![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Wafti uu hogaaminayo Dr. Cumar Salaad Elmi ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug State.
Juni,29,2009 www.Hobyoradio.com
Wafti uu
hogaaminayo
Dr.
Cumar
Salaad
Elmi
ayaa
kasoo
dagay
garoonka
diyaaradaha
magalada
Gaalkacyo
ee
xarunta
dowlad
goboleedka
Galmudug
State.
Ergo uu kamid yahay Dr. Cumar Salaad Elmi, Dr. Jeemis Xasan Yare iyo Gaashaanle Nuur Qayd ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka magaladaa Gaalkacyo, Ergadan oo ka kala yimid dalalka Ingriiska iyo Canada ayaa kasoo kicitimay magalada Dubai ee Imaradka Carabta.
Waftigan ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay wasiirka Amniga Cumar Suuri, wasiirka howlaha guud Xasan Maxamuud Hayl, gudoomiye iyo gudoomiye xigeenka gobolka Hobyo Col. Max’ed Ahmed Caalin iyo C//laahi Digsi, komishiner Cali Tooye, duga magalada Gaalkacyo Col. Siciid Bul Bul,Ganacsatada, Golaha Dhaqanka, Culimadda iyo haweenka Galmudug State.
Waftigan oo wakiil ka ah jaaliyadaha Galmudug ee W/amerika iyo Yurub ayaa loo galbiyay dhanka madaxtooyada Galmudug halkaasoo ay kulan kula qaateen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane. Max’ed Warsame Cali Kiimiko iyo golahiisa wasiirada.
Waftigan oo ay ergo ahaan usoo direen jaaliyadaha dibada W/amerika iyo Yurub ayaa u yimid sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Xukuumadda iyo Barlamaanka.
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||