![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Galmudug State : Doorasho Xor ah ama Diktaatooriyad Xoog ah. By.Maxamed Axmed Isxaaq
Juni,14,2009 www.Hobyoradio.com
Galmudug
State :
Doorasho
Xor ah
ama
Diktaatooriyad
Xoog ah
Saddex sanadood ka hor 25 July 2006 ayey aheyd markii loo fariistey shirweynaha looga arinsanayey arimaha deegaanada ballaaran ee hadda loo yaqaano Galmudug, kaasoo ay ka wada qeyb galeen dhamaan waxgaradka, aqoonyahanka, culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada ku abtirsata dhulkaas, waxaana 14 August 2006 dhidibada loo taagay maamul goboleed la magac baxey Galmudug State, ayadoo la dhisey dhamaan hey’adaha maamul ee uu yeelanayo maamul goboleedkaas, ugu horeyn waxaa la ansixiyey axdiga Galmudug, ka dibna waxaa la soo xuley gole baarlamaan oo ka kooban 26 xildhibaan, ayadoo markaas ka dibna la doortey madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, oo soo dhisey golihii wasiirada oo ka kooban 8 wasiir, ka dibna waxaa la magacaabey maamuladii labada gobol (Mudug iyo Hobyo) ee uu ka koobnan yahey maamul goboleedkaas. Haddii aan wixii taariikh xusuusin ah intaas uga gudbo, waxaa la joogaa ama dhow xilligii loo qabtey in uu dhamaanayo xilalka ay hayaan hogaanka maamul goboleedkaas ee dadka deegaanadaas ku dhaqan ay u dhiibteen, waxaa looga fadhiyaa madaxweyne Kimiko, golihiisa wasiirada, iyo Baarlamaankaba in ay soo bandhigaan waqabadkoodii saddexdaas sano ee ay maamulka hayeen, dadka kale ee aan maamulka ku jirinna waxaa u banaan in ay qiimeeyaan maamulkaas guud ahaantiis iyo gaar ahaan hogaanka sare ee maamulka si mustaqbalka looga fogaado dhaliilaha ay leeyihiin iyo caqabadihii hor istaagey horumar ka hana qaada deegaanadaas iyo sidoo kale loo sii hormariyo wixii guulo ah ee la gaarey. Qiimeynta haddii aan ka bilaabo qaabka xulashada mas’uuliyiinta xukuumadda ama xildhibaanada oo saldhig u noqon kara guul la gaaro ama guul-darro timaada waxaan dhihi karnaa waxaa isku taxey jagooyinkii muhiimka ahaa dad u badan qurba-joog oo aad moodid in ay qabeen ciil jago ( mar un wasiir, xildhibaan, madaxweyne i dhaha), qaarkood waxaa u danbeysey maalintii xilka loo dhiibey, qaar kale danahooda shakhsiga ayey ugu qaraaban jireen jagooyinka ay hayeen, qaarna waxba kama soo qaadin, in yar oo dadaashey ayaa ku sugneyd deegaanka kuwaasoo la daalaa-dhacayey xalinta dhibaatooyinka mar kasta soo ifbaxayey, sida qaadista isbaarooyinka, u garqaadidda muranka jufooyinka, iyo arimaha kale ee la xiriira horumarka ….iwm, kuwaasoo aan dhihi karno waa muwaadiniin xalaal ah oo xilkii loo dhiibey ku shaqeeyey, mudanna in la abaalmariyo. Hadii aan tusaale u soo qaadano madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka loo idmadey hogaanka maamulka Galmudug, waxaan dhihi karnaa kama aysan soo bixin xataa 20% mas’uuliyaddii loo dhiibey, madaxweyne Kimiko asagoo ummad dhan ay u dooratey madaxweyninamada Galmadug State ayuu mareykanka tahriib u aadey, halkaas oo uu muddo laba sano ku dhow ku sugnaa, jagada uu hayeyna ay ka badin weydey uga qeybgalka xafladaha ay dhiganayaan dadka Galmdug u dhashey ee degen mareykanka iyo kanada, asna uu noqdey mid ku raaxeysan jirey marka looga yeero maykaroofanka asagoo la leeyahey madaweynaha Galmudug danjire Kimiko welcome. Dhanka madaweyne ku xigeenka oo isna ahaa danjire kale ayaa isna aan cag soo dhigin saddexdii sano ee la soo dhaafey, meeshii lagu doorteyna