MUNAASABADDA DHAGAXDHIGA DHISMAHA DUGSIGA SARE EE SHACABKA

Jun,20,2007 www.Hobyoradio.com


Waxaa maanta ii taariikhdu tahey 19/06/2007 ka bilaabatey munaasabadda dhagaxdhigga mashruuca dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Shacabka. Munaasaabadan oo si weyn loo soo agaasimey waxaa ka ka qeybgaley madaxda dowlad gobolleedka Gal-Mudug State oo uu horkacayo kusimaha madaxweynaha Mudane Cabdi-Samad iyo mas’uuliyiinta Hey’adda Horumarinta Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Dr. C/risaaq Dalmar.







(Bidix) Dr. Dalmar, Mudane Cabdi-Samad Nuur Guuleed (Kusimaha Madaxweynaha). Mr. Max’ed A. Caalin, (Gud. Deg. Hobyo) Col. Cambare



Xafladdan dhagaxdhigga dugsiga Sare ee Shacabka waxaa ugu horeyn furey kusimaha madaxweynaha dowlad gobolleedka Gal-Mudug State. Kusimaha Madaxweynuhu wuxuu aad iyo aad u bogaadiyey ahmiyadda uu u leeyahay furitaanka Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Shacabka dadka ku nool deegaanka gobolka Mudug iyo nawaaxigiisa.


Mudane Cabdi-Samad Nuur Guuleed wuxuu kaloo raaciyey in dowladdu ay la dagaalameyso nin cadow ah lana yiraahdo JAHLI sidaa darteedna ay dowladdu aad ugu faraxsan tahey in ay maanta oo taariikhdu tahey 19/06/2007 dhagax-dhigto bilowga mashruuca dhismaha dugsiga sare ee Shacabka.


Mudane Cabdi-Samad Nuur Guuleed Kusimaha Madaxweynaha oo ka hadlaya munaasabadii dhagax-dhigga Dugsiga Sare ee Shacabka.


Marti sharaftii halkaas ka hadashey waxaa ka mid ahaa Madaxa Hey’adda MDO Dr. Cabdi-Risaaq Dalmar.  Ugu horeyn dhaqtarku wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay ka qeybgalka munaasabadda dhagax-dhiga dhismaha Dugsiga Sare ee Shacabka. Wuxuuna u mahadceliyey hey’adda Imaam Nawawi oo ugu deeqday dhulka balaaran ee maanta loo dhagax-dhigey dhismaha Dugsiga Sare ee Shacabka. Wuxuu dhaqtarku ku booriyey jaaliyadda dibadda ee u dhalatey deegaankan iney u istaagaan sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha dugsigan sare.



Dr. Dalmar oo ka hadlaya  munaasabadii dhagax-dhigga Dugsiga Sare ee Shacabka



Mudane Caalin, Gud. Hobyo oo ka hadlaya munaasabadii dhagax-dhigga Dugsiga Sare ee Shacabka.
 

Ka dib, waxaa halkaa ka hadley Gudoomiyaha Hobyo Maxamed Axmed Caalin oo ku dheeraadey ahmiyadda waxbarashaddu leedahey iyo saameynta wanaagsan ee dugsiganni ku yeelan karo mujtamaca deegaanka. Gudoomiye C aalin oo ka mid ahaa jaaliyadda London/UK ayaa ku booriyey dadka deegaanka iney iyagu isku kalsoonaadaan una istaagaan horumarin gobolkooda qaasatan wuxuu ku dhiirigaliyey in jaaliyaduhu gacanta is qabsadaan, garab-istaagaana dhameystirka dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Shacabka.


Col. sheekh  Cabdullaahi  Cambare

Ahmed  A.  Cabdulle

Gaalkacyo,GalMudug State

Hadaan nahay Bahda Radio Hobyo waxaan  mahadbalaaran u celinaynaa dhamaan walaalihii  adeegan  u qabtay bulshada ku dhaqan DG  GalMudug State.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com