![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Halganka Dahir Calasow:GUUL MISE GUUL DARO???? Faallo uu qoray Wiil Shabaab taageeri jiray.
Juni,18,2009 www.Hobyoradio.com
Halganka
Dahir
Calasow:GUUL
MISE
GUUL
DARO????
Faallo
uu qoray
Wiil
Shabaab
taageeri
jiray.
Somaliland u sara kacay Somaliland, u sacab tumaay somaliland, sare u qaadaay Dahir Calasow, waxa uu u soo halgamay labo Arimood mid waa gooni isu taaga Somaliland, mida labaad waa sidii uu dareensiin lahaa shacabka Soomaaliyeed dhibaatada wiilasha dhalinta yar ee maskaxda looga xaday amar ka yimaada buuraha Afghanistan lagu hago . Dhalintaas waa kuwa mar walba naqshad laga soo dhiibo Afghanistan ku howl gala,Caada ka dhigtay xasuuqa waxgalka Soomaaliyeed,waxaa xusid mudan in kooxdaan xiligii runta aheyd in wax laga qabto gacmaha laga laabtay dadkuna ay ahaayeen kuwa aan fahamsaneyn ujeedkooda qarsoon iyo kuwo cabsaday waxaa ka mid ah hadalada Dahir Calasoow "Khawaarijta wuxuu hadafkooda yahay in qofkii laba qofood wax ka maqlaan ee aan ka mid ahayn dilaan,falka ay ku kaceen walaahi inuusan Somalia ka dhicin,hadiiba ay jirto qof isleh way wanaagsan yihiin,fadlan yaa ii sheegi karo Sheekh Soomaaliyeed,Al-Itixaad,Salafu Jadiid ama Culumadeenii Diinta na bartay ee Ahlusunna Wal Jameeca oo ay leeyihiin waa Sheekheenii,ma jiro,waxayna xal u arkaan inay qofkastoo waxgala dilaan hadii uusan ka mid ahayn" labadas arimood waxaa ka quustay inay ka hadlaan oo fagaare cad la yimaadaan dadkii looga fadhiyay inay wax ka qabtaan,waa mida koowaade Somaliland markii ay caalamka ula hadashay si cod dheer waa ku cuslaatay madaxdii Somaliland inay ka dhaadhiciyaan beesha caalamka waxaana sabab u ahaa madaxda hormuudka ka ahaa howshaas oo noqday kuwo aan hal adeeg laheyn oo aan ku adkeysan karin waxa ay aaminsan yahiin taasna waxaa uga gacan fiicnaaday Dahir Calasoow oo la ogyahay inta uu halgan af iyo adin ah u maray madaxbanaanida Somaliland. Aniga waxaan ku tilmaami kara Dahir Calasow maquuste ,waxaan dhihi lahaay haloo doorto Madaxweyne Somaliland,waa fikir aniga ii qaas ah waxa uu u huray horumarka Somaliland muruqiisa,maskaxdiisa iyo maalkiisa Dahir Calasow oo ah maquustaha madax banaanida Somaliland waxa uu halgan dheer la galay kooxda Al-Shabaab xili aan aniga taageero weyn u hayay kooxdaas waloow aan ogeyn sirtooda hoose laakiin maquuste manaxe Daahir Calasow waxa uu ka daba qaatay toosh weyn ilaa uu cowradooda maanta banaanka soo dhigay. Waxaan dhihi karaa Dahir calasow waxa uu dareensanaa wax uusan dareensaneyn Madaxweyne Sheeq Shariif waayo Sheeq Shariif uma uusan heysan nimankaa kuwa saa halis ugu ah masaalixada umada Soomaaliyeed xiligii uu Daahir la daba taagnaay tooshka ileyska badan,Waxaa taas daliil u ah webka qaadisiya ee ku hadla afka Madaxweynah iyo kooxdiisii hore ee Maxkamadaha in uu maanta taagan yahay Dahir Calasow run buu sheegay halka uu markii hore Dahir ku tilmaami jiray Cadaw islaam hadaba su-aasha leys weydiinaya ayaa ah,Dahir Calasow halgankiisa guul mise guul daro? HADII ALAHA AWOODA LEH IDMO WAXAAN SOO BANDHIGI DOONAA QORAALADII UU KAGA HADLAY DAHIR CALASOW MADAXBANAANIDA SOMALILAND IYO QEYBTA UU KULAHAA ISKU SOO DHAWAANSHIHII LABADA SHACBI EE SOMALIA IYO SOMALILAND AMA AAN SI KALE DHAHEE SHACABKA KOONFURTA IYO WAQOOYIGA WAXAAN KU SOO AF MEERAYAA NINKII CUDUR KU TAHAY CAAFIMADKA WALAALKII CIRKA CAANO HA U DOONO SOMALILAND WAXA AY KA CARARTAY MAAMUL XUMIDA NOOGAMA EYSAN TAGIN SINJI NACEYB DHULKOODA WAA NOO DHULKEENII CALANKOODA WAA NOO CEYMASHO CIRIBTIRKEENA MAAHAN WAA WAX LAGA XUMAADO IN CALOOL BUKE OO DHAN CABAADO MARKA UU DAREEMO CAD CEEDA SOMALILAND FANAANADA WEYN MARYAN MURSAL WAXA AY U HIILATAY SOO DHAWEYNTA CARAFTA IYO UDGOONKA KASOO BIDHAAMAYA SOMALILAND NINKII REER KOONFUREED AH EE TAGAY SOMALILAND WAA HUBAAL IN UUSAN ORANEYN WAX AAN AHEYN "SOMALILAND SAMO KU NOOLOOW SOOMAALILAND USARA KACAAY SOMALILAND." FG: Faaladaan Waxaa qoray anigoo ka mid ahaan jiray taageerayaasha Al-Shabaab dhalinyarda la baxday kana soo dagaalamay Somalia- By Ibrahim Hassan Mogadishu-Somalia
Dahir
Abdulle
Alasow
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||