![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
49guuradii kasoowareegatay maalmaha xoriyadda soomaaliyeed:W/Q: abdi sh hassan kulmiye (abdiyare)
Juni,26,2009 www.Hobyoradio.com 49guuradii
kasoowareegatay
maalmaha
xoriyadda
soomaaliyeed:W/Q:
abdi sh
hassan
kulmiye
(abdiyare)
Umad walba oo dunidan ku nool wax ay leedahay maalmo taariikhdeeda ku weyn isla markaana lagu xasuusto geesiyaashii dhiigooda iyo maalkoodaba uhuray xoriyada ay heystaan... umada soomaaliyeed oo ka mida umadaha caalamka waxay leedahay maalmo ay si gaara ay u qadirayaan kuna weyn xasuustooda,maalmahaas waxaa ka mida 26ka juun iyo 1da luuliyo.hadaba hadii aan si gaara u falanqeyno halgankii loo soo maray xoriyadda soomaaliyeed. shacbiga soomaaliyeed wuxuu qeyb ka ahaa umadihii afrika ee lagu kala qeybsaday 1884tii shirkii ka dhacay magaalada baarliin ee dalkii la oran jiray jarmalka bari.dalka soomaaliyeed waxaa loo qeybiyey 5qeybood iyadoo ujeedada gumeystayaashu ka lahaayeena ay aheyd maadaama shacbiga soomaaliyeed uu yahay shacbi islaama isla markaana ka mideysan dhinaca luqada, diinta, iyo dhaqankaba in leys hor istaago dowlad soomaaliyeed oo islaama in ay ka curato geeska afrika, mida labaad oo sabab u aheyd in soomaaliya loo qeybiyo 5 qeybood waxa ay aheyd dhulka soaamliyeed waa dhul alle uu ku manastay kheyraad fara badan hadii ay ahaan laheyd dhinaca bada ,xoolaha iyo barrigaba in dunida inteeda kale laga qariyo kheyradka ka buuxa soomaaliya. dhamaan arimahaas iyo kuwa kale ayaa sabab u ahaa insoomaaliya si arxandaraa gumeystayaashii yurub ay uqeybsadaan. qeybtii waqoyi waxaaqaatay dalka ingiriiska, qeybta konfureedna talyaaniga. qeybta barina waxaa qaatay faransiiska. hase yeshee marki dambe qeybka mida dhulka soomaalida uu ku wareejiyey xabashida,sidoo kale qeybka mida ciida soomaaliyeed ingiriisku wuxuu si khalad ah ugu daray dhulka Kenya. markii sidaa loo qeybsaday dhul weynihii soomaaaliya ayaa dadka soomaaliyeed waxay bilaabeen halgan adag oo ay kaga soo horjeedaan gumeystayaasha. dhaqdhaqaaqii ugu horeeyey ee halganka waxaa hogaaminaayay halgame axmed garaad ibraahin (axmed gureey) halgankaasi waxa uu bilawday 1528, waxaana halagame axmed gureey usuurta gashay inuu jabiyo boqortooyadii xabashida , xabashidu markii ay dagaalkaaskaasi ay ku jabtay waxay u qeylo dhaansatay ciidankii ingiriiska dagaal aad uqaraaraa ayaana maalintaas dhex maray ciidankii soomaalida iyo kuwii xabashida oo ay taageerayaan kuwii ingiriiska. halagankii xigay waxa uu ahaa midkii uu hogaaminayey sayid maxamed c/dule xasan,ciidankii ingiriiska iyo kuwa daraawiishta ee soomalida dagaalkoodu waxa uu socday inka badan(20sano) markii ciidanka ingiriiska looga adkaaday dhinaca lugta waxay adeegsadeen diyaarado iney kuduqeeyaan cidankii daraawiishta fariisamahooda 21kii janaayo 1920 ayey aheyd markii ingiriisku uu adeegsaday diyaaradaha dagaalka wuxuuna duqeyn ba'an ugeystay taliskii ciidanka darwaawiishta ee magaalada taleex ku yiilay.. halgankii sidaas kuma hakan wxaana meeshii kasii waday uruirkii dhalinyarada somaaliyeed ee S.Y.L. kaasi oo la aasaasay 15kii mey 1943dii xubnihii ururkaas 13kii dhalinyaro waxay kala ahaayeen,( 1.) c/qaadir saqaawadiin kuna dhashay tayeegloow bakool sanadii 1919 24 jir.