XAAWLADAHA SOMAALIYEED IYO DOORKOODA‏ By.Xassan Carab

Juni,18,2009 www.Hobyoradio.com

XAAWLADAHA SOMAALIYEED IYO DOORKOODA‏ By.Xassan Carab

Adeegayada Xawaaladaha Somaaliyeed u hayaan Ummadooda
waa arrin ahamiyadeeda leh xusidna u baahan lana oran karaayo
waxeey sidii ku habooneyd u dabooleeyn fariiq weyn ka muuqday
dhinka hab Bankiyeedkii Somaaliyeed kadib markii eey meesha ka
baxday Dawladii dhexe sanadkii 91-kii intaa ka horba Xawaaladaha
qaarkood jireen laakiin doorkoodu koobnaa, ahamiyadooda si weyn
loo dareemay xiliga burburka, runtiina fududeeyeen qaab xiriirinta
bulshada qurbaha iyo kuwa gudaha(habka wax isugu dirka).
 Shaki kuma jiro ladabona kuwa muransana
kaaliinta weyn iyo doorka wanaagsan ee dhinacyada adeegyada
Xawaaladaha ee qaadista ama gudbin dhaqaalaha oo ah hanaanka
kaliye hawlaha Maaliyadeeda u adeegaha kana jira guud ahaanba
Degaamada Dadka afka somaaliga ku hadla iyo meel kasta oo eey
Cirifyada Aduunka kaga nool yihiin,waana tallaabo guusheeda
leh wax qabad muuqda leh si weyna loogu diirsaday,xawaaladaha
ayaa aad u tirra badan magacyo kala duwana leh, lana oran karo
waxaa ugu waaweyn uguna caansan hogaankana u haya;-Dahabshiil,
Amal Express iyo Qaran Express.

 

Su'aasha jawaabta u baahan ayaa
ah hadii Xawaaladuhu kaalintaas weyn ku yeeliyiin nolosheena
sida cadna hanaan ka wanaagsan oo bedeli karaa waqtigan muuqan
doorkeeda dhanka bani-aadaminimada eey ka qaadan karaan? mase
leeyihiin qorshe ku jawahan daryeelka arr.bulshada oo baahi
weyn Shacabka gudaha ku nooli qabaan Maamulada jiraana indhaha
ka qarsadeen(sida-Isbitaaladda,xarumaha Agoomaha,Naafadda iyo
Iskuuladda,ceelasaha biyaha iyo taakuleeynta Saboolka,anigoo
halkan ku cabiraaya aragtideeyda iyo habkeeyga xog-xogaalnimo
cidana dhaliil ama dhaleecan u soo jeedineeyn,xayeeysiina u
sameeyn xawaaladaha qaarkood, waxaan qiraayaa in sida qoraxda
doorka Xawaaladaha Somaaliyeed u shaacay welina u ifaayo kana
mid noqdeen nolol maalmeedka qoyska Somaaliyeed eeyna mudan
yihiin Mahad-celin, sidoo kalle eey jiraan taloobooyin ama
howlo xadidan oo dhanka samafalka, sida gacan ka geeysashada
dhibaato dhacda, Taakuleeynta isbitaalada qaarkood, caawinta
Agoomaha iyo Naafada Somaliyeed oo intuba Talaabo wanaagsan ah
lana oran karo waa abaal marin dadban oo Shacabkooda dib ugu
celinaayaan.


 Hadaba-waxaan ku soo gunaanadaayaa qormadan
kooban in Xawaaladuhu xoojiyaan doorkooda Samafaleed, laban
laaban kaalintoda dhanka gar-gaar iyo caawinta shacabkooda
iyagoo ka duulaaya maqaamka weyn, ahamiyada eey ku leeyihiin
Dadweynaha iyo mudnaanta doorkooda masuuliyadeedba, waxaana
hubaa in qiimahooda iyo Sumcadoodu kor si kaceeyso, dadkuna ku
soo dhiiran doonaan ka qeyb qaadashada howlaga samafaleed
iyagoo ka duulaaya Masuuliyada iyo amaanada xawaaladuhu ku
caan baxeeyn-Nin lagu seexdoow ha seexan.
 
 
 
-Allah Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi(Xassan Carab)-
-England-UK-17/06/2009-
-sharifhassan50@yahoo.com-


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com