Booq-Nabadeed Ku Wajahan Colaadda Koonfurta Somaaliya.‏By. Xassan Carab

Juni,6,2009 www.Hobyoradio.com

Booq-Nabadeed Ku Wajahan Colaadda Koonfurta Somaaliya.‏

Dhaqa-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo

Cadaaladda codka Wadaniyiinta,Damiirka nool ee Muwaadinka

Diintiisa iyo Dalkiisa jeceyl,codka gumeeysi diidka iyo

inta Somaalinimadu ka dhabta ah oo kula sugan Gudaha iyo

Debedaba inta ka naxnuunsanaayaa dhibaatadda Dagaalka iyo

dhiiga Sokeeye oo sida xad dhaafka ah u qubanaaya, falalka

xad dhaafka oo curyaamiyeey Dadkii kana dhigay hooyga dayaca,

Dar-xumadda iyo Nabad-gelyo la'aanta(Dal Lumay si cadna uga

Maqan Khaariidada Aduunka),lana oran jiray Somaaliya.

 

    Hadaba Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu halkan uga

soo jeedinaayaa guud ahaanba kooxaha ku dagaalamaaya ama

dhinacyada dagaaladda iyo dhibaatada ka wada koonfurta

Somaaliya gaar ahaan dhanka Caasimadda Muqdisho Baaq

Nabadeed iyo tallo wanaagsan oo ku saleeysan Islaanimada

iyo rabitaanka aqlabiyadda Ummadda Somaaliyeed-Joojinta

Dagaaladda iyo Colaada Sokeeye, joojinta dhiiga qubanaaya

iyo bara-kicinta Shacabka dan yarta ah,Waxaa nala haboon

in Xalku ku jirro wadda hadalka, isu tanaasulka iyo Miis

wada fadhiisiga iyadoo caqliga la adeegsanaayo lagana

duulaayo danta iyo maslaxada Muwaadinka dhiban-daalan oo

19-ka Sano ku jiray dagaalka iyo colaada iyo Qaxa joogtada

ah, naxdiinta iyo tacsida joogtada ah ku jiray,quustay

ama rajo-beelka ah.

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu Masuuliyada dhibaatada Dalka

ka taagan dusha uga ridaayaa masuuliyad darada Madaxdda

Kooxdda kala duwan oo Dalka ku herdamaaya gaar ahaan:-

Ururka Al-Shabaab,Xusbul Islaan,Maxaakiimta Iyo Garabka

Dowladdaba oo garan waayeey in Dalku iyo Dadku baahi weyn

u qabaan Nabad-gelyo iyo hanaan Maamul oo wanaagsan, sidoo

kalle waxaa wax lala yaabo ah kooxada diidan hanaanka ama

ku Dhaqmidda Shareecada Islaamka garabka Dawladu sida cad

ugu dhawaaqeen aqlabiyadda Culimaa'udiinka Somaaliyeedna

ku Taageeraan weliba kuwooda ugu waaweyn sida-Sh.Shariif

Sh.C/Nuur iyo Sh.Cumar Faaruuq, mana garan kareeyno cida

diidan ku dhaqmidda Shareecadda Islaamka in eey qiil ama

Wado xaq ah ku taagan yihiin(Laakiin wixii Mas'alo diini ah

Weey soo bandhigi karaan, kana doodi karaan wixii eey u

arkaan in eey dhimantahay ama qaloocan tahay).

 

    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si gaar baaq ugu soo

Jeedinaayaa:- Culimaa'udiinka Somaaliyeed, Aqoonyahanka,

Hogaan Dhaqameedka iyo Shakhsiyaadka Magaca iyo Maqaamka

gaarka ah leh Ummadda Dhexdeeda in eey iskaashadaan cod

Mideeysana la yimaadaan sida ku haboon ugu gurmadaan Dalka

iyo Dadkaba kuna dadaaliin marka koowaad joojinta Dagaalka

iyo Colaada xanuunka badan leh-gacana ka geeystaan sidda

loo heli karaayo hanaan Wadda hadal Somaaliyeed oo dhab

ah-kuna saleeysan habka ku dhaqmida Shareecada Islaamka

oo Xaqa ah iyo in si cad runta loogu sheego cidii loo arko

in eey hab khaldan ku socdaan ama dhaliiluhu dhankooda u badan-

yihiin, hadii la heli karono lagu dadaalo hab wax wada qeybsi

ah oo dheeli tirkiisa iyo hanaankiisa cadaaladeed leh, lagana

dheeraado Qof jecleysiga,qabyaalad ku dhaqmida iyo guud ahaanba

Hab dhaqameedka xun oo Dalka halkaas dhigay,gaar ahaan Caasimada

iyo degaamadda koonfureed guud ahaanba.

 

 

   -Dagaal Maya- Colaada Maya- Dhibaato Maya.

   -Dano Shisheeye Maya- Dano gaar ah Maya.

   -Dhibka Ummadda Maya- Dhiig daadiin Maya.

   -Bara-kiinta Maya- Dilalaka qorseeysan Maya.

   -Jaha-wareerka Maya- Nabad-gelyo diid Maya.

   -Qaraxa iyo Miino aasid Maya- Madfac Haboow ah Maya-

   -Dhