Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Axmed Cali Salaad  waa maxay faa'iida ugu jirta Colaada uu ka abaabulayo Mudug???!!!!By: Maxamed C/laahi Cali  

Jun,26,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

 
Axmed Cali Salaad  waa maxay faa'iida ugu jirta Colaada uu ka abaabulayo Mudug???!!!!

Sida aad lawasocotaan waxaa Ayaamihii ugu danbeeyay kajiray Gobalka Mudug Talaabooyin iyo Hadalo qalqal galinkara Amniga iyo Xasiloonida Gobalka oo ay horboodayaan qaar kamid ah Mas;uuliyiinta W/Gaalkacyo

 

Waxaa dhicikarta in Dad bani aysan sifiican uga warqabin sababaha ku kalifay Gudoomiyaha W/Gaalkacyo Axmed Cali Salaad in xiligaani Mudug ka abaabulo Colaad oo uu san kafikirin Cawaaqib xumada ka dhalan karta Amnidaro iyo Colaad xiligaan laga shaqeeyo

 

Axmed Cali Salad oo Halqabsi kadhigtay ( Galmudug Amni xumo ayay  ka shaqaynayaan ) ayaa waxaa moodaa in uusan ka fiirsan xiligaan Colaada uu Dubaankeeda tumayo

 

Axmed Cali Salaad wuxuu ku Andacooday in Dad lagadilay arintaas oo ah mid Labada dhinacba kadhacda oo aan dad gaar ah ku koobnayn waxaana sameeya waxmagarato aan u naxayn dadka muslimiinta ah ee ay had iyo jeer u dilayaan qabiilka uu ilaahay kadhaliyay

 

Lakiil   Somali waxaay ku Maah Maahaan BAROORTU ORGIGA KAWEYN waxaa dhawaan laga aas aasay Waqooyiga Gaalkacyo Jamhad lamagacbaxday SSC taas oo ladoonayo in dagaalo dhuumaalaysi ah lagasho Maamulka Somali land gaar ahaan gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn SSC . waxayna Taageero waydiisteen Beesha dagta W/Gaalakacyo oo gudoomiyaha u yahay Axmed Cali Salaad

 

Hadaba si aysan wax taageeraa u siin isla markaana ay u muujiyaan wax ay Milatarigu u yaqaanaan Xaalad abuur ama Daruuro. Ayaa waxaa ay Mas'uuliyiinta W/Gaalkacyo  Siyaasadooda guracan ku abuureen in lagu baaqo Dagaal si loo yiraahdo dagaal ayaa nagu furan waxna idinma tarikarno arintaas oo aysan kafiirsan waxaka dhalankara maadaama horay im badan ay Dagaalo ka dheceen Gabalkaas

 

Waa nasiibdaro ah in Shaqsi sheeganaya Mas'uuliyad uu Gurigiisa iyo Ilmihiisa ugu baaqo ama uu maqashiiyo dagaal ama colaad xiligaan laga dhex abuuro dad muslimiin ah ee uu dhiigoodu xaaraam kala yahay. Axmed cali salad iyo inta kufikir ah waxaay qaadayaan Aduun iyo Aakhiro Mas'uuliyada waxkasta oo Amnidaro iyo Dhiigdaata ah oo ka dhaca Gobalka Mudug .

 

Shacabka gobalka mudug waxaa laga dboon in aysan wax kasooqaadin warka Qofdoonaya in ay Guryahoodu Burburaan qaxootina ay noqdaan. isla markaana ay haldhinac uga soo jeestaan amaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah e wada daga gobalkaas

 

Ugu danbayntii waxaan Canbaaraynayaa qaar kamid ah Saxaafada oo ka qayb qaadanaysa Colaad abuurka uu wado Axmed Cali Salad , Waxaana umahad Celinayaa Siyaasiyiinta, Cuqaasha, Dhalinyarada, Haweenka, Warbaahinta iyo Dhamaan qaybaha kaladuwan ee Bulshada Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ee sida Wanaagsan u fikiraya Diidana in Qof Muslin ah Dhiigiisa labanaysto Dadkana loosheego in Dad Markasta Ilaahay Dililahaa ladilayo  ….

By: Maxamed C/laahi Cali   

 amiin4me@hotmail.com  Email

Tel: 00967736554357

yemen
 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|