(2.) maxamed xirsi nuur sidii kuna dhashay mareeg g/gaduud 1915 28 jir (3)yaasiin xaajicismaan sharmaarke ku dhashay hobyo mudug 1917 26 jir (4)xaaji maxamed xuseen maxamad ku dhashay muqdisho 1917 26 jir (5) cisman geedi raage ku dhashay muqdisho 1925 18 jir (6) xaaji maxamed c/laahi xayeesi ku dhashay muqdisho 1918 25 jir (7) dheere xaajidheere kudhashay muqdisho 1926 17jir (8) dahir xaaji cismaan ku dhashay hobyo mudug 1925 18 jir (9)cali xasan maslax kudhashey muqdisho 1919 24jir (10) maxamed cali nuur ku dhashay muqdisho 1927 16 jir (11)maxamed faarax hilowle kudhashay mareeg g/gaduud 1925 18jir (12) huudoow macalin c/alahi saalax kudhashay mareereey sh/hose 1926 17 jir (13) maxamed cismaan baarbe kudhashay bardheere gedo 1910 33jir xisbigii syl durba waxa uu bilaabay inuu dadka ku wacyi geliyo difaaca dalka hooyo , wuxuuna shirar iyo kulama gaar gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed waxaana markaa ka dib usuurta gashay xisbigii syl. inuu noqdo xisbi siyaasaded oo markaa aan la gamban fikirkiisa ku aadanaa gumeysi naceebka. Gumeytayaashu markii ay dareemeen in xisbigii syl. uu hantay taageerada bulshada waxa uu gumeysigu sameeyey xisbiyo daba dhalif u ah . Halagankii gabanimo u dirarka shacabka soomaaliyeed waa uu sii laba lixaadsaday waxaana gobalada waqooyi ee dalka soomaaliya ka abuurmay xisbi siyaasadeed laguna magacaabi jiray S.N.C., kaasi oo dagaal adag kala hor yimid isticmaarkii ingiriska.labada urur S.Y.L. iyo S.N.C waxaa ka dhaxeeyey xiriir hoose wxayna ka mideysnaayeen indalkasoomaaliya laga xoreeyo isticmarka, ka dib markii uu geeriyooday xoghayihii guud ee ururka s.y.l. yaasiin xaaji cismaan ayaa golihii fulinta ee ururka s.y.l. waxay si buuxda isugu raceen in c/laahi ciise maxamuud loo magacaabo inuu noqdo xoghayaha guud ee uruka s.y.l. c/laahi ciise markii lo sheegay in loo magacaabay jagada xogyaha guud ee xisbiga s.y,.l. durba waan aqbalay ma uusan dhihin , balse markii uu ka fakaray arintaas ayuu aqbalay , c./laahi ciise maxamuud waxa uu ku dhashay degmada afgooye sanadii 1922 wuxuuna xisbiga ku soo biiray isagoo 18 jir ah.. mudo ka dib markii uuqabtay jagada xoghayaha guud ee xisbigii s.y.l. c/laahi ciise waxa uusi xowli ah isugu dubariday arimihii shaqo ee horyaalay xisbiga, wxaana markaa ka dib loo baahday in siyaasada xisbiga s.y.l. ee gudaha ka socota la gaarsiiyo dalka dibadiisa arimaahisina waxaa si gaar ah loogu xilsaaray c/laahi ciise. dhowr shir oo caalami ah ayuuna ka qeyb galay c/laahi ciise mar walbana wuxuu cadeenayey in gardarada uu gumeysigu ku hayo shacbiga soomaaliyeed. bishii sebtembar 1949 shirkii golaha amaanka ee qaramada mioobay ee lagu qabtay dalka faransiiska ajandayaasha loga hadlaayey waxaa ka mid ahaa qadiyada soomaaliya. hadaba si c/laahi ciise maxamuud uu uga qeyb galo shirkaasi ayaa dowlada talyaanigu waxay soo rogtay go'aan tilmaamaya qof kasta oo ka dhoofaya soomaaliya in la talaalayo, talaalkaasi ayaa ahaa mid qofka marka latalaalo ku keenayo qandho xanuun badan mudo laba tadobaad ah. si c/laahi ciise uusan uga daahin shirka ayaa waxaa talaalkii isku dhigay halgame muuri oo ahaa nin xoogaa muuqaal ahaan c/laahi ciise ay isku ekaayeen sababtii uu u sameyna waxa ay ahayd intii c/lahi ciise uu xanuunsan lahaa isla markaana uu ka daahi lahaa shirka UNka aniga aan xanuunsado , mudo ka