Hambalyo Doorashadda Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.‏. By. Xassan Carab

Juni,14,2009 www.Hobyoradio.com

Hambalyo Doorashadda Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.‏

 

Anigoo ah Mudane-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
Kana mid ah badha qorayaasha Somaaliyeed waxaan halkan
uga soo jeedinaayaa Hambalyo diiran oo farxadeeda leh
Xurmadle-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo si
Rasmi ah loogu doortay Garaadka Cusub ee Beesha Jaamac
Siyaad(kadib Geerididii Aabihiis Marxamu-Garaad Ismacil
Ducaale) Allaha Naxariistii Jano ha siiyo-Aamiin. 
 
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.


      Doorashadaas ayaa tusaale u ah midnimada,wada jirka
iyo isku duubnidda Beel Weynta J/S Xulashada Garaadka
Cusub(Garaad Jaamac)ayaa ah mid lagu qiimeeyeey danta iyo
Maslaxada Guud ee Beesha iyo ahamiyada xilka Garaadnimadda
dhinacyada hogaamineed ee xiligan adag loona baahan yahay
Helidda Shakhsiga laga dheehan karo sifooyinka Garaadnimo,
Dul-qaad,Kartiyeed,Af-tahan-nimo iyo Dad ururintaba sidaas
awgeed waxaa qalinku ku dhacay Garaad Jaamac, si wey guud
ahaanba Cuqaasha Beesha,Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka iyo
Wax-Garadka Madashada doorashadda ka qeyb-galay.
 

    Waxaan u rajeeynaayaa in Garaadka Cusub noqdo mid xilka
Culus ee dusha laga saaray sida ku haboon u guta, Tusaalle
wanaagsan u noqdo hab dhaqameedka iyo doorta beesha J/Siyaad
iyo kaalintooda weyn oo eey ku leeyhiin Beelaha Daraawiishta
iyo Guud ahaan Hab Dhaqameedka Soomaaliyeed, noqdo Garaad ka
Duulaaya Danta iyo Maslaxada Beesha kuna saleeynaaya habkiisa
Shaqo ama Xileed wada tashi iyo Tallo Wadaag.
 
 
     Doorashadda Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Ducaalle oo
Sida la sheegay Caleema-saarkiisu dhici doono hadii Allah
Idmo 25/06/2007 kana dhici doonta Magaaladda Laascaanood,
Taasoo eey ka soo qeyb-geli doonaan sida la filaayo hogaan
Dhaqameed badan oo ka socda Beelaha Somaaliyeed,Wax-garad
iyo Aqoonyahano fara-badan,Siyaasiyiin iyo Dadweynaha ku
Dhaqan Degaamadda SSC(Daraawiishta),Hambalyo Doorashadda
Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Ducaalle-Guul Iyo Gobnimo.

-Hambalyo-Hambalyo-Hambalyo-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-12/06/2009.
-sharifhassan50@yahoo.com.


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com