Gudoomiyaha Gobalka Hobyo Col.  Maxamad Axmad Caalin oo isku soo sharaxay xilka madaxtinimada Galmudug  oo maantana  si diiran loogu soo dhaweeyay Galkacyo. Daawo Sawirada

Juni,18,2009 www.Hobyoradio.com

Gudoomiyaha Gobalka Hobyo Col.  Maxamad Axmad Caalin oo isku soo sharaxay xilka madaxtinimada Galmudug  oo maantana  si diiran loogu soo dhaweeyay Galkacyo. Daawo Sawirada

   

Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State siweyn loogu soo dhaweeyey Axmad Maxmad Caalin oo ah musharax utaagan xilka madax weyna nimada maamulka Galmudug.

   

 

waxaan soo dhaweyntiisa ka qeyb galay masuuliyiin farabadan ayna kamid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamad Salad Ducaale, Gudoomiyaha Gobalka mudug Xasan Faaeax Barre iyo shacabka Galmudug waxayna xilligaas wateen shacabkii ka qeybgalay soodhaweynta boorar ay ku muujinaayeen sawirka Musharax Caalin.

Soo dhaweyntii kadib ayaa waxaa loo soo dhigay dhinaca magaalada gaalkacyo waxana la keenay Hotelka Durmad oo aheyd goobtii uu Musharuxu uu kulahadlayey shacabkii iyo Masuuliyiintii Galmudug ee ka qeyb qaadatay soo dhaweyntii balaarneed ee loo sameeyay Mudane Caalin  wuxuuna ugu horeyntii umahad celiyey saraakiisha Ciidamada maamulka Gobalka kan Baarlmaanka  iyo Dad weynihii faraha badnaa ee ka qeybgalkay soodhaweynta.

 

Musharax Caalin ayaa hadaladii koobnaa ee uu Dad weynihii  kulahadlay waxaa kamid ahaa in uu marka hore yahay musharax kana mid ahaa aas aasayaashii Galmudug muda farabadana uu kamaqnaa dalka uusan dooneynin xilligaan ka qeyb qaadashada qilaafaadkajira “Waxaan ahay Musharax u taagan xilka madaxtinimada Galmudug haddii aan ku guulaysto wa in la ila shaqeeyo haddii la iga guulaystana waan lashaqaynayaa ciddii ku guulaysta hogaaminya maamulka galmudug” ayuu yiri mudane caalin oo laga dareemayay farxad weyn wuxuuna balanqaaday in uu qeyb qeyb ula kulmi doono dhamaan shacabka Galmudug;

Sidoo kale waxaa soo dhawayntiisa ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka mudug xasan faarax Barre,Gudoomiyah barlamnka Max’d Salad Ducaale,wasiirka Amniga Cumar Suuri Max’ud Rooble iyo xubno kale

 

Col. Maxamed Axmad Caalin waa musharaxa 2baad ee isu soo taaga loo lanka madax weynanimada Galmudug xilli maalinimadii shalay aheyd Golaha Guurtida iyo Baarlamaanka ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen in dib loo dhagay Doorashad muddo 15 Cisho ah halka dhawaan wareegto ka soobaxday Guddiga Garsoorka ay iyaguna ku dhawaaqeen in la qabto 1/10/09 Doorashada maadama uu yimid is qab qabsi u dha xeyey Golaha xukumadda madax weyna Kiimiko iyo Baarlamaanka oo ku kala aragti duwanaa qabsoomida doorashada halka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu qabay in doorashada laqabto  16/6/09 waxaan arinkaa kabiya diiday madaxweyne kiimiko oo qabay in 14/8/09 laqabto Doorasho ballaaran

Waxaana muuqata in qilaafkaasi uu hadda ka baxay meesha maadaama la isku waafaqay in doorashada ay dhacdo 1/7/09

W/D C/Waaxid Macallin Isaaq

Madaxa Hobyoradio

Galkacyo, Galmudug State.

+25290-752260

cabdalla45@hotmail.com 


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com