Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Haddii Ay ku Moosaan Kartaa La'isku Muujiyaa ) Halku dhiga   Maqaalka By  Maxamed C/laahi Cali .

Jun,4,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Haddii Ay ku Moosaan Kartaa La'isku Muujiyaa ) Halku dhiga   Maqaalka By  Maxamed C/laahi Cali

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada ka soojeeda Galmudug kuna sugan dalka Yemen ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Dhalinyara Sanad Dugsiyeedkaan ka Qalin Jabisay Dugsiga Sare Ee SYL ku waas oo dhamaystay Waxbarashada Dugsiga Sare

'' Waa War lagu farxo in Arday kabadan 70 arday ay Sanad kaan ka Qalin Jabisay Dugsiga Sare ee SYL waxaana mahadnaq       is kaleh Allaah Subxaanahu Watacaalaa iyo Jimciyada Al.ixsaan oo suurtagalisay in ay wax barasho heleen Ardadaan"" Ayaa lagu yiri bayaan kaan.

 

Aqoonyahanada Bogaadinta u diray Ardada ka qalin jabisay sanadkan dugsiga sare ee SYL Ee Magaalada Gaalkacyo  ee Deegaanada Galmudug ayaa sigaar ah ugu Mahad celshay Madaxa Jimciyada Al.ixsaan Sh. Muxuyadiin Sh. Yuusuf  Barre waxayna Allahe uga baryayaan in uu Camalka uu wado uu ka siiyo Ajar iyo Xasanaad

Hadaba anoo ka faa'idaysanaya Munaasabada Qalin jibanta dufcadii Sadexeed ee ka Qalinjabisa Dugsiga Sare ee SYL waxaan donayaa in aan wax ka Iftiinsho wax qabadkii Jimciyada Al.ixsaan oo ah Xuminta ugu weyn ee waxbarashada Galmudug

Jimciyada Al.ixsaan waxaa Hoosyimaada in kabadan 12 Madraso ama Dugsi Quraan iyadoona qaabka wax loobaro uu ka duwanhay qaab kii hore ee loo dhigijiray, Madrasa kasta waxaa dhigta tiro arday ah oo xadidan( 70-100 )wuxuuna ardaygu quraan ka ku xifdinayaa moddo kooban (1 sano ilaa 1.2 hasano iyobar ) waxaa lagu dhigtaa Yunufoon u qaas ah waxaana la adeegsadaa Sabuurado halkii Qad iyo Loox laga adeegsan lahaa, waxayna leeyihiin Dugsiyadaasi Basas Ardada geega Goobaha wax barashada

waxaa kale oo jimcida al xisaan hooshaga macahadka barashada shareecada islaamka iyo maadooyin ka aas aasiga ah ee Al.xikma, mahadkaan oo loogu talagay in ardayga barta quraanka uu helo meel uu ku sii wato qaybaha kale ee waxbarashada

Dugsiga hoose/dhexe ee Al.beder ayaa kamid ah goobaha wax barashada ee ay dhistay Jimciyada Horumarinta Waxbarashada ee al.ixsaan waana Schoolki ugu  horeeyay ee ku yaal deegaanada Galmudug oo ay kaqalin jabiyaan arday reer Galmudug inta xasuusto

Markii ay ciidamada itooba soo galeen dalka somali dhamaad kii 2006 islamar kaana aya muuqatay baahi looqabo dugsi sare waxay Jimciyada Horumarinta Waxbarashada ee Al.ixsaan hirgalisay Dugsiga sare ee SYL oo noqday dugsigii sare ee ugu horeyay leegahirgaliyo deegaanada galmudug

Dugsiga Sare SYL Gaalkacyo oo aan kamid ahaa dufcadii ugu horaysay ee kabaxda waxay ardadii waxkabaratay ee hadda bulshada u hayan howlo muhiim ah tusaale ahaan Dufcadii koobaad waxay u qayb sameen sadex qayboo,1.qayb macalimiin ka ah goobaha waxbarashada ee Galmudug, 2.qayb wadanka gudihiisa iyo dibadiisa u aaday in ay ku soo dhamaysataa aqoonta heerka jamacadeed iyo qayb lashaqaysa Hay;adaha gargaarka ee ka howlgala galmudug

Dufcadii labaad ee ka baxday SYL Gaalkacyo waxay dhamaantood kashaqeeyaan Cusbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo ay gacanta ku hayso Hay'ada MSF Holand

Dufcada sadexaad ee kabaxday hadda SYL gaalkacyo ayaa waxaan u rajaynaynaa in ay helaan fursado ay ku sii wataan waxbarashadooda is ay biri ugu faa'ideeyaan dalkooda iyo dakooda

Majiraan Cidtaakulaysa Jimciyada Horumarinta Waxbarashada ee Al.ixsaan oo bulshada reer Galmudug u haysa shaqada balaaran ee aan kor ku soo xusnay. sida ay taakulada u helanaan schoolada kale oo ay san muuqan wax ka soobaxay isla markaana lacagaha looga soo aruursho dadka same falayaasha ah ee ku nool qurbaha

Hadaba Su'aasha is waydiinta mudan waxay tahay xagee lageeyaa lacagta lagasoo qaado qurba joogta reer galmudug laguna soo qaado magaca waxbarashada?? jawaabtu waxaytahay waxay lacagtaasi gashaa jeebab ka dadka soo aruursha iyo xulafadooda gudaha joogta waxayna ku dhisaan siyaasad urur mustaqbalka doonaya madaxtinima somaliya waana arin muru leh in lacagahaas ay shaqsiyaad cunaan schooladiina ay ku jiraan guryi kiro ah  

Ugu danbayntii waxaa qofsata looga fadhiyaa in uu taageero Jimciyada Horumarinta Waxbarashada ee Al.ixsaan isagoo u kuurgalaya xogta dhabta ah ee waxbarashada galmug, maadaama   lasoo dhaafay xiligii lagu qaraaban jiray wax aan wax ka soobaxayn….

By: maxamed c/laahi cali (wardhere)

E.mail: amiin4me@hotmail.com

Tell: 00967736554357

Yemen

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|