Kulan loga hadlayay Hor’umarka Galmudug oo ay wada yeesheen Golaha Garsoorka,Culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo qaybaha ururada bulshada Galmudug State.Daawo Sawirada

Juni,4,2009 www.Hobyoradio.com

Kulan loga hadlayay Hor’umarka Galmudug oo ay wada yeesheen Golaha Garsoorka,Culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo qaybaha ururada bulshada Galmudug State.Daawo Sawirada

Kulankaani oo ka dhacay Dugsiga Hoose DHexe Al-bader ee Gaalkacyo ayaa waxaa soo qaban Qaabiyay dhalinyro ka tirstanm Urur diimeedka Ahlu Sunna wal-jamaaca ee Galmudug state waxaana ka soo qayb galay culimo udiin ka socday Golaha Garsoorka,Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca iyo Xubno matalayay Ururada Bulshada Galmudug State

Waxaa Ugu horayntii wacdi iyo waano qiimo leh kulanka ka soo jeediyay Shekh Muxiyadiin Yuusuf Barre oo ka mid ah culimada Ahlu Sunna wal jmaace ee kulanka ka soo qayb galay asagoona sidoo kale  sheikhu dhinacyo badan ka taabtay sida loo hor marin karo bulsho weynta Galmudug State Somliya

Kulanka oo ahaa mid Hor’ udhac ah isla markaana looga hadalayay Hr’umarinta Adeegyada kala duwan ee dadka iyo deegaanka Galmudug ayaa ka qayb galyaasha la dhex dhigay Su’aal ah  Door intee la Eg ayay Ururada Bulshdu ka qaadan karaan? Hor’marka GalMudug State?

Waxaana Mas’uuliyiintiii ka hadashay ka mid ahaa  Marwo Xabiibo Koofurow wasiir Ku xigeenka Ganacsiga GalMudug Ahna Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug, Xasan Macalin C/laahi oo qaban qaabiyaasha kulanka kaalin weyn  uga jiray,Cali deeq Max’d xaashi oo ah nin in badna ku soo jiray Arimaha bulshada haatana laf dhabar u ah dhamaanba Ururada bulshada Galmudug Gudoomiyaha Dalladda Bad-baado Axmed Shriifka, Ciiro iyo Cabadi Gorofley oo ururda bulshada ka mid ah iyo Cilmi kulan Geedi oo uhadlay Saxaafadda Galmudug state

Ugudanbayntii qodobka oo si weyn looga dooday ayaa la isku afgaratay waxaana lagu balamay in ay kulamadu noqdaan kuwo sii socda ilaa laga gaarayo doorshada madaxtinimada Galmudug oo wax yari ka harsanatahay waqteegii ay qabsoomi lahayd haatana diyaar garwgeeda lagu jiro

Madaxa Hobyoradio

Galkacyo, Galmudug State.

+25290-752260

cabdalla45@hotmail.com 


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com