![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
intee la egtahay dhibaatada haysata Dhalinta Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha.Q\ AHMED SAID OLAD
Juni,21,2009 www.Hobyoradio.com
intee la
egtahay
dhibaatada
haysata
Dhalinta
Soomaaliyeed
ee wax
ku
bartay
Qurbaha.Q\
AHMED
SAID
OLAD
intee la egtahay dhibaatada haysata Dhalinta Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha?(Shaqo la'aan iyo xanuuno nafsaani ah oo deris la noqday Arday wax ku baratay qurbaha Wixii ka dambeeyay burburkii qarankii Somaaliya oo dad badan Soomaali ah ay ka soo hayaameen dalkii Hooyo ee Soomaaliya waxaa dadka Soomaaliyeed ee soo haajirey hareeyay dhibaatooyin iyo jahawareer dhinacyo badan taabanayso oo isgu jira xag dhaqan, qoys, diin iyo waliba tacliin sababtoo ah dhalin yaro badan oo Soomaali ah oo wax ku bartay qurbaha ayaa la'a meel ay aqoontii barteen ay kula laabtaan, ayadoo ay dhacdo in qaar ka mid ah dhalin yaradaas waxbartay ay waajahaan dhibaato nafsaani ka dib markii ay waayeen maamuuskii ay lahaayeen oo ay helaan dhalin yarada asaagooda ah ee leh qaran u shaqaynaya iyo meel ay kula laabtaan. Runtii dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha gaar ahaan wadamo ay ka mid yihin India ,Masar, Malaysiya, Syria iyo Sudan ayaa la dhihi karaa dhibta ugu weyn ayaga ayay haysataa maxaayeelay, wadamadaas aan kor ku soo xusay waxaa la dhihi karaa waxay hormuud u yihiin soo saarida dhalinyaro Soomalaiyeed oo qaybaha kala duwan ee aqoonta, hayeeshee dhalinyarada Soomaaliyeed Gabdho iyo wiilalalba ee wadamadaas wax ku bartay ayaa ah dad aan ku shaqeyn aqoon tooda, waxaana intaas u sii dheer in qaarkood ay noqdeen kuwa niyad jabsan maadaamaa ay yihiin dad aan lahayn qaran iyo dal nabdoon oo ay ku laabtaan. Marka dhalinta Soomaaliyeed ee waxbartay ay waayaan meel ay kula laabtaan ama ay ka shaqeeyaan ayaa ku fekera inay ka sii tahriibaan dalkii ay wax ku barteen mar hadii aqoontii ay barteen ay noqotay HAL BACAAD LAGU LISAY , waxaa dhacda Ardaydii wax ku bartay wadmada aan soo xusay qaarkood inay galaan tahriib culays badan wata oo waxay ka talaabaan dhul saxaro ah ama bad weyn taasoo keenta inay ku dhintaan dhalinyaro badan oo Soomaali ah, waxaana qiyaastii la oran karaa boqolaal dhalin yaro oo Soomaali ah oo aqoon lahaa ayaa ku geeriyooday tahriibkaas. Marka qofka Soomaaliga ah uu soo booqdo wadamada aan ku xusay sida Masar ama Suudaan waxa uu la kulmay tiro dhalinyaro Soomalaiyeed oo ka qalin jabiyay Jaamacadaha Dalalkaas, xitaa qaarkood haysa Shahaadooyin sare sida Master-ka balse aan haysan wax camal islmarkaasina niyadoodu tahay mid aad u hooseysa madaama ay yihiin QARAN LAAWAYAAL halka dhalinyarada u dhashay wadamada kale ee u yimid tacliinta wadamada aan hada ka sheekeynayno mooralkoodu yahay kuwa dhisan maadaamaa qarankooda uu yahay mid dhisan ayna leeyihiin dalal ay kula laabtaan oo leh adeegyada aas aasiga ah ee nolosha oo uu ku shaqayn karo qofka aqoon yahanka. Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo darsay dhalinyaradaan wax baray ee Soomaalida ah ayaa ku sheegay in badankooda ay la ildaran yihiin Cudduro nafsaani ah (psychological problems) sida wel-wel xaga mustaqbal ka ah, niyad xumo ka haysata wixii uu bartay, iyo buufis (qof u baahan inuu ka dhoofa meesha uu jooga asagoo walbahaarsan). Waxaa intaas sii dheer, in dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbarta ee ku sugan wadamadaas qaarkood ay isku dayi lahaayeen inay u shaqo tagaan wadamada khaliijka, nasiib daro ma ahan kuwa si sharaf u raadsan kara shaqada ayagoo ku adkaata inay heleen Fiisaha ay ku gali lahaayeen dalalkaas maadaama ay yihiin dadka ugu Passport-ka liita dunida oo QARAN-KOODII KU BEDESHAY QABIIL, taas waxay u keentay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay deras la noqdaan Niyad jab iyo feker hoose oo uusan mudnayn inuu fekero qof-ka aqoon yahanka ah.
