intee la egtahay dhibaatada haysata Dhalinta Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha‏.Q\ AHMED SAID OLAD

Juni,21,2009 www.Hobyoradio.com

intee la egtahay dhibaatada haysata Dhalinta Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha‏.Q\ AHMED SAID OLAD

intee la egtahay dhibaatada haysata Dhalinta Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha?(Shaqo la'aan iyo xanuuno nafsaani ah oo deris la noqday Arday wax ku baratay qurbaha

Wixii ka dambeeyay burburkii qarankii Somaaliya oo dad badan Soomaali ah ay ka soo hayaameen dalkii Hooyo ee Soomaaliya waxaa dadka Soomaaliyeed ee soo haajirey hareeyay dhibaatooyin iyo jahawareer dhinacyo badan taabanayso oo isgu jira xag dhaqan, qoys, diin iyo waliba tacliin sababtoo ah dhalin yaro badan oo Soomaali ah oo wax ku bartay qurbaha ayaa la'a meel ay aqoontii barteen ay kula laabtaan, ayadoo ay dhacdo in qaar ka mid ah dhalin yaradaas waxbartay ay waajahaan dhibaato nafsaani ka dib markii ay waayeen maamuuskii ay lahaayeen oo ay helaan dhalin yarada asaagooda ah ee leh qaran u shaqaynaya iyo meel ay kula laabtaan.

Runtii dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay Qurbaha gaar ahaan wadamo ay ka mid yihin   India ,Masar, Malaysiya, Syria iyo Sudan ayaa la dhihi karaa dhibta ugu weyn ayaga ayay haysataa maxaayeelay, wadamadaas aan kor ku soo xusay waxaa la dhihi karaa waxay hormuud u yihiin soo saarida dhalinyaro Soomalaiyeed oo qaybaha kala duwan ee aqoonta, hayeeshee dhalinyarada Soomaaliyeed Gabdho iyo wiilalalba ee wadamadaas wax ku bartay ayaa ah dad aan ku shaqeyn aqoon tooda, waxaana intaas u sii dheer in qaarkood ay noqdeen kuwa niyad jabsan maadaamaa ay yihiin dad aan lahayn qaran iyo dal nabdoon oo ay ku laabtaan.

Marka dhalinta Soomaaliyeed ee waxbartay ay waayaan meel ay kula laabtaan ama ay ka shaqeeyaan ayaa ku fekera inay ka sii tahriibaan dalkii ay wax ku barteen mar hadii aqoontii ay barteen ay noqotay HAL BACAAD LAGU LISAY , waxaa dhacda Ardaydii wax ku bartay wadmada aan soo xusay qaarkood inay galaan tahriib culays badan wata oo waxay ka talaabaan dhul saxaro ah ama bad weyn taasoo keenta inay ku dhintaan dhalinyaro badan oo Soomaali ah, waxaana qiyaastii la oran karaa boqolaal dhalin yaro oo Soomaali ah oo aqoon lahaa ayaa ku geeriyooday tahriibkaas.

Marka qofka Soomaaliga ah uu soo booqdo wadamada aan ku xusay sida Masar ama Suudaan waxa uu la kulmay tiro dhalinyaro Soomalaiyeed oo ka qalin jabiyay Jaamacadaha Dalalkaas, xitaa qaarkood haysa Shahaadooyin sare sida Master-ka balse aan haysan wax camal islmarkaasina niyadoodu tahay mid aad u hooseysa madaama ay yihiin QARAN LAAWAYAAL halka dhalinyarada u dhashay wadamada kale ee u yimid tacliinta wadamada aan hada ka sheekeynayno mooralkoodu yahay kuwa dhisan maadaamaa qarankooda uu yahay mid dhisan ayna leeyihiin dalal ay kula laabtaan oo leh adeegyada aas aasiga ah ee nolosha oo uu ku shaqayn karo qofka aqoon yahanka.

Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo darsay dhalinyaradaan wax baray ee Soomaalida ah ayaa ku sheegay in badankooda ay la ildaran yihiin Cudduro nafsaani ah (psychological problems) sida wel-wel xaga mustaqbal ka ah, niyad xumo ka haysata wixii uu bartay, iyo buufis (qof u baahan inuu ka dhoofa meesha uu jooga asagoo walbahaarsan).

