49guuradii kasoowareegatay maalmaha xoriyadda soomaaliyeed:W/Q: abdi sh hassan kulmiye (abdiyare)

Juni,26,2009 www.Hobyoradio.com

49guuradii kasoowareegatay maalmaha xoriyadda soomaaliyeed:W/Q: abdi sh hassan kulmiye (abdiyare)

 

Umad walba oo dunidan ku nool wax ay leedahay maalmo taariikhdeeda ku weyn isla markaana lagu xasuusto geesiyaashii dhiigooda iyo maalkoodaba uhuray xoriyada ay heystaan... umada soomaaliyeed oo ka mida umadaha caalamka waxay leedahay maalmo ay si gaara ay u qadirayaan  kuna weyn xasuustooda,maalmahaas waxaa ka mida 26ka juun iyo 1da luuliyo.hadaba hadii aan si gaara  u falanqeyno halgankii loo soo maray xoriyadda soomaaliyeed.

 shacbiga  soomaaliyeed wuxuu qeyb ka ahaa umadihii afrika ee lagu kala qeybsaday 1884tii shirkii ka dhacay magaalada baarliin  ee dalkii la oran jiray jarmalka bari.dalka soomaaliyeed waxaa loo qeybiyey 5qeybood iyadoo ujeedada gumeystayaashu ka lahaayeena ay aheyd maadaama shacbiga soomaaliyeed uu yahay shacbi islaama  isla markaana ka mideysan dhinaca luqada, diinta, iyo dhaqankaba in leys hor istaago dowlad soomaaliyeed  oo islaama in ay ka curato geeska afrika, mida labaad oo sabab u aheyd in soomaaliya loo qeybiyo  5 qeybood waxa ay aheyd dhulka soaamliyeed waa dhul alle uu ku manastay kheyraad  fara badan hadii ay  ahaan laheyd dhinaca bada ,xoolaha iyo barrigaba in dunida inteeda kale laga  qariyo  kheyradka  ka buuxa soomaaliya. dhamaan arimahaas iyo kuwa kale ayaa sabab u ahaa insoomaaliya si arxandaraa gumeystayaashii yurub ay uqeybsadaan. qeybtii waqoyi waxaaqaatay dalka ingiriiska, qeybta konfureedna talyaaniga. qeybta barina waxaa qaatay  faransiiska. hase yeshee marki dambe  qeybka mida dhulka soomaalida  uu ku wareejiyey xabashida,sidoo kale qeybka mida ciida soomaaliyeed ingiriisku wuxuu si khalad ah ugu daray dhulka  Kenya. markii sidaa loo qeybsaday dhul weynihii soomaaaliya ayaa dadka soomaaliyeed waxay bilaabeen halgan  adag oo ay kaga soo horjeedaan gumeystayaasha. dhaqdhaqaaqii ugu horeeyey  ee halganka waxaa hogaaminaayay  halgame axmed garaad ibraahin (axmed gureey) halgankaasi waxa uu bilawday 1528, waxaana halagame axmed gureey usuurta gashay inuu jabiyo boqortooyadii xabashida  , xabashidu markii ay dagaalkaaskaasi ay ku jabtay waxay u qeylo dhaansatay ciidankii ingiriiska   dagaal aad uqaraaraa ayaana maalintaas  dhex maray  ciidankii soomaalida iyo kuwii  xabashida oo ay taageerayaan kuwii ingiriiska. halagankii xigay  waxa uu ahaa  midkii uu hogaaminayey   sayid maxamed c/dule xasan,ciidankii ingiriiska iyo kuwa  daraawiishta ee soomalida dagaalkoodu waxa uu socday inka badan(20sano) markii ciidanka ingiriiska looga adkaaday dhinaca lugta waxay adeegsadeen diyaarado iney kuduqeeyaan cidankii daraawiishta fariisamahooda 21kii janaayo 1920 ayey aheyd  markii ingiriisku uu adeegsaday  diyaaradaha dagaalka wuxuuna duqeyn ba'an ugeystay  taliskii ciidanka darwaawiishta ee magaalada taleex ku yiilay.. halgankii sidaas kuma hakan wxaana meeshii kasii waday uruirkii  dhalinyarada somaaliyeed ee  S.Y.L. kaasi oo la aasaasay 15kii mey 1943dii xubnihii ururkaas  13kii dhalinyaro waxay kala ahaayeen,( 1.) c/qaadir saqaawadiin kuna dhashay tayeegloow bakool sanadii 1919 24 jir.(2.) maxamed xirsi nuur sidii kuna dhashay mareeg g/gaduud  1915 28 jir (3)yaasiin  xaajicismaan sharmaarke ku dhashay hobyo mudug 1917 26 jir (4)xaaji maxamed xuseen maxamad  ku dhashay muqdisho 1917 26 jir (5)  cisman geedi raage ku dhashay muqdisho 1925 18 jir (6) xaaji maxamed c/laahi xayeesi ku dhashay  muqdisho 1918 25 jir (7) dheere xaajidheere kudhashay muqdisho  1926 17jir (8) dahir xaaji cismaan ku dhashay hobyo mudug 1925 18 jir (9)cali xasan maslax kudhashey muqdisho 1919 24jir (10) maxamed cali nuur ku dhashay muqdisho 1927 16 jir (11)maxamed faarax hilowle kudhashay mareeg g/gaduud 1925 18jir (12)  huudoow macalin c/alahi  saalax kudhashay mareereey sh/hose 1926 17 jir (13) maxamed cismaan baarbe kudhashay bardheere gedo 1910 33jir  xisbigii syl durba waxa uu bilaabay inuu dadka ku wacyi geliyo difaaca dalka hooyo , wuxuuna shirar  iyo kulama gaar gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed waxaana markaa ka dib usuurta gashay xisbigii syl. inuu noqdo xisbi siyaasaded oo markaa aan la  gamban  fikirkiisa ku aadanaa  gumeysi naceebka. Gumeytayaashu markii ay dareemeen in xisbigii syl. uu hantay  taageerada bulshada waxa uu gumeysigu sameeyey xisbiyo daba dhalif  u ah .

Halagankii gabanimo u dirarka shacabka soomaaliyeed waa uu sii laba lixaadsaday waxaana gobalada waqooyi ee dalka soomaaliya ka abuurmay  xisbi siyaasadeed laguna magacaabi jiray  S.N.C., kaasi oo  dagaal adag  kala hor yimid isticmaarkii ingiriska.labada urur S.Y.L. iyo  S.N.C  waxaa ka dhaxeeyey xiriir hoose wxayna ka  mideysnaayeen indalkasoomaaliya laga xoreeyo isticmarka, ka dib markii uu geeriyooday xoghayihii  guud ee ururka s.y.l. yaasiin xaaji cismaan ayaa golihii fulinta ee ururka s.y.l. waxay si buuxda isugu raceen in c/laahi ciise maxamuud loo magacaabo inuu noqdo xoghayaha guud ee uruka s.y.l. c/laahi ciise markii lo sheegay in loo magacaabay jagada xogyaha guud ee xisbiga s.y,.l. durba waan aqbalay ma uusan  dhihin , balse markii uu ka fakaray arintaas ayuu aqbalay , c./laahi ciise maxamuud waxa uu ku dhashay degmada afgooye sanadii 1922 wuxuuna xisbiga ku soo biiray isagoo 18 jir ah.. mudo ka dib markii uuqabtay  jagada xoghayaha guud ee xisbigii s.y.l. c/laahi ciise waxa uusi  xowli ah  isugu dubariday arimihii shaqo  ee horyaalay xisbiga, wxaana markaa ka dib loo baahday in siyaasada  xisbiga s.y.l. ee gudaha ka socota la gaarsiiyo dalka dibadiisa arimaahisina waxaa si gaar ah loogu xilsaaray c/laahi ciise. dhowr shir  oo caalami ah ayuuna ka qeyb galay c/laahi ciise mar walbana  wuxuu cadeenayey  in  gardarada uu  gumeysigu ku hayo shacbiga soomaaliyeed. bishii sebtembar 1949 shirkii golaha amaanka ee qaramada  mioobay ee lagu qabtay dalka faransiiska  ajandayaasha loga hadlaayey waxaa ka mid ahaa qadiyada soomaaliya. hadaba si c/laahi ciise maxamuud uu uga qeyb galo shirkaasi  ayaa dowlada talyaanigu waxay soo rogtay go'aan tilmaamaya qof kasta oo ka dhoofaya soomaaliya in la talaalayo, talaalkaasi ayaa ahaa mid  qofka marka latalaalo ku keenayo qandho xanuun  badan  mudo laba tadobaad ah. si c/laahi ciise  uusan uga daahin shirka  ayaa waxaa talaalkii isku dhigay halgame muuri oo ahaa nin xoogaa muuqaal ahaan c/laahi  ciise ay isku ekaayeen sababtii uu u sameyna waxa ay ahayd intii c/lahi ciise uu xanuunsan lahaa   isla markaana uu ka daahi lahaa shirka  UNka aniga aan xanuunsado , mudo ka badan  laba todobaad ayuuna la xanuunsanaa muuri talaalkii lagu dhiftay, c/laahi ciise   waxa uu sii maray landan, balse  safaaradii  farnsiiska  ee landan ayaa xoogaa ka  meer meertay  in fiise ama  dal ku gal in la siiyo c/laahi ciise, xiligaas ma uusan wadan wax baasaboora balse  waxa uu watay warqad   magaceedu uu ahaa marka la soo gaabsho ( BSA) hase yeeshee waxgarad soomaaliyeed oo ku noolaa landan ayaa  u sheegay c/laahi ciise inuu  jiro tareen  deg dega oo tagaya  magaalada baariis, sidii ayuu ku raacay  c.laahi ciise tareenkii kuna tagay  shirkii  UNKA, c.laahi ciise maxamuud waxa uu shirka UNKA  ka hor cadeeyey in soomaalidu ay  u dagaalmeyso  dalkooda hooyo inta gumeysigu ku jiro taako ka mida  gayiga soomaaliya,  xoriyada ayaan dooneynaa  dalkayaga guud ahaantiis waa inuu ka baxaa  isticmaarku, hadalkaasi wax weyn  ayuu ka badalay jawigii  shirka , wax yar ka dib kulan ay yeesheen xubnaha joogtadaa ee galaha amaanka ayaa isku raacay  insomaaliya loo diro 4 dal oo soo hubiya biseylka umada soomaaliyueed ee dhinaca  xoriyada, afartaas waxay kala haayeen masar. filibiin. leyberiya iyo kolombiya,  shirkii markii uu dhamaaday c/laahi ciise dalkii ayuu dib  ugu soo labtay warbixin ayuuna siiyey golihii dhexe  ee xisbiga syl. kuna saabsan socdaalkiisii  faransiiska ee shikii unka, , madaxdii afartii dal  ee loo magacaabay soo eegida   sida umada soomaaliyeed ugu heelan tahay helida  xoriyadoda ayaa markii ay yimadeen dalka waxay durbaba arkeen dadkii soomaalida  oo sameynaya banaanbaxyo  kuna dhawaaqaya  ereyo ay ka mid ahaayeen ha dhaco isticmaarku ha ka baxo dalkeena, waana u  dhimaneynaa xoriyada  inta qofkeena u dambeeya uu nool yahay, markii ay dib ulaabteen afartaas dal waxay warbixintii ay ku soo arkeen soomaaliya u gudbiyeen UNKA, ka dib golaha amaanku waxa uu soo saaray  go'aantilmaamaya in soomaaliya la siiyo maamul hosaad 10 sana ah talyaaniguna  uu  sii maamulo mudadaaas.hadaba maadaama ay soo dhawaatay  shucladii xoriyada ayaa   waxaa lagama maar maan noqotay in la helo  astaan ama calan ay isku aqoonsadaan shacbiga soomaaliyeed halgame  maxamed cawaale liibaan  ayaa ku guuleystay  inuu soo bandhigo naqshada calankan quruxda badan ee maanta noo muuqada ee buluuga ah xidigta casna ay dhexda kaga taalo. bishii jun 26keedii sanadii 1960 gobalada waqooyi ee dalka waxay ku guuleysteen  iney hantaan xoriyadoodii waxaana maalintaas gobolada waqooyi oo dhan ka dhacay isku soo baxyo farxadeed oo lagu muujinaayo guushii halganka xoriyada..4maalin ka dib gobalada koonfureed ee dalka waxaa u rumoowday rajadii aheyd iney ka so hoos baxaan isticmaarka gacantiisa.waxgaradkii gobalada waqooyi iyagoo wada calankii isla mar kaana ay  hor kacayaan allaha u naxriistee maxamed xaaji ibraahin cigaal iyo cali garaad jaamac  waxay usoo ambabaxeen magaalada muqdisho si ay ula midoobaan walaalahooda konfurta somaaliya si weyn  ayaana loogu soo dhaweeyey muqdisho waxaana wafdigaas la dajiyey   hotel shabeele oo ku yiilay faras magaalada muqdisho ,1dii luuliyo 1960 saqdii dhexe  ayaa daarta weyn ee fisha guverno waxaa laga taagay calankii soomaaliyeed waxaana la dajieye  calankii talyaaniga. abwaan  c/laahi suldaan tima cade ayaa habeenkaas isagoo la ilmeynaya farxada   xoriyada     ayaa waxa uu tiriyey maansadan <<Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee ka  na siib kana saar >>, habeenkaas somaali oo idil  meel ay joogtaba waxaa hareeyey farxad caruur, ciroole, hooyooyin, odayaal, dhalinyaro,  iyo waxgaradba waxaa kor loo wada ruxay ubaxyo iyo calankii soomaaliyeed qiirada maalintaas waxay gaartay meel aad u  sareesay.sidas daraadeed 1da luuliyo 1960  waa maalinta xoriyada soomaaliyeed waa maalintii gobolada  koonfureed ay ka xoroobeen isticmaarkii talyaaniga isla markaana gobolada  waqooyi ay la midobeen,  waa maalintii qaranka soomaaliyeed laba midowday oo horey u ahaa british somali land, iyo italian somaliland. in  kastoo walaalaha  waqooyi iyagoo calanka wada ay jecleesteen in walaalahood koonfurta ay la midoobaan,  in hadana gocosho ay ka  tirsanayaan walaalaha waqooyi, balse hadii koonfurta aad ka tabaneysaan in balaayo gooni ah ay idin ku sameeysay  sameeya sabarkii nabi yuusuf CSW uu ku sameeyey walaalihiis ,maxaa yeelay nabi yuusuf CSW  markii walaalihiis ay ku tuureen ceelka geeri ayay  ku xisaabeen, nabi yuusuf csw markii dambe wuu cafiyey  walaalihiis wuuna uduceeyey in alale uu u dambi dhaafo, marka hadaad tihiid walaalayasheena  soomaali land noo soo duceeya dhacdooyin horey u dhacayna yaan la gocan.