Dhan
kale,
sida la
wada
ogsoon
yahay,
Bii'ada
iyo
dad-ka
aad la
nooshahay
waxay
qayb
weyn ka
qaadataa
sida uu
u fekero
qofka
Aaadamiga
ah,
hadaba
dhalinyaradii
Soomaaliyeed
ee wax
ku
bartay
wadamada
aan soo
xusanay
waxaa
iyana
saameyn
ku
yeeshey
dadkoodii
Soomaaliyeed
oo laba
qayb
isugu
jira
kuwa
dalkii
ka yimid
iyo kuwa
ka yimid
wadamada
reer
galbeed
ku
waasoo
intooda
badan
wada
Virus
qabyaalad
ah oo
waxay
qabadsiiyaan
dhalinyaradii
wax
baratay
ee
joogay
wadamo
ay ka
midyihiin
pakistaan,
Suudaan,
Masar
iyo kuwa
kale oo
aan kor
ku soo
xusay,
sidaas
darteed
dhalintii
wax
bartay
ee looga
fadhiyay
inay
bedelaan
hab
dhaqanka
Soomaalida
ayaa
ayagii
waxay
noqdeen
dhibanayaal
marki
hore la
taahayay
Shaqo
la;aan
iyo
xanuuni
nafsaani
inay si
sahal ku
qaadaan
Afkaarta
Qabyaaladeed
ee ay
xanbaarsan
yihiin
inta
badan
dadka
Soomalaiyeed,
waxaana
la dhihi
karaa
waa mid
ka mid
ah
dhibaatooyinka
haysta
dhalinteeni
wax ku
bartay
Qurbaha.
Dhinacyo badan marka laga eego xaalada ay ku sugan yihiin dhalin yarada Soomaaliyeed ee waxbartay sida shaqo la'aan ta iyo nolol xumada waxaa kuu soo baxayso inay yihiin dad aan lahayn Dal, Dowlad dhexe, Qaran sharaf leh iyo waliba Siyaasiyiin caafimaad qab ah yacnii aan qabin Cudduro ay ka mid yihiin Qabyaalada, Nin-tooxsiga iyo Dabadhilif-nimada. Arrimahan murugada badan ee haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbarta oo qaarkood aan ka soo sheekeeyay waxaa la dhihi karaa waa Ayaan daro weyn oo ina haysata maxaa yeel aqoon yahan wax ku bartay dal dibadiisa, oo aan haysan meel uu ku laabto, oo la taahayo dhibaatooyin badan sida Xanuun nafsaani ah,. Shaqo la'aan, Qabyaalad-na la qabadsiinayo, taasoo ah in dhalintyeenii wax baratay inay noqonayaan dad u dhaqma cagsiga dhalinyarada kale ee u dhashay wadamada kale ee wax u bartay dalkoodii, kuwaasoo ay ka muuqato niyad ahaan caafimaad qab xaga nafsiga ah, daryeel ay ka haystaan maamulayaasha dalkooda, iyo waliba ayagoo ku laabta dalkooda oo u nabad ah, oo aan ka jirin, qabyaalad, dagaal sokeeye, dal laga iibsanaayo wadan deris ah, iyo waliba xarakaad Islaami ah oo ayaga isku mashquulsan.
Q\ AHMED SAID OLAD mysore india +919902650663
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||