![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Madaxweynaha Galmudug Prof. Max’ed Warsame Kiimiko oo cadeeyay inuusan musharax ahayn iyo asagoo soo dhisidoona gudi doorashada Galmudug State
Juni,28,2009 www.Hobyoradio.com Madaxweynaha
Galmudug
Prof.
Max’ed
Warsame
Kiimiko
oo
cadeeyay
inuusan
musharax
ahayn
iyo
asagoo
soo
dhisidoona
gudi
doorashada
Galmudug
StateMudane. Max’ed Warsame Kiimiko oo shir jaraa’id maanta ku qabtay madaxtooyada ayaa sheegay inuu soo magacaabidoono gudi qabanqaabiya doorashada Galmudug, Madaxweynaha ayaa beeniyay warar sheegaya inuu iscasilay taasoo ay warbaahinta qaar si qaldan u fasirteen’ wuxuu yiri aniga ayaa madaxweyne ah inta uu igala wareegayo xilka madaxweynaha cusub ee la dooran doono. Khilaaf xoogleh ayaa soo kala dhexgalay maamulka Galmudug kadib markii Madaxweyne Kiimiko horaantii bishii April,2009 soo saaray qoraal uu ugu baaqayo inay shirweyne isugu yimaadaan 1,Juulaay,2009 qaybaha bushada ee Galmudug, taasoo shaki galisay ayna u fasirteen wakiilada Barlamaanka Galmudug inuu diidanyahay inay dhacdo wax doorasho ahi. Isla bishii April,2009 ayaa gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane. Max’ed Salaad Ducaale soo saaray warqad qoraal ah oo uu ku sheegayo inay qabandoonaan doorashada 16,Juun,2009, kala qabashada labada waqti ee labada masuul ayaa sii adkaysay xaalada, ayadoo ay ku adkaysteen Barlamaanku inay qabanayaan doorashada taasoo uu madaxweynuhuna ka biyo diiday. Golaha Dhaqanka, Culimada Marjaca, Golaha Garsoorka iyo gudi dhexdhexaadin khilaafka Jaaliyada dibadda ee W/amerika iyo Yurub ayaa dadaal u galay siday u dhameyn lahaayeen khilaafka soo kale dhexgalay Xukuumada iyo Barlamaanka, ayagoo ka codsaday labada dhinac inay ilaaliyaan midnimada Beesha iyo jiritaanka Galmudug, taasoo ay la qaateen dhinacyadu, kadibna waxaa loo saaray gudi sharciyaqaano ah oo soo cadeeya Xeerka Galmudug si loo qaato wada cad, Sharciyaqaadii ayaa waxay soo saareen oo ay u cuskadeen xukuumada iyo barlamaanka qodobka 38 firqadiisa (2) ee Dastuurka oo dhahaya waxaa isku mar dhacaya Golayaasha Galmudug marka uu waqtiga 3 sano ka dhamaado” loomana cusboonay siin karo….sidaa owgeed waa inay mudo gaaban Golaha dhaqanku ku soo xulaan wakiilo ayagoo latashanaya Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo Jaaliyadda dibadda. Waxaa xusid mudan doorka uu ka qaatay Prof. Max’ed Farax Jimcaale oo 10, Juun,2009 soo gaaray xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee magaladda Galkacyo, ilaa waqtigaasna ku howlanaa sii uu u xalinlahaa khliaafka u dhexeeya xukuumada iyo barlaamka. Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Max’ed Warsame kiimiko ayaa meesha ka saaray inuu u taaganyahay xilka madaxtinimada ee Galmudug asagoo cadeeyay in loo baahanyahay in la xisaabtamo kadibna ay dadka Galmudug dhistaan wax ay raali ka yihiin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan balrmaanka hada jira wax doorankarin, asagoo ku eedeeyay kuwa aan awood u lahayn doorashada islamarkaana aan u danaynayn shacabka Galmudug.
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||