Hadaba waxaa xusid mudan oon anigu kagaranayaa maalmahaan kuwayn shacabka soomaaliyeed in mar kasta oo ay soo dhawaato munaasabadaha qaranka meelaha laga soo dhawayn jiray ay kamidtahey radiyo muqdisho oo ah hooyada warfaafinta somaaliya  laga siideynjiray  barnanamijyo soconaya halsaac amaba nusa saaco waliba iyadoo la gaarin xiligii munaasabada  sedex maalin ka hor  si umadda  loo dareensiiyo in  munaasabadaha qaranka ay soo socdaan barnaamijyadaas waxaa si gaara u diyaarin jiray faale qore sare wakaalada wararka soomaliyeed ee (sonna)isla markaana ahaa madixii barnamijyada radiyo mogadisho c/hi macalin maxamed (ifka) iyo wariyayaasha raadiyo muqdisho kuwaas oo si qoto dheer ulafa gurijiray taariikhda  iyadoo barnaamijyadaas dhexdooda  ay ku jiraan heeso,gabayo, buraanburo, iyo codad dadkii uusoo halgamay xoriyada,kuwaas  oo markii ay maqlaan dadka soomaaliyeed soo xasuusineysa dhibatadii loo soo maray halganka dhamaan  agabyadaas waxay ku keydsan yiihiin  ilaa  waqtigaan xaadirkaana ay yaalaan keydka hadalka ee raadiyo muqisho,barnamijaas waxaa lagu furijiray laguna xiri jiray heestii loogu magac daray goormaan ladanaaney,erayda heestaasna waxaan kaxusi karaa <<goormaan ladnaaney 60kii goormaan lulaney 6dii saac 1dii luuliyo 2bo midowday>> heestaan oo qayb ka’ah suugaan farabadan oo si gooni ah loogu xasuusto maalmaha xoriyadda somaliya ayaa waxaa hal abuuray abwaan siciid maxamed (xarawo)

ugu dambeyntii iyadoo ay mudan tahay inla maamuuso maalmaha xoriyadda soomaliyeed ayaa waxaa nasiib  daraa in qaranimadii iyo midnimadii dhibka badan laga soo maray ay faraha howl yari uga  baxeyso sharaftii iyo cisigii soomaaliaya ku laheydna caalamka maanta ay tahay  mid ku dayacan daafaha aduunka,balse rajada alle lagama quustee waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mida la arki doono  shacbiga soomaaliyeed  oo gacmaha is heysta dibna udhistay dalkiisii hooyo..

inshaa alaah,’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’

 

W/Q: abdi sh hassan kulmiye (abdiyare)

Email-abdiyare2003@hotmail.com

Minneapolis Minnesota, america       


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com