ay dad ugu danbeysey, inkastoo uu dhowr jeer ka hadley idaacadda BBC-da laateeda afka- Soomaaliga, lagamana maqal maalinna inuu iska casiley xilkaas, sidii dhaxal in uu u heley ayuu boorsada ugu ritey. Hadaba labada danjire nooguma aysan hanbeyn sidii loogu lisey, sidii loo siiyey kalsoonidana uma hagar bixin, waxey ka keensan kareen dadka deegaankaas oo aan waligood maamul wanaagsan il saarin in ay u dhisaan taalooyin xusuus ah, ayadoo laga rajeynayey in ay dhigi doonaan rikoor ay adkaato in la jabiyo ayaga dadka kale ee la shaqeynaeyba ay ku adkaato cidda qaban doonta xilalkooda ee bedeli doonta in ay gaaraan si kasta oo ay u dadaalaan, laakin nasiib darro waxey dadka deegaanku muddooyinkii u danbeeyey taagnaayeen ma dhowdahey xilligii ay maamulka ka degi lahaayeen labada amabaasadoor, yaa gadaashooda imaan doona? Iyo ereyo kale oo ay ka muuqato quus iyo qoomamo. Mid mid uma xusi karo mas’uuliyiinta Galmudug ee dibad jooga aheyd ee markii hore laga celin waayey xilalka, markii la siiyeyna duurka la galey, kolkii loo dhiibayey xilalkaasna dadka deegaanku waxey bideen in ay leeyihiin raggaasi aqoon, waaya-aragnimo, iyo in ay yihiin niman xagga jeebka uga tuqtuq roon dadka degan dalka gudihiisa, laakin waxaa la ogaadey in dhamaan hankaas loo qabey raggaas lagu hungoobey, uuna arinkii ku soo biyo shubtey lama huraan waa cawska jiilaal, wax kasta oo ay yihiin dadka guduhu joogitaankooda magacii Galmudugna waa badbaadiyey, waxqabadna waa jiraa haba yaraadee. Haddii uusan jirin maamul si hufan hawlihiisa u qabsanaya, ma imaaneyso in la helo dad u heelan taageerada iyo fangareynta maamulkaas, halkaasna waxaa ku baaqanaya horumarkii dadka deegaanku ay tiigsnayeen, taasna waxaa ka dhalaneysa in dadku ay ka kori waayaan qaab jufeedkii la degey deegaankaas iyo dadkiisa, sidaas awgeed waxaa lagama maarmaan in laga faa’ideysto saddexdii sano ee la soo marey, la xisaabiyo haddii maamulkaasi si wacan u shaqeyn lahaa halkee ayaan maanta joogi laheyn, mase naga go’daa ayaamo kale oo aan ku sii jirno xaaladda uu hadda ku sugan yihiin deegaankeena iyo dadkeenu?? Dhanka dadka degen Galmudug waxey muujiyeen maamul jeceyl, iyo wada shaqeyn aan hagar laheyn, dhamaan horumarka yar ee ka jira Galmudugna waxaa sabab u ahaa bulshada ku abtirsata Galmudug, waxaana dhihi karnaa waa inta yarta ah ee u ceeb astureysa maamulka waqtigiisu dhamaanayo ee hadda Galmudug ka arimaya. Waxaan is leeyahey shacab weynaha Galmudug wuxuu diyaar ula yahey inuu gacmo furan ku soo dhoweeyo cid kasta oo si daacad ah ugu adeegeysa, ayna gacan iyo wada shaqeyn siinayaan haddii maamul cusub yimaado, laakin aysan aqabaleyn maamul magac u yaal oo boorsada safarka la dhex gashado, lalana aado dibadda ayadoo la heli karo dad badan oo aqoon iyo kartiba la mid ah leh kuwa dibadda nooga imaanaya, ayadoo la og yahey inaan laga maarmin dadka dibadda degen oo kaalmadooda iyo kalsoonidoodu muhiim tahey. Waxaa isweydiin mudan wufuud badan oo dibadda iyo dalkaba ka imaaneysa ayaa ku sii qulqulaysa magaalo madaxda Galmudug ee Gaalkacyo, waa maxey ujeedada socdaalkoodu!? Waxaan la soconaa muran u dhexeeya Barlamaanka iyo madaxweynaha! waxaana ka dharagsanahey in waqtigii lagu heshiiyey ee axdiga ku xusnaa ee maamulku xilka heynayey ay maalmo kooban ka dhiman tahey! Waxaan aragnaa musharxiin u taagan tartanka jagada madaxweynaha Galmudug oo barnaamijkoodii siyaasadeed soo badhigey! Waxaan aqriney