

Koob  Xiiso Leh oo Maalmahan Ka soconayay  Garoonka Masabtank ee magaaladatan Hderabad ee Dalkan India ayaa caaway la soo gabagabeeyay.


Koobkan oo la yiraahdo Football Tournament oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa marti galiyay qabashadiisana iska lahaa Sikim Manipal University ee ayadu kamid ah jaamacadaha ka jira dalkan India.


Koobkan ayaa waxaa sanadkiiba mar lagu qabtaa magaaladatan Hyderabad waxaana ka qaybqaata dhamaan dalalka ajaanibta ah ayagoo kala sita magacyada dalalkooda, gobolada ay kakala yimideen iyo kooxo ka dhisan magaaladatan Hyderabad waxaana ka mid ahaa kooxaha ka qaybqaatay koox ayadu ku cayaaraysay magaca Banadir stars,  Sanaag Football Club, Iiraan club, Suudan stars, Somaliland Football team, Yaman, Iyo koox ayadu ku cayaarasay magaca dalkan India.


Semi Finalkii cayaartan ayaa waxa isugu soo haray Kooxaha kala ah Suudan stars iyo somaliland Football team,  Sanaag Football Club iyo Banadir Stars.


waxaana Finalkii cayaartan usoo gudbay Kooxaha kala ah Somaliland Football Team iyo Sanaag Football Club, Ka gadaale markii ay ka soo kala badiyeen kooxaha Suudaan Stars iyo banadir Stars.


Finalkii cayaartan oo ahaaa mid aad u xiiso badan ayaa waxay kusoo gabagabowday 90 kii daqiiqo ee loogu talagalay 0:0 waxaana lagu kala baxay sida caadada ah Regoorayaal, Nasiib wanaag Waxay guusha ku raacday halkaa kooxda Sanaag Football Club oo ayadu kaga badisay Somaliland Football Team Rigooraaal gaaraya 6:5.


Cayaartaas ayaa waxa ay kusoo gabagabowday jawi farxadeed oo dadkii u yimid daawashada cayaartaasna ay aad ula dhaceen cayaar wanaaga ay soo bandhigeena labada kooxood uguna hambalyeeyay Kooxda Sanaag Football Club koobka ay sida xarakada leh u hanteen.
 
 
By : Wariye Najiib Abdirizak Warsame { Najiib Yare }
Magaalada Hyderabad ee dalka India.
Tell : 0091-9618398299
E-mail : Najiibyare4@hotmail.com 

 


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com