Waxaa intaas sii dheer, in dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbarta ee ku sugan wadamadaas qaarkood ay isku dayi lahaayeen inay u shaqo tagaan wadamada khaliijka, nasiib daro ma ahan kuwa si sharaf u raadsan kara shaqada ayagoo ku adkaata inay heleen Fiisaha ay ku gali lahaayeen dalalkaas maadaama ay yihiin dadka ugu Passport-ka liita dunida oo QARAN-KOODII KU BEDESHAY QABIIL, taas waxay u keentay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay deras la noqdaan Niyad jab iyo feker hoose oo uusan mudnayn inuu fekero qof-ka aqoon yahanka ah.

Dhan kale, sida la wada ogsoon yahay, Bii'ada iyo dad-ka aad la nooshahay waxay qayb weyn ka qaadataa sida uu u fekero qofka Aaadamiga ah, hadaba dhalinyaradii Soomaaliyeed ee wax ku bartay wadamada aan soo xusanay waxaa iyana saameyn ku yeeshey dadkoodii Soomaaliyeed oo laba qayb isugu jira kuwa dalkii ka yimid iyo kuwa ka yimid wadamada reer galbeed ku waasoo intooda badan wada Virus qabyaalad ah oo waxay qabadsiiyaan dhalinyaradii wax baratay ee joogay wadamo ay ka midyihiin pakistaan, Suudaan, Masar iyo kuwa kale oo aan kor ku soo xusay, sidaas darteed dhalintii wax bartay ee looga fadhiyay inay bedelaan hab dhaqanka Soomaalida ayaa ayagii waxay noqdeen dhibanayaal marki hore la taahayay Shaqo la;aan iyo xanuuni nafsaani inay si sahal ku qaadaan Afkaarta Qabyaaladeed ee ay xanbaarsan yihiin inta badan dadka Soomalaiyeed, waxaana la dhihi karaa waa mid ka mid ah dhibaatooyinka haysta dhalinteeni wax ku bartay Qurbaha.
Dhab ahaan tii, eed malahan dhalin yarada Soomaaliyeed ee wax bartay balse waxaa hareeyay isbar-bar yaaca ama Tiiha haysta ummada Soomaaliyeed taasoo ugu wacan Qaran la;aan-ta haysata shacabka Soomaalida, mana muuqata habkii loogu bixi lahaa sababtooo ah EEBE MA BEDELO UMMAD XAALKOODA ILAA AYAGA AY ISBEDELAAN.

Dhinacyo badan marka laga eego xaalada ay ku sugan yihiin dhalin yarada Soomaaliyeed ee waxbartay sida shaqo la'aan ta iyo nolol xumada waxaa kuu soo baxayso inay yihiin dad aan lahayn Dal, Dowlad dhexe, Qaran sharaf leh iyo waliba Siyaasiyiin caafimaad qab ah yacnii aan qabin Cudduro ay ka mid yihiin Qabyaalada, Nin-tooxsiga iyo Dabadhilif-nimada.

Arrimahan murugada badan ee haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbarta oo qaarkood aan ka soo sheekeeyay waxaa la dhihi karaa waa Ayaan daro weyn oo ina haysata maxaa yeel aqoon yahan wax ku bartay dal dibadiisa, oo aan haysan meel uu ku laabto, oo la taahayo dhibaatooyin badan sida Xanuun nafsaani ah,. Shaqo la'aan, Qabyaalad-na la qabadsiinayo, taasoo ah in dhalintyeenii wax baratay inay noqonayaan dad u dhaqma cagsiga dhalinyarada kale ee u dhashay wadamada kale ee wax u bartay dalkoodii, kuwaasoo ay ka muuqato niyad ahaan caafimaad qab xaga nafsiga ah, daryeel ay ka haystaan maamulayaasha dalkooda, iyo waliba ayagoo ku laabta dalkooda oo u nabad ah, oo aan ka jirin, qabyaalad, dagaal sokeeye, dal laga iibsanaayo wadan deris ah, iyo waliba xarakaad Islaami ah oo ayaga isku mashquulsan.

Q\ AHMED SAID OLAD

mysore india

colaad15@hotmail.com

+919902650663


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com