|
Ogaysiis waxaa la ogaysiinayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed inay SHAQO ka banaantahay Jaamacada Galkacyo.
Jun,28,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso

Ogaysiis waxaa la ogaysiinayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed inay SHAQO ka banaantahay Jaamacada Galkacyo, hadaba la xiriir cinwaanka hoos ku qoran
KU: Dhamman Dadka Soomaaliyeed ee aqoonta ehelka u ah;
Ujeeddo: Qorista Guddoonka Jaamacadda Gaalkacyo
Ref: 004GU/06/10
26ka Juune 2010

Jaamacadda Gaalkacyo waxay ka bilaabeysa hawsheeda wax barasho magaalo madaxda Galmudug ee Gaalkacyo sanad dugsiyeedka 2010/2011 haddii alle idmo, Hadaba haddii aad tahay qof aqoon u saaxiiba, leh fikrad iyo hal abuur horumarineed, u diyaarsan ama jecel ka qayb qaadashada horumarinta Aqoonta ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo joogto, u firfircoon aasaaska, hogaaminta iyo horumarinta hawshaan ugubka ah, soo dalbo shaqooyinka hoos ku qoran oo loo doonayo Jaamacadda Gaalkacyo.
1-Guddoomiyaha Jaamacadda;
A) Shuruudda guddoomiyaha Jaamacadda Gaalkacyo
1- In uu leeyahay aqoon Jaamacadeed (haddii uu haysto MSC ka sii fiican)
2- In uu leeyahay khibrad maamul wax barasho ugu yaraan shan (5) sano
3- In uu diyaar u yahay iin uu Gaalkacyo ka shaqeeyo
4- In Casharro bixinta uu ka qayb qaadan karo
Mushaarka asaasiga ah iyo gunnada cashar bixintuba waxay noqon doonaankuwo kaa farxiya una saleysan doolarka mareykanka.
Goobta shaqadu waa Gaalkacyo, Magaalo madaxda Galmudug.
B) Diiwaan haye/xisaabiye
1-In uu leeyahay aqoon Jaamacadeed (haddii uu haysto MSC ka sii fiican)
2-In uu maamul iyo mareyn kasoo shaqeeyey ugu yaraan shan(5) sano
3-In uu diyaar u yahay in uu Gaalkacyo ka shaqeeyo.
4- In sirta maamulka mu’assadda iyo kan jaamacaddaba lagu aamini karo
5-Haddii cashar bixinta uu ka qayb qaadan karo ka sii fiican (shardi ma aha)
Mushaar aasaasiga ee diiwaan hayaha iyo gunnada cashar bixintuba(haddii qofkaasu doono) waxay noqon doonaan kuwo kaa farxiya.
Goobta shaqadu waa Gaalkacyo, magaala madaxda Galmudug, Shaqaduna waxay bilabaneysaa 1-da August –2010 oo laga doonayo in qofka nshaqada ku guuleystaa u diyaar ku noqondono.
Qofka soo dalbanayaa xilalakaas kor ku xusan, wuxuu soo dirayaa taariikh nololeedkiisa (CV) iyo war kooban (cover letter) uu ku soo qori karo wixii kaloo faahfaahin ah .
F.G. Araajida waxaa loo geyn karaa xoghaynta xaafiiska jaamacadda ee Gaalkacyo ama waxaad ku soo hagaajin kartaa dokumentigaas e-mailka Xoghayah Guud ee MUFED
Arji qabashadu waxay ku egtahay 05/07/2010 saacadda 12:00 duhurnimo ee waqtiga Ingriiiska
Eng. Axmed Khaire Ingiriis
Xoghayaha Guud MUFED. E-Mail: ahmedgutale@yahoo.co.uk

 
|