SOMAALIYA DAL IYO DAD AYAAN DARAN.‏ By. Xassan Carab

Juni,21,2009 www.Hobyoradio.com

SOMAALIYA DAL IYO DAD AYAAN DARAN.‏ By. Xassan Carab

Waxaa ayaan darro weyn, muruqo joogto ah iyo wel-wel
naxdiintiisa leh xaaladda eey ku sugan-tahay Somaaliya oo ah
xudunteenii, Dalkeenii hooyo-lama huraankii, goobtii Raxmaanku
inaga abuuray, dhulkii kheeyraadku buuxay, badii hodanka aheyd
Hawadii nadiifta aheyd iyo webiyadii burqanaayeey.
 
 
       Dalka sifooyinkaas kooban oo qiimaha weyn lahaa maanta
halkee ku sugan yahay ama halkee xaalkiisi maraayaa-ayaan
darro, naxdiin joogto ah iyo daruur madoow oo hareeysay dhiiga
Sokeeyaha si joogto ah u qubanaaya, qaraxyo ismiidaaminta ah
iyo hirdanka madaaficda oo hadaf iyo jiho midna la heyd, dilka
ama ugaarsiga Shahsiyaadka dhaxal galka ah sida:-Wadaadada
waaweyn-Aqoonyahanka, Saraariisha sarre, Caqliga iyo iftiinka
Ummadda waana arrin ujeedadeedu yahay ciribtirka tiiraarka la oran
karro tiiraarka la-dhabarka ah, Maanta waxeey ku tilmaaman tahay
Somaaliya hooyga holoca iyo xarunta Masiibooyinka, goobta ugu
Nabadglyo xun aduunka gaar ahaan koonfurta siiba Caasimadda ama
xaraunta Dalkeena Muqdisho,waxaana jaxiim ku jira shacabka hakaas
ku sugan oo dagaalka iyo colaadu u yihiin nolol malmeedka.




Muddo  dhan 19-Sano ayeey dhibaatadu socotaa mana
muuqdo xal iyo iftiin nabadeed balse maanta ayeey ugu daran tahay
Koonfurta Somaaliyeed dagaalkuna ugu xoog weyn yahay, dhiiguna
Wadooyinka qul-qulaayaa ama daadaanayaa, meeydku gidaar walba
yaal, qeylada dhawaaca xaafad walba laga maqlaayaa, Oohinta iyo
tiiraanyada tacsiyadeed noqdeen caadi, barakacuna jahawareer iyo
meel la'aan, bulshaduna ku sugan tahay Maalin iyo Habeen wadda
Madoow, intaas oo dhibaato ah waxaa masuuliyadeeda leh kuwa
Sheeganaaya Ururadda magacyada kala duwan leh hadafkuuduna
yahay hanashada xukunka kursiga, laakiin illaaweey naxariista iyo
Masuuliyada bulshadu ka mudan tahay, garan waayeey in dagaalku
marna xal noqoneeyn, colaaduna bulsahadda sii kala fogeeyneeyso
isla markaan eey abuureeyso kooxo kale Naceeybkuna ku weyn yahay,

Hadii eey ahaan lahaayeen dhinacyadda-Kooxaha Magaca Islaamigga

Taya iyo Garabka Dawladaba.

 Maanta Dalkeenii Hooyo halka
ayuu maraayo weeynu aragnaa wax qarsooni ma jiraan dhibaataduna tahay
mid sii weynaaneeysa, cakirmeeysa ififaalo nabadeedna haba yaraatee
muuqan, hadaba Somaali ahaan maxeey tahay masuuliyadeena(daawasho,
mise talaabo qaadis xataa hadii eey xadidan tahay) maanta Dalkeenii
wuxuu maraayaa-Ceel uma qodna cidna uma maqna(Allah Mar walba inoo
Maqan)waxaan ku baaqaayaa in  si guud  Dalka gudihiisa iyo qurbahaba
laga ababulo banaan baxyo nabadeed lagu diidan yahay dagaalka,colaada
iyo dhiigan xad dhaafka ah oo Koonfurta Somaaliya ku qubanaaya, waxaa
looga fadhiyaa Hogaanka bulshada:- Culimaa'udiinka,Hogaanka dhaqanka,
Aqoonyahanka, ururada Haweenka,Dhalinyarada,Abwaanada iyo bahda
Saxaafadda iyo Warbaahinta iyo ururadda Xuquuq Il-aadaminigaba hor-
kaca bulshada iyo abaabulidda banaan baxyadaas oo leh baaxadooda intii
Muddo ahna la joogteeyo, sidoo kalle lagu dadaalo gurmadka iyo caawinta
Dadka tabaaleeysan barakacsan iyo guud ahaanba bulsho weynta dhibku
sida weyn u taabtay.
 
 -Alloow Nabadgelyo Buuxdda.
  -Alloow Caqligu Taliyo-
  -Alloow Dagaalka Iyo Colaada Noogu Bedel Nabad iyo Nolool Wacan-
  -Alloow Raxmadaada iyo Naxariistaada Ifka iyo Aakkiroba-
 
       
 
      -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
      -England-uk- 18/06/2009-
      -sharifhassan50@yahoo.com.


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com