HA DILIN HANA KU XADGUDBIN XORIYADIISA WERIYEHA.W/QFardowsa Maxamed Cabdulle.

Juni,6,2009 www.Hobyoradio.com

HA DILIN HANA KU XADGUDBIN XORIYADIISA WERIYEHA.

5JUNE MAANTA OO KALE DILKII WERIYE DUNIYO MUXUDIIN NUR WAXAA SII LABA LIXAADSANAYA DILALKA IYO CABURINTA LAGU HAAYO WERIYEYAASHA SOOMALIYEED EE KA HOWLGALA SOOMALIYA.

Afar sano ka hor maanta oo kale ayey aheyd markii degmada Afgooye dil bareerka ah loo geystay Allaha u naxariistee Weriye Duniyo Muxudiin Nur oo ka howlgali jirtay idaacada Capital Voice ee shirkada warbaahinta Horn Afrik.

Allaha u naxariiste Duniyo waxey ka md aheyd weriyeyaashii ugu firfircoon ee soo mara idaacada Capital voice waxaana dilkeeda geystay nin dhalinyaro ah oo ka mid ah kooxaha nacaddiidka ah ,waxaaney ku howlaneyd xilligii la dilayey iney ka soo waranto shaqo joojin ay maalintaas sameeyen gaadiidleyda ka howlgasha Muqdisho iyo Afgooye oo xilligaas ka cabanaayey jidgooyinka sharidarada ah ee taalay wadadaasi.

Inkastoo Duniyo Allaha u naxariistee ay aheyd qof u dooda xuquuqda dadka aan tabarta laheyn , dad aad u badan oo dhageysta u ahaa warbixinadeeda ay aad u jeclaayen ugana naxeen dhimashadeeda hadana ma helin qof xuquuqdeeda si rasmi ah ugu dooda si loo maxkamadeeyo ama sharciga loola tiigsado qofkii ka hor istaagay iney sii noolaato.

Waxaan marna hilmaami karin in dad badan oo aan aqoon dhaafsiisan howlaheeda shaqo maahee ay ii sheegi jireen maalmihii dhimashadeeda iney aad uga naxeen markii warbaahinta Muqdisho shaacisay in la dilay Duniyo,taas oo muujineysa iney taageero balaaran u hayeen dadkii dhageysan jiray barnaamijyadeeda oo u badnaa kuwa ay u marto qataro fara badan maadaama ay ka soo hadli jirtay magaalo ay hareysay maamulxumo iyo kala dambeyn la'aan,islamarkaana qofkii hubeysan uun uu wuxuu doono ka sameysto.

Allaha u naxariistee Duniyo waxaa garab ku siin jiray ka hadalka dadka aan codkooda meelaha fog gaari karin Allaha u naxariistee Weriye Mahad Axmed Cilmi oo ahaa agaasimihii idaacada Capital voice oo asagana dil qorsheysan lagu qaarijiyey albaabka hore ee shirkada warbaahinta Horn Afrik 11 Augost 2007, isla maalintaasi waxaa qarax bam la soo qorsheeyey lagu dilay milkiilihii shirkada warbaahinta Horn Afrik Cali Iman Sharma'arke xilli uu ka soo laabtay aaskii weriye Mahad Axmed Cilmi.

Warbaahinta Muqdisho wixii ka dambeeyey dilkii weriyeyaashii Horn Afrik waxey la kulmeen handadaad aan xadlaheyn taas oo sabab u noqotay in weriyeyaashii ugu badnaa ay ku noqdaan qaxooti wadamada deriska la ah Soomaaliya maadaama ay ayagu noqdeena kuwa la bartilmaameedsanaayey.

Dilalka loo geysanayo weriyeyaasha waxa ay gaaren heerkii ugu xumaa iyadoo warbaahinta caalamka ay ku tilmaamtay wadanka labaad ee ugu qatar badan weriyeyaasha ..

Weriyeyaasha Somaliya lagu dilay waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Nasteex Daahir Faarax oo ka tirsanaa idaacada BBC laanteeda afka Somaliga ,Xasan kaafi xareed,

Xasan Mayow xasan oo ka tirsanaa shaqaalaha Idaacada shabelle oo iska 1janaury 2009 lagu dilay degmada Afgooye

Siciid Tahlil Axmed oo kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku dileen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho 04, Feb,2009.

Cabdirisaaq Warsame Maxamed Gaadaco oo ka mid ahaa weriyeyaasha idaacad shabelle oo 22may 2009 ku geeriyooday iska hor imaad ka dhacay degmada wardhiigley.

Nuur Muuse Birjeeb oo 26may 2009 ku geeriyooday iska hor imaad ka dhacay magaalada Beledweyne.

Intaan iyo ka badan oo weriyeyaal Soomaaliyeed waxey dhibaneyaal u yihiin kuwa aan dooneyn iney Soomaliya nabad ka dhalato islamarkaana laga gudbo mowjadaha colaadeed ee Somaliya ay maganta u tahay ku dhawaad 20sano.

Maanta oo ay tahay 5june waa maalin aan marnaba hilmaami doonin intey bafta igu jirto waa maalin aan weynay saaxib qaali nagu ah oo ay xusi doonto saxaafada Soomaliyeed dhimasha Duniyo Muxudiin Nur oo gacan ka xaqdaran dishay.Inaa lillaah wa inaa illeyhi raajicuun.

Gootdhow waxaa la gaaraya xilli cadaalada la horkeeni doona kuwa ku xadgudba xoriyatul qowlka ,hana ogaaden in loo diiwangelinayo ficiladooda qalafsan ee lagu curyaaminayo Saxaafada Soomaliyeed.

W/QFardowsa Maxamed Cabdulle.

Fardowsatina@yahoo.com.


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com