Gabay. Galad iyo Gobanimo.By.Dr.Cabdirahman Haji Ereg

Jun,23,2007 www.Hobyoradio.com

Gabaygan waxaa tiriyay Garyaqaan Cabdiraxmaan Xaaji Ereg 10/6/2007, waxayna ahayd munaasabad gobolka Minnesota lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug State Mudane Maxamed Warsame Cali(Kimiko) oo boqosho ku yimid USA. 

Madaxweyne Prof. Max'ed warsame ''kiimiko''

Dr. Cabdirahman Haji Ereg


AVV. Cabdirahman Haji Ereg

Gabay. Galad iyo Gobanimo

Geyiga Somaaliyeed markii la isku wada galay

Gabagabada colaadeed markii meel waliba gaartay

Gurbood iyo caruur wixii gawrac lagu jiiday

Gumaad iyo xasuuq wixii la isu wada goobtay

Degalladii gilgilimada noqdiyo gabiyadii ciiray

Ka gees iyo ka gees gulufka joogtoobay

Gaal iyo Islaan wixii la isu wada geystay

Kala guurki dadkeeniyo wixii gobolba meel aaday

Nin waliba goofkuu laha markay daniba gaarsiisay

Hobyo-godon iyo Galmudug waa gocashadaydiiye

Garan waayay meel kaloo geeddiga u raro e
 

Affartaas geddii aan bartiyo gabayadaydii dheh

Guubaabooyinkii aan marin jiray gabi dhaceedii dheh

Gole joogsi wacan iyo marin gobaadeed dheh

Affar kalana waa mid aan idiin garwaaqsiiyay 
 

Wax badan baan gaabiyo kaalintay gabaye

Geel aanan lahaynba waxbadan gaawaha u culaye

Guutooyin ciidana waxbadan guluf heenseeyay

Geesiyaal aan yareynbaa darted iilka hooos galaye

Guryasamo ha daaqdaan lahaa iyo gole nabadeede

Gaaxdeeda ha maaleenbaan lahaa gabannadeeniye

Geddigood ha tureen baan laha gorofka cayreede

Gobonnibadu ha waartaan lahaa goor iyo ayaane 
 

Inkastoo gaddaas aan anigu gaar isku xilsaaray

Haddana garowsiiyo kama helin iyo libin la gaaraaye

Oo weliba godobteda iyo eed aniga guudka lay suraye

Garta wacan guddoonkiyo sharciga haddii la isla garan waayay

Gar eexo iyo xaajada gurracani markii gudubtay xeerkeedi

Oo gumaysi iyo cadowgii gacal la moodaayo

Oo qarankii gaasirmoo nacabna gacanta loo geliyay

Talo gaara iyo masamul way gudboontahaye

Gacmaha is qabsada oo tashiga meel isugu geeya

Guntada oo ka kaca oo goob u wada jeesta

Goldoloollada dhexdiinana gabi ka tuuryeeya

Gartuna waxay tahay in maamulkan gacanta siinaaye

Oo weliba gallad iyo ducada ugu gargaarnaaye.

Avv. Cabdirahman haji Ereg

Rochester, MN

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com