Ergayga gaarka ah ee Gudiga xalinta qilaafaadka Galmudug Prof. Max’ed Farax Jimcaale  ayaa  ku guulaystay inuu Heshiis hor-u dhac ah dhex dhigo golayaasha Barlamanka, Dhaqanka  iyo Xukuumadda.

Juni,18,2009 www.Hobyoradio.com

Ergayga gaarka ah Gudiga xalinta qilaafaadka Galmudug Prof. Max’ed Farax Jimcaale  ayaa  ku guulaystay inuu Heshiis hor-u dhac ah dhex dhigo golayaasha Barlamanka, Dhaqanka  iyo Xukuumadda.

Prof. Max’ed Farax Jimcaale oo si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya ahna ruug-cadaa u dhashay Galmudug ayaa soo gaaray 10,Juun,2009 magalada Gaalkacyo asagoo kasoo kicitimay magalada Muqdisho kadib markii ay soo ifbaxday inuu jiro qilaaf xoog leh oo u dhexeeya Golaha Barlamaanka iyo Xukuumadda Galmudug oo isku haya habka loo qabanayo doorashada madaxweynenimo ee Galmudug State.

Prof. Max’ed Farax oo ay weheliyaan  wasiirka Amniga Galmudug Cumar Suuri iyo Komishiner Cali Tooye ayaa ku guulaystay  inay ka dhaadhiciyaan balamaanka Galmudug oo qabanlahaa doorashadda  16,juun,2009 inay dib u dhigaan ilaa 15 maalmood oo ku aadan 1,juulaay,2009.

Dhinacyadii saixiixay heshiiska Golaha Wakiiladda, Golaha Dhaqanka, Garsoorka iyo Xukuumadda madaxweyne Prof. Max’ed Warsame Cali kiimiko.

C/aziz Xogolof

xogolaf@yahoo.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com