badan laba todobaad ayuuna la xanuunsanaa muuri talaalkii lagu dhiftay, c/laahi ciise waxa uu sii maray landan, balse safaaradii farnsiiska ee landan ayaa xoogaa ka meer meertay in fiise ama dal ku gal in la siiyo c/laahi ciise, xiligaas ma uusan wadan wax baasaboora balse waxa uu watay warqad magaceedu uu ahaa marka la soo gaabsho ( BSA) hase yeeshee waxgarad soomaaliyeed oo ku noolaa landan ayaa u sheegay c/laahi ciise inuu jiro tareen deg dega oo tagaya magaalada baariis, sidii ayuu ku raacay c.laahi ciise tareenkii kuna tagay shirkii UNKA, c.laahi ciise maxamuud waxa uu shirka UNKA ka hor cadeeyey in soomaalidu ay u dagaalmeyso dalkooda hooyo inta gumeysigu ku jiro taako ka mida gayiga soomaaliya, xoriyada ayaan dooneynaa dalkayaga guud ahaantiis waa inuu ka baxaa isticmaarku, hadalkaasi wax weyn ayuu ka badalay jawigii shirka , wax yar ka dib kulan ay yeesheen xubnaha joogtadaa ee galaha amaanka ayaa isku raacay insomaaliya loo diro 4 dal oo soo hubiya biseylka umada soomaaliyueed ee dhinaca xoriyada, afartaas waxay kala haayeen masar. filibiin. leyberiya iyo kolombiya, shirkii markii uu dhamaaday c/laahi ciise dalkii ayuu dib ugu soo labtay warbixin ayuuna siiyey golihii dhexe ee xisbiga syl. kuna saabsan socdaalkiisii faransiiska ee shikii unka, , madaxdii afartii dal ee loo magacaabay soo eegida sida umada soomaaliyeed ugu heelan tahay helida xoriyadoda ayaa markii ay yimadeen dalka waxay durbaba arkeen dadkii soomaalida oo sameynaya banaanbaxyo kuna dhawaaqaya ereyo ay ka mid ahaayeen ha dhaco isticmaarku ha ka baxo dalkeena, waana u dhimaneynaa xoriyada inta qofkeena u dambeeya uu nool yahay, markii ay dib ulaabteen afartaas dal waxay warbixintii ay ku soo arkeen soomaaliya u gudbiyeen UNKA, ka dib golaha amaanku waxa uu soo saaray go'aantilmaamaya in soomaaliya la siiyo maamul hosaad 10 sana ah talyaaniguna uu sii maamulo mudadaaas.hadaba maadaama ay soo dhawaatay shucladii xoriyada ayaa waxaa lagama maar maan noqotay in la helo astaan ama calan ay isku aqoonsadaan shacbiga soomaaliyeed halgame maxamed cawaale liibaan ayaa ku guuleystay inuu soo bandhigo naqshada calankan quruxda badan ee maanta noo muuqada ee buluuga ah xidigta casna ay dhexda kaga taalo. bishii jun 26keedii sanadii 1960 gobalada waqooyi ee dalka waxay ku guuleysteen iney hantaan xoriyadoodii waxaana maalintaas gobolada waqooyi oo dhan ka dhacay isku soo baxyo farxadeed oo lagu muujinaayo guushii halganka xoriyada..4maalin ka dib gobalada koonfureed ee dalka waxaa u rumoowday rajadii aheyd iney ka so hoos baxaan isticmaarka gacantiisa.waxgaradkii gobalada waqooyi iyagoo wada calankii isla mar kaana ay hor kacayaan allaha u naxriistee maxamed xaaji ibraahin cigaal iyo cali garaad jaamac waxay usoo ambabaxeen magaalada muqdisho si ay ula midoobaan walaalahooda konfurta somaaliya si weyn ayaana loogu soo dhaweeyey muqdisho waxaana wafdigaas la dajiyey hotel shabeele oo ku yiilay faras magaalada muqdisho ,1dii luuliyo 1960 saqdii dhexe ayaa daarta weyn ee fisha guverno waxaa laga taagay calankii soomaaliyeed waxaana la dajieye calankii talyaaniga. abwaan c/laahi suldaan tima cade ayaa habeenkaas isagoo la ilmeynaya farxada xoriyada ayaa waxa uu tiriyey maansadan <<Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee ka na siib kana saar >>, habeenkaas somaali oo idil meel ay joogtaba waxaa hareeyey farxad caruur, ciroole, hooyooyin, odayaal, dhalinyaro, iyo waxgaradba waxaa kor loo wada ruxay ubaxyo iyo calankii soomaaliyeed qiirada maalintaas waxay gaartay meel aad u sareesay.sidas daraadeed 1da luuliyo 1960 waa maalinta xoriyada soomaaliyeed waa maalintii gobolada koonfureed ay ka xoroobeen isticmaarkii talyaaniga isla markaana gobolada waqooyi ay la midobeen, waa maalintii qaranka soomaaliyeed laba midowday oo horey u ahaa british somali land, iyo italian somaliland. in kastoo walaalaha waqooyi iyagoo calanka wada ay jecleesteen in walaalahood koonfurta ay la midoobaan, in hadana gocosho ay ka tirsanayaan walaalaha waqooyi, balse hadii koonfurta aad ka tabaneysaan in balaayo gooni ah ay idin ku sameeysay sameeya sabarkii nabi yuusuf CSW uu ku sameeyey walaalihiis ,maxaa yeelay nabi yuusuf CSW markii walaalihiis ay ku tuureen ceelka geeri ayay ku xisaabeen, nabi yuusuf csw markii dambe wuu cafiyey walaalihiis wuuna uduceeyey in alale uu u dambi dhaafo, marka hadaad tihiid walaalayasheena soomaali land noo soo duceeya dhacdooyin horey u dhacayna yaan la gocan. Hadaba waxaa xusid mudan oon anigu kagaranayaa maalmahaan kuwayn shacabka soomaaliyeed in mar kasta oo ay soo dhawaato munaasabadaha qaranka meelaha laga soo dhawayn jiray ay kamidtahey radiyo muqdisho oo ah hooyada warfaafinta somaaliya laga siideynjiray barnanamijyo soconaya halsaac amaba nusa saaco waliba iyadoo la gaarin xiligii munaasabada sedex maalin ka hor si umadda loo dareensiiyo in munaasabadaha qaranka ay soo socdaan barnaamijyadaas waxaa si gaara u diyaarin jiray faale qore sare wakaalada wararka soomaliyeed ee (sonna)isla markaana ahaa madixii barnamijyada radiyo mogadisho c/hi macalin maxamed (ifka) iyo wariyayaasha raadiyo muqdisho kuwaas oo si qoto dheer ulafa gurijiray taariikhda iyadoo barnaamijyadaas dhexdooda ay ku jiraan heeso,gabayo, buraanburo, iyo codad dadkii uusoo halgamay xoriyada,kuwaas oo markii ay maqlaan dadka soomaaliyeed soo xasuusineysa dhibatadii loo soo maray halganka dhamaan agabyadaas waxay ku keydsan yiihiin ilaa waqtigaan xaadirkaana ay yaalaan keydka hadalka ee raadiyo muqisho,barnamijaas waxaa lagu furijiray laguna xiri jiray heestii loogu magac daray goormaan ladanaaney,erayda heestaasna waxaan kaxusi karaa <<goormaan ladnaaney 60kii goormaan lulaney 6dii saac 1dii luuliyo 2bo midowday>> heestaan oo qayb ka’ah suugaan farabadan oo si gooni ah loogu xasuusto maalmaha xoriyadda somaliya ayaa waxaa hal abuuray abwaan siciid maxamed (xarawo) ugu dambeyntii iyadoo ay mudan tahay inla maamuuso maalmaha xoriyadda soomaliyeed ayaa waxaa nasiib daraa in qaranimadii iyo midnimadii dhibka badan laga soo maray ay faraha howl yari uga baxeyso sharaftii iyo cisigii soomaaliaya ku laheydna caalamka maanta ay tahay mid ku dayacan daafaha aduunka,balse rajada alle lagama quustee waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mida la arki doono shacbiga soomaaliyeed oo gacmaha is heysta dibna udhistay dalkiisii hooyo.. inshaa alaah,’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’’
W/Q: abdi sh hassan kulmiye (abdiyare) Email-abdiyare2003@hotmail.com Minneapolis Minnesota, america
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||