wareegto ka soo baxdey madaxweyne Kimiko oo nuxurkeedu yahey in shirweyne la isugu yimaado 1-da July 2009! Ma anaa qaldan mase Galmudug iyo madaxdeedaa wax si ka yihiin? Ugu horeyn wax in ay qaldan yihiin waa iska caddahey, laakin waxaa ka xun marka qaladkaas mid kale oo ka weyn lagu saxo, ama marka ay dhacdo Ceydiid gar leh, Cali-na gar leh oo laga yaabo ragga qaar isa soo aruursadey in wataan garnaq noocaas ah. Haddii aan laga leexleexan talaabada uu qaadey madaweyne Kimiko ee uu shirweyne hor leh isugu yeerayo, kana tallaabsanayo sharciyadii iyo axdigii lagu heshiieyey waxey u eg tahey middii hogaamiyaashii ka horeeyey ay ku bi’i jireen, dadkii daba socdeyna ay ku bi’in jireen ee aheyd cadyahow ku cuney ama ku ciideeyey, waa nin oday, diplomaasi ahaa muddoo dheer, leh aqoon iyo waaya-aragnimo ku filan, hadda qaatey waqtigiisii haddii uu dadkaan iyo deegaankaan wax u qabanayo, waa la yaqaan damac ayaa igu jira waana tartamayaa laakin caqli ma ahan mudane madaxweyne inaad hor istaagto in lagula tartamo, waa inaad ixtiraamtaa axdiga Galmudug ee madaweynaha lagaaga dhigey, waa inaad ka fakartaa danaha Galmudug oo aad meel iska dhigtaa taada gaarka ah, waa in ay tusaale kuugu filnaataa doorashooyinka ka dhacey deriskaada Puntland iyo midda hadda ka dhaceysa Somaliland iyo xasiloonida ay heystaan. Waxaa fiican in dadka Galmudug ay dhadhamiyaan waxa la yiraahdo dimoqraadiyadda, waxaana ku talin lahaa si looga baxo qaabka jufeysiga in Galmudug laga dhiso laba xisbi oo wadaniyiin ah oo u tartama doorashada, xisbi walbaana uu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed, sidaas lagula kala wareego xukunka, ee aysan dhicin markaan xilka hayana waan iska maqnaanayaa, Markey iga dhamaatana waan isku dhejinayaa. Dadka tirada badan ee Galmudug ku sii qulqulaya waxaan dhihi lahaa ha la garabsiiyo barlamaanka Galmudug inuu qabsado kalfadhigiisii uu ku dooran lahaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, iyo marka ay dhamaato mudada xildhibaanadu sidii loo dooran lahaa kuwii bedeli lahaa, talaabo kasta ee la qaado oo ka horjeeda axdiga lagu heshiiyey waxey Galmudug ku celin doontaa meel aysan ka soo waaqsan doonin ee ilaahey kol hore ka soo tallaabsiiyey deegaankaas. Taladeyda ugu danbeysa waa la arkey waxqabad yarida qurbo-joogta xilalka isku taxdey, waa la arkey kartida odoyaasha hawlgabka ah ee hogaanka maamul goboleedka loo dhiibey, waxaa nala gudboon in la dhiirogaliyo dhallinyarada aqoonyahanka ee dalka gudihiisa ku nool in ay u taratamaan oo la doorto, si loo tijaabiyo waxqabadkooda loona dareemo isbedel ay ku tallaabsato Galmudug. Haddii Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor ah oo cid kasta isku soo sharaxi karto jagada loo tartamayo waxaa lagu tallaabsanayaa wadada hormarka, ruuxii maanta la doortana beritto mid kale ayaa lagu bedeli karayaa, laakinse haddii ay dhacdo awood marooqsi iyo kursi jaceyl waxey horseedi doontaa burbur iyo dib u dhac ku yimaada dadka iyo deegaanka Galmudug, iyo in la khasaaro wixii xoogga weyn asaaskooda lagu bixiyey, tanoo u baahan in laga digtoonaado, cidda waddana gacmaha la qabto si kasta oo ay noogu dhowdahey ama aan wax ula jecel nahey, ogaadana jufo ama shakhsi qof waa deeqi karaan, laakin Galmudug iyo dadkeeda ma deeqi doonaan. Wallaahu walliyu tawfiiq Maxamed Axmed Isxaaq Galmudug2009@yahoo.com Muqdisho
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||