Shirweyne  lagu taageerayo (DG) GalMudug  State oo kadhacay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Jun,19,2007 www.Hobyoradio.com

Shirweynihii  labaad ee dhexmara Jaaliyada GalMudug State ee gobolka Minnesota iyo Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha (DG) GalMudug State, Mudane' Prof  Max'ed  Warsame  Kiimiko  ayaa ka dhacay  magaalada  Minneapolis.

Madaxweyne Prof. Max'ed  Warsame  Kiimiko iyo  Waftigiisa  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay  asbuucii tagay gobolka Minnesota.

Madaxweynahe Prof. Max'ed  Warsame  Kiimiko  ayaa oga mahadceliyay Jaaliyada Minnesota  taageerada  iyo  soo dhaweynta  isaga iyo Waftigiisa. Prof. Kiimiko ayaa ka warbixiyay GalMudug, isagoo ku tilmaamay baahida gobolka kajirta mid garab u baahan marwalbana  sugaysa Jaaliyadiina  Dibada  ee GalMudug State loogana fadhiyo maanta siday dhaqaale ugu uruurin lahaayeen.

Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame  (Kiimiko)

Mudane.  Qasim Olad Dhicisow

Mudane. Ahmeddahir  C/kariin

Jaaliyada  GalMudug State ee ku dhaqan gobolka Minnesota  ayaa si weyn isugu soo baxay si ay u taageeraan (DG) GalMudug State, ayagoo ka kala socda qaybaha bulshada sida  Ganacsatada,dhalinyarada, Haweenka,iyo Waxgaradka. 

   Gabagabadii shirka  ayaa waxaa hees wadani ah ku sagootisay  Madaxweynaha iyo  Waftigiisa  Fanaanada Caanka ah ee Fartuun Cumar Diini.

Waxaa isna Gabay iyo Sugaan ka jeediyay shirka Sheekh Cabdi Cali Bahal, Sidoo kale Warsame  C/laahi  Farah Warsame  oo 14jir ah, ayaa ku  qudbeeyay luuqada Inglishka oo sheegay inuu u dhashay deegaanka GalMudug State,islamarkaana uu mustaqbalka ku laaban doono (DG) GalMudug State,  asagoo ka codsaday Madaxweynaha inuu gobolka kusoo dabaalo  NABAD  iyo CADAALAD.

Marwo.Nuuro C. Gorod

Marwo.Fartuun

Mudane. Max'ed  Urur

Ugu horayntii  waxaa Aayada quraan ah iyo  Wacdi  ka jeediyay  shirweynihii  lagu taageerayay (DG) GalMudug  State, Iimaamka Masjidka Suuqa weyn ee KARMAL-MALL  Sheekh, Dr. Cumar  Xasan Cade Fiqi  oo dadkii halkaasi isugu yimid faray inay ilaahay ka baqaan kana fogaadaan dhiiga Islaamka, islamarkaana ku wacyi galiyay inay Dadkooda iyo Dalkooda wax u qabtaan.

Imaamka Masjidka Karmal- Sheekh. Cumar Xasan  Cade Fiqi

Marwo. Casha Haji Geedi

Madaxa  Jaaliyada GalMudug State ee gobolka Minnesota Mudane Max'ed  Ahmed  Urur   ayaa u mahadceliyay dadweynihii halkaasi isugu yimid, kadibna bilaabay dhaqaale uruurin,  ugu horayntii  waxaa laga bilaabay $2000 kadib $1500 kadib $1000 kadib $500 kadibna $250  (Ganacsatada Gaaska  SINGLAIR  ayaa yaboohday $2000 waxaana u hadlay  Mudane. Max'ed Osmaan Cali  iyo Max'ed C/rahman (Qoyste) .  (Ganacsatada Gaaska AMOCO ayaa yaboohay $2000 Waxaana u hadlay  Mudane. C/llaahi Faarax Warsame Galbayte  iyo  Xasan Farah  Warsame  Galbayte. Xawilaada  Hodan Global Express ayaa yaboohday  $1000 Waxaana u hadlay  Mudane. C/llaahi A. Xasan. ( Ganacsade  Ahmed Hashi Warsame  iyo Mahad Mire iyo C/Nasir Hashi Warsame  ayaa yaboohay  $2000, Ganacsatadii lacagaha faraha badan yaboohay waxaa kamid ahaa Salaama Halal Meat, Karmal Restorent,Carwooyinka suuqa weyn ee Karmal  iyo suuqa  24ka, lama soo koobi karo  dadkii lacagaha yaboohay balse dib ayaan kasoo gudbin doonaa hadii allaha awooda lahi ogalaado, dhaqaalihii  isla goobta lagu aruuriyay ayaa noqday $ 57,000 (Konton iyo todobo kun oo dolar).

Ugu dambayntii  ayaa Madaxweynaha (DG) GalMudug State  Prof. Max'ed Warsme Kiimiko uu  marlabaad u mahadceliayay  Jaaliyada  GalMudug  ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

C/aziz Xogolof

Minneapolis , MN

xogolaf@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com