Jaaliyada Rochester ee gobolka Minnesota oo si weyn u soo dhaweysay Madaxweynaha  (DG) GalMudug Prof. Max'ed  Warsame Cali 'Kiimiko".

Jun,25,2007 www.Hobyoradio.com

Jaaliyada GalMudug State ee ku dhaqan magalada Rochester ee gobolka Minnesota   ayaa si weyn usoo dhaweeyay Madaxweynaha  (DG)  GalMudug State   iyo Wafti uu hogaaminayo  oo baryahanba socdaal ku marayay gobolada Maraykanka.

Shir si weyn loosoo  agaasimay ayaa ka dhacay Hotel  Ramada ee magalada Rochester,ayadoo ay si weyn isugu soo baxeen Jaaliyada ku nool magalada Rochester.

Ugu horayntii ayaa waxaa shirka Furay Godoomiyaha Jaaliyada  Mudane. C/aziz Sheekh Max'ed Geedi oo u mahadceliyay dadkii halkaasi isugu yimid, asagoo si weynna usoo dhaweeyay madaxweynaha (DG) GalMudug State iyo Waftigiisa oo ka koobnaa  Wasiirka Maaliyada GalMudug  Mudane Ahmeddahir C/kariin Nuur iyo Lataliyaha Madaxweynaha Mudane. Qaasim Olaad.

Waxaa isna kusoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo waftigiisa magalada Rochester Dr. Cabdirahman Haji Ereg  isagoo oga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen.

Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ugu horeeyay Madaxa Jaaliyada Minneapolis Mudane Max'ed Ahmed Urur   iyo Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyaynta GalMudug  Mudane. Hassan Maxamuud Hayl.

Jaaliyada magalada Rochester oo lagu yaqaan kuwa had iyo goor u taagan taageerada GalMudug State  ayaa isugayn ayaga iyo Jaaliyada Minneapolis  ay ku yabooheen  maamulka iyo horumarinta deegaanka GalMudug State $57,000 (Konton iyo todobo kun)

Mudane. Mohamed ahmed Urur

 Mudane.Hasan Maxamuud Hayl

Gudoomiyaha Jaaliyada GalMudug ee magalada Rochester  Mudane C/aziz sh. Max'ed Geedi

Dr. Cabdirahman Haji  Ereg

Toorte lagu soo dhaweynayo DG  GalMudug State.

Madaxweynaha oo Jaraya toortahii soo Dhaweynta DG GalMudug State


C/aziz Xogolof

Minneapolis,MN

xogolaf@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com