Kooxda Kubadda Cagta Ee Somalia oo Cayaar wacadaro leh kaga badisay Kooxda Kubadda Cagta Ee Tanzania‏

Juni,25,2009 www.Hobyoradio.com

Kooxda Kubadda Cagta Ee Somalia oo Cayaar wacadaro leh kaga badisay Kooxda Kubadda Cagta Ee Tanzania‏

Cayaar Xiiso Leh ayaa ka Bilaabatay garoonka Masabtank ee magaaladatan Hyderabad. Cayaartaas oo qayb ka ah Foriegn Students Olympiad 2009, Cayaartaas ayaa waxa ay dhex martay  Labada kooxood ee Soalia iyo Tanzania.
Cayaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa ay ay xamaasad galisay dadwayne iyo taageerayaal gaaraya ilaa 500 oo qofood Si aanan looga sheekayn cayaarta halkaasi ku dhex martay Somalia iyo tanzania waxayna ahayd cayaar in muddo ah la wada sugayay.


labada kooxood ayaa soo bandhigay cayaar wanaag aad u heersaraysa Gaar ahaan Kooxda ku caaaraysay magaca Somalia oo dadwaynihii ka soo qayb galay ay ku tilmaameen inay hanan karaan Olympicadan Haddii ay mar walba soo bandhigaan cayaar wanaagii ay la cayaareen Tanzania.


Ka dib bilaabashadii cayaarta ayaa Daqiiqadii 10aad Kabtanka kooxda Somalia Maxamed Yalax kaga naxsaday Goal ugu horeeyay kooxda Tanzania taasoo cayaarta ka dhigtay 1 iyo 0.


laakiin dadaalo fara badan oo ay muujiyeen cayaryahanada Tanzania aysan nasiibku u saamaxin inay ka dhigan cayaarta barbardhac, waxaana lagu kala nastay Qaybtii hore ee cayaarta isla 1 iyo 0 oo ay ku hogaaminaysay Somalia.
Ka dib soo laabashadii qabta 2aad ee cayaarta aya Kooxda kubadda Cagta ee Somali Fursado badana ka Faa'idaysteen waxaana daqiiqadihii loogu talagala cayaarta ya kusoo gabagabowday 6 iyo 0 .


 Gabagabadii cayaarta ka dib waxaa ii suura gashay inaan waraysi gaaban la yeesho Tababaraha Kooxda kubadda Cagta Ee Somalia Mr. Cabdicaziz Maxamed Cagmadhige Ahna madaxa sportiga ee Ururka Somali Students Association waxa uu yiri " Dadaalo fara badan oo aan muujinay ka dib waxaan kooxda Tanzania kaga badinay 6 iyo 0 sida ad daawanayseen taasna waxay cadaynaysaa inaan hanan karno koobkan olympicada ah Sideeduba Kubaddu waa cad iyo madoow adoo fiicana waa lagaa rayn karaa adoo xunna waad badin kartaa laakiin Cayaarta aan maantay cayaarnay ma ahayn mid la dafiri karo waxana leeyahay cayaaryahanadaas waa cayaaryahano mustaqbal fiican ku leh kubadda cagta waxaana rajaynaynaa inay mar dhow ka mid noqdaan kooxda Qaranka Somalia Hadduu Rabbi imdo ". wa sida uu yirir tababaraha kooxda kubadda cagta ee Somalia ahna madaxa Sportiga ee Ururka Soamali Students Association (S.S.A.).


Cayaartan aya qayb ka ahayd Foriegn Students Olmpiad 2009 oo ka furmay dhawaan Magaalada Hyderabad gaar ahaan Garoonka Masabtank ayaa waxa ka qaybqaadanaya Ilaa 17 kooxood waana idiin soo Gudbin Doonaa Natiijada Cayaar walba Hadduu Allaha Awoodda leh noo saamaxo.
 
 
By  : Wariye Najiib Abdirizak Warsame { Najiib Yare}
Magaalada Hyderabad ee Dalka India.
Tell: 0091-9618398299
E-mail : najiibyare4@hotmail.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com