Fadlan- Caawimo Walaalaheeyna Ku Tabaaleeysan Magaaladda Muqdisho.‏ Xassan Carab

Juni,6,2009 www.Hobyoradio.com

Fadlan- Caawimo Walaalaheeyna Ku Tabaaleeysan Magaaladda Muqdisho.‏ 

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo

Cadaaladda damiirka niyoow, dareenka Wadaniyada, Caqliga

inta Caafimaadka qabta sida joogtada ah ula socda xaaladda

iyo duruufaha soo wajaha Muwaadinka Somaaliyeed gaar ahaan

Dan-yarta-Caruurta Agoomaha ah,Naafadda,kuwa gudaha

Dlkooda ku bara-kacsan-Waxaan halkan baaq taakuleysan iyo

Caawineed ugu soo jeedineeynaa Jaaliyadda Qurba jooga ah

intooda damiirka Islaan-nimo, dareenka Somaaliyeed,Aragtida

Bani-aadaminimo leh,jirkoodu u damqanaayo Walaalahooda ku

Sugan xaaladda naxdiinta weyn leh dayaca joogta ah,daryeel

la'aanta baahiyeey sida;-Gaajadda,Hooy iyo Daawo la'aanta

weliba xaaladaha murugadooda leh oo heeysta Haweenka,

Ubadka iyo Dadka Waayeelka ahba.

 

    Waxaan ugu boorineeynaa inta dadanimadoodu weli nooshahay

kana damqanaayaa dhibaatada Walaalahood heeysta in eey ku

dadaalan una gurmadaan Dadka sida joogta ah eeyna silicooda

ugu daawno TV-ga ama uga dheehanao webabka wararka kala

duwan-Walaaal miyaaneey meel kuu damqan Hooyadda cidlada

ku dhalaaya, Caruurta baahida-Gaajada la ooyaaha,Naafadda

Dhirta hoos jiifta oo kuligood indhaha naxariista leh ku soo

eegaaya dhankeeda Jaaliyadda qurbo joogta ah,codsigooda ah

Raxmadda Allah awgeed noo caawiya-Walaal waxaan halkan

Idiinku soo gudbinaayaa baaq taakuleyn iyo caawinta Dadkaas

dhiban waa Walaalaheena waqti hayo,waa ehelkeenii,Wallee

Caruurtaasu waa kuweena oo kalle,Waxaan halkan si gaar ah

Fariir ugu gudbinaayaa- Culimaa'udiinka Somaaliyeed qurba ku

Sugan,Haweenka Somaaliyeed,Dhalinyarada Caafimaadka qabta

iyo qof kasta oo damiir nool ku haray in eey intii awoodood tahay

ugu deeqan kuna gargaaran Walaalaheeda tabaaleeysan,fadlan

toosa oo garta Masuuliyada Diineed,Qarameed,banaiaadaminimo

oo inaga saaran Walaalaheena duruufuhu hayaan kuna sugan

Magaaladda Muqdisho iyo degaamadda ku xeeran-Fadlan habka

Caawinta loo gaarsiin karo kala xiriira Masaajiyada Degaankiina

ama Xawaaladda Somaaliyeed ama TV-ga Universal-ba.

 -Allah Weyn-

-Qorre-Xassan C/Laahi sh(Xassan Carab)-

-Af-hayeenka Guud Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

  Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-Englanad-UK- 05/06/2009.

-sharifhassan50@yahoo.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com