Madaxweynaha DG Galmudug State Prof Mohamed Warasame Kimiko iyo wafdi uu hogaigii  minayay ayaa ku soo laabtay gobalka Virginia USA sabtigii  oo halkaas si weyn logu soo dhaweeyay

Jun,23,2007 www.Hobyoradio.com

Madaxweynaha DG Galmudug State Prof Mohamed Warasame Kimiko iyo wafdi uu hogaigii  minayay ayaa ku soo laabtay gobalka Virginia USA sabtigii  oo halkaas si weyn logu soo dhaweeyay

 

 

Madaxweynaha DG Galmudug State mudane Mohamed Warsame Kimiko iyo wafdi uu hogaminayayoo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada DG Galmudug mudane Ahmed Abdikarim Nuur, latiliyaha madaxweynaha mudane Qassim Colaad ,iyo mudane Abdirishi Cagaweyne oo wakiilka DG Galmudug ee North America u fadhiyo ,ayaa axadii JUN -17-2007 shir weyn loogu qabtay magaalada Virginia, ay ka soo qeyb galeen dhamaan jaaliyadda ka soo jeeda DG Galmudug State.

Xaflada oo sii weyn u soo qaban qaabiyay mudane Mohamed Ashkir Guled “libax” oo ah gudumiyaha Galmudug State oo u fadhiyo Virginia iyo nawaaxigeda  iyo taagerasha Galmud, xafladaa oo si weyn loogu soo qeyb galay yar iyo weyn dhalinyarad haweenka waxgaradka iyo culuma’diinka ka kala yimid magaaloyinka kala ah Virginia,Washington,Baltimore MD,Richmond VA, Raleigh North Caroline, New Jersey, iyo Deleware, halkaas ayaa soo dhaweeyn iyo tageero u muujiyen madaxweenaha Prof Mohamed Warsame Kimiko.

Ugu horeyntii waxaa shirka furay mudane Jimcale Abdurahman Dhoore oo ku soo dhaweeyay Sheekh Ahmed Ali Gelle oo aayadaha qura’an iyo wacdi diini ka soo jeediyay.

 

 

 

Mudane Jimcale A Dhoore oo ka hadlay degaanka magalada iyo tageerashay Galmudug sida ay u taageersan yihiin ,ka dib wuxuu ku soo dhaweeyay  madaxweynaha Galmudug Prof  Mohamed Warsame Kimiko .Madaxweynaha oo halkaas qudbad  sharaf leh ka  jeediyay oo dadkii meesha joogey ay aad iyo aad ogu riyaaqeen, qudbada ka dib madaxweynaha wuxuu jaaliyada weydiyey waxii sua’al ay qabaan ,dhoweer qofood ayaa sua’al weydiyay madaxweynaha si wanaag san ayuu ugu qanciyaya sua’alada ay weydiiyen, madaxweeynaha wuxuu aad ula dhacay fikradaha kala duwan ay soo bandhigeen aqoonyahada degaanka degan , wuxuun u balan qaaday in fikradaha ay soo jeediyen lagu dhaqaaqi doono haduu eebe idmo.

Kadibna wuxuu mahad ugu celiyay dadka shirka soo qaban qaabiyay gara ahaan mudane Mohamed  Ashkir Guled "libax"iyo dadki la hawsha la waday.

Wuxuu kale u sheegay in mar dhow boqando gobala kale ka mid ah America iyo meelkasta ay joogan tageerasha Galmudug.

Waan ka xumahay inaanan soo daabicin waqtigii uu na soo gaaray  warkan cilad xaga Webside oo na haysatay owgeed.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com