Foriegn Students Olympiad 2009 oo markii ugu horaysay lagu qabtay Magaaladatan Hyderabad.‏

Juni,25,2009 www.Hobyoradio.com

Foriegn Students Olympiad 2009 oo markii ugu horaysay lagu qabtay Magaaladatan Hyderabad.‏

 

Waxaa markii ugu horaysay si habsami leh uga furmay garoonka Masabtank ee Magaaladatan Hyderabad foriegn Students Association olympied 2009.
Olympicadan oo ay tahay kii ugu horeeyay oo olympic nuucaan oo kale ay qabtaan Ururka Ardayda Ajaanibta ayaa waxa ka qaybqaadanaya ilaa 17 dal.


Gudoomiyaha Ardayda Ajaanibta ee ku nool Magaaladatan Hyderabad Mr.Abdiwali Maxamed Abtidoon Ayaa ka hor bilaabashadii cayaarta Khudbad Furitaan ah ka jeediyay isla Garoonka Masabtank asagoo la hadlayay dhamaan Dalalka ka qayb qaadanaya olympicadaan iyo dadwaynihii usoo daawasha tagay intaba Gudoomiyaha oo ay qudbadiisa ku baxaysay luuqadda Englishka ah ayaa waxa uu yiri : Ilaahay ayaa mahad iska leh noo suura galiyay qabsoomidda Olympicadan intaas ka dib waxaan ogaysiinayaa dhamaan Ardayda Ajaanibta ee ku nool Magaaladatan Hyderabad inay tahay olympicadan midkii ugu horeeyay balse aysan ahayn kii ugu danbeeyay waxan kaloo ugu baaqayaa Dhamaan Ardayda Ajaanibta  inay iska kaashadaaan dhinac walbana iska caawiyaan haday noqoto xagga Sportiga  iyo haday noqoto dhinaca waxbarashada intaba waana taas  tan nagu kaliftay inaan si wada jir ah u qabano olympicadan aynu ugu talagalnay inaan isku barno Dhamaan Ardayda Ajaanibta ah ee ku nool Magaaladatan Hyderabad Maadama ay ku jiraan xilli fasax la wada yahay,  hadaynu nahay ururka Foriegn Students Association waan idinku soo dhawaynaynaa Olympicadan Cidwalbana waa ay u furantahay inay ka qayb qaadato waa sida uu hadalka u dhigay Gudoomiye Abdiwali Maxamed Abtidoon.
Hadaan wax yar ka xuso Urukana Ardayda Ajaanibta ayaa waxa la aasaasay Sanadkii 2005ta waxaana ku midaysan in kabadan arday ka kala timid 58 dal, dal walbana waxa uu ku leeyahay Ururka Ardayda Ajaanibta  xubno matala Inkastoo ay jiraan dalal aan ilaa hadda xubno ku lahay laakiin hoos yimaada Ururkan Ardayda Ajaanibta ah, waxaana Gudoomiye ka ah ururkaasi ay ku midaysanyihiin 58 dal Gudoomiye Abdiwali Maxamed Abtidoon oo ah Arday Soomaaliyeed.


Xubnaha ururkan oo ka kooban ilaa 20 xubnood ayaa waxaa Somalida u matala 2ba arday oo kala Ah Gudoomiyaha Ururkaasi Mr. Abdiwali Maxmed Abtidoon iyo Madaxa Isku xirka xiriirka Ardayda Ajaanibta ah Mr.Hassan Yuusuf Maxamed oo loo yaqaan (Xasan ArabSpeaker).


Ardayda Ajaanibta ah ee wax ka barta Magaaladan Hyderabad ayaa lagu qiyaasaa ilaa 7000 o arday oo kakala timid in ka badan 58 dal.
Dhinaca kale Ardayda Soomaliyeed ee dhigta jaamacadaha kala duwan ee Magaaladan Hyderabad ayaa waxa lagu qiyaasaa ilaa 2000 oo arday. 


Khudbadii Gudoomiyaha ka dib waxaa Faahfaahin ku saabsan dalalka ka qaybqadanyo Olypicadan iyo Nuucyada Tartamada uu ka koobanyahay  Olympicadan ka hadlay  Madaxa Isku Xirka Xiriirka Ardayda Ajaanibta ah Mr. Xasan Yuusuf Maxamed (Arab Speaker)waxaana hadalkiisa ka mid ahaa " Waxaa Sharaf wayn inoo ah inuu maantay noo furmo Foriegn  Students olympiad 2009, waxaana hadduu rabi idmo ka qayb qaadan doono 16 dal oo  kala ah :
 
1. Soamlia
2. Sudan
3. Kenya
4. Fiji Island
5. Namibia
6. Nepal
7. China
8. Tanzania
9. Yemen
10. Eretrea
11.Usbakistan
12. Ethiopia
13. Djibouti
14. Afghanistan
15. Uganda
16.  Iiran
17. Bangaladesh
 
   Dalalkaas oo ka qaybqaadan doono  Cayaaraha kala duwan ee olympicada Sida: Kubadda cagta, Basketball, Volleyball, Chesska, Dabaasha, Iyo Orodada.
Waxaana intaasi uu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Xasan Arabspeaker " waxaan aaminsanahay Sportska inuu yahay waxa kaliya ee isku xira mujtamaca kala duwan ee meel kuwada nool waxan ugu ugu baaqayaa dalalka ka soo qaybgalay  olympicadan inay ku dadaalaan kana qaybqaataan qabsoomidda olympicadan oo kale Sanadada xegta Hadduu rabbi idmo" waa sida uu yiri Madaxa isku Xirka Xariirka Ardayda Ajaanibta Mr.Xasan Arabspeaker.


Mr. Xasan yuusuf Maxamed (Arabspeaker) waxa uu ka soo jeedaa Qoys bahda sportiga ah ku barbaaray waxaana dhalay Garsoore heer qaran ahaan jiray oo lagu magacaabo Xaaji Yuusuf Mohamed.


Waana idin soo Gudbin doonaa hadduu rabbi noo saamaxo Natiijada cayaarkasta ee olympicadan ka furmay maantay Garoonkan Masabtank ee Mgaaladatan Hyderabad.
 
 
 
By: Wariye najiib Abdirizak Warsame ( Najiib Yare )
Magaalada Hyderabad ee Dalka India.
Tell: 0091-9618398299
E-mail: Najiibyare4@hotmail.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com