T’V-GA ALJAZEERA WAA WALAAL DHAB OO AY SOMALIDU LEEDAHAY . W.Q bashir nur hersi

Juni,25,2009 www.Hobyoradio.com

T’V-GA ALJAZEERA WAA WALAAL DHAB OO AY SOMALIDU LEEDAHAY . W.Q bashir nur hersi

Aniga oo raadi –raacaya maqaal uu AHAMED DEEQ  qorey , ayaa  igu dhaliyey inaa soo taaso oo hurdadda ka kaco , oo si cilmi ah ugu jawaabo saaxiibkaas dadaalay laakin dhan kale u weeciyey kana duweyey ciddii dhaliisha lahayd ,dhaliisha dilka dhiiga daadanaya waxaa aragti gaabnida cimaadleyda iyo koofiyadleyda somaliyeed ee malaha aljzeerada madaxeena ko usoo qaaday oo waliba noo celisay waxoo ciso ah waayo waxaa habeen walba ka soo muuqada aqoonyahano Somali ah  , marka hore aan fahamno waxay aljazeera tahay , iyo sida ay shaqeyso , iyo mabda’ ay ku qotanto ,

Aljazeera waa warbaahin madex-banaan oo raacsan mabda’ carabnimdda , waa muxaafid raacsan qiyamka islaamka , waana codka dadka aan codka lahayn . doodaha ay siideyso waxaa lagu jaan-gooya labo aragtiyood oo iska hor-jeeda ,

Hadda dooda ugu weyn aduunyada taala maanta  waxa weeyi sida warbaahinta , goobaha cillmi-baarista , goobaha barashada , waa labo  aragti waa siraaca ama is-heysashada  labadda xadaaradooda muslimka iyo reer galbeedka , haddii kale loo yiraahdo DAGAALKA ARGAXA LAGU JIRO sida reer galbeedu qabanaa iyo waxa lool jeedo , haddaba dowr aljazeera ee dooda taagan hadda waa dowr xalaal ah labo muslimna iskuma qilaafsana marka laga reer arab mutacadila ama arabta mareykan raaca ah  kazoo soo bilow  qayada reer falastiin gaar ahaan dagaalkii ugu danbeeyey GAZA  oo lagu diley in 2000kun oo qof , afgaanistaan , ciraaq  Somalia  iyo laga soo gaarayo lubnaan ,

Waxay soo bandhigtey war xaqiiqo kana turjumaya baahidda dadka dulman ,

Aan u timaado Somalia iyo aljazeera waxyaalaha aljazeera lagu xasuusto laguna xasuusan doono waxaa ka mid ah , waxay u hadashaa sidii oo ay tahay qeyb ka mid ah dhiiga somalida

1-     waxay qeyb ka qaadatay lacag loo ururiyey Somali abaartii 2006dii waxaana hormuudka ahaa sheekha caanka yuuf aqardaawi

2-     aljazeera waxay siidaysay oo sawiro codad kasoo qaaday dad soomali ah oo ku dhibateysan dhulka la heysto ee Somali galbeed , barmijkaas oo llogu magac daray .(OGADEEN WAA DHIBAATO LA HILAAMAY –OGEDAN MA’SA MANSIYA )  oo hormud ka ahaa wariye jaamac nuur taasoo jiidatay indhaha dadyaw caalamka ku nool dabadeedna keentay in cadaqga itoobiya xirrirka u jarto dawlada Qatar  aydoo waji-gabax ka qaaday sida ay warbixintaasu ugu turjumaysay xaqiiqada dhabtaa FADLAN , youtube.com

 

3 -  20kii juun wariye fahad yasin waxa uu soo bandhigey dhibaatada dhaawacyada cruurta somaliyeed ee hospitalada ku jira una dhimanaya daawo la’aanta ,haddaad fiirsato faaladaas waxaa arki lahayd fahad yaasiin oo gabar yar  oo dhaawac ah babanaya si dabeyl u hesho oo hilmaynay ‘ kuna hadlaya cod murogo leh wuxuuna kusoo gaban-gabeeyey faalada oo dhincyo badan taabaneysa , erayo aniga shakhsiyan six un saamayn iigu yeeshay oo indhahayga ilmadu ka qubatey dareemkeyguna isbadaley , wariye waxa uu afmeer erayo macnahoodu ahaa sida (YAA ILAAHII YAA ILAAHII , YAA I CUNAYA , MA CADOW I SHIIDAYA , MISE SAAXIIB AAN II NAXARIISANAYEY !? )

Haddaba ma mudan yahay in sidaa ahmed deeq u dhaliiley loo dhaliilo qof  Somali ah oo sidaa u soo tabinaya dhibaatada ubad keena ?

AHMED DEEQOW ma waxaa rabtaa inaa naga gado , oo kaa aqrisano , taysiir caluuni ayaa ka qeyb kaa qaadanayey laynta caruurta afganistaan ?

Ma waxaa rabtaa inaa noo sheegto bush iyo blair ay ka shaqeynayeen danaha dadka afganistaa iyo iraag Somali imw ?

Miyaadan ka baqeyn in ay aqristayaashaadu ku qoslaan markaa leedahay aljazeera ciraaq iyo somaliya ay burburisay adiga oo naga duwanaya oo is moodsiinaya in iraq lagu diley 1.5milayam qof oo waxba galabsan ? tolow yaa u sheegeysaa aragtidaa la isku qaldahay ?

Mida ugu daran qormadaada oo aanan fileyn waxay markaad leedahay wariye fahad maahan Somali ee waxaa zone-5aad ee itoobiya , tallow yaa Somali ah ? ma xamar iyo afgooye kali ah ayaa Somali u taqaan ? mise waxaa ka mid tahay dad aan u aqaano xabashi somaliga jajabsada  ? soo arin qaldan maahan in sidaas wax loo kale qeybiyo ?

Dadka gabolka Somali galbeed waa Somali xalaal , oo dhiig dhacaano Somali ah .

Haddii fahad yaasiin shiilaabo ku dhashay uu san Somali ahayn , macnihii aniga oo hobyo ku dhashay Somali ma noqonayo

Markaas somalinimadii ay wax kale kula tahay adiga

Mida aniga shakhsiyan xushmadda u hayo al-shabaab – aljini wal-islam , iyo kuwo dowlada u taqaan adigu , inkastoo aan barri taageeri jiray sh shariif iyo sh xasan , nasiib wanaag hadda waa ku kufriyey taageeradooda waayo waxaa ogaaday in aysan lahayn aragti madex-banaan oo Somali ah oo iimaan iyo caqiido waddaniyeed oo somali ah in aysan lahayn  

Waxaa kusoo afjari waa ladoogane yaan la dacaroon !

 W.Q bashir nur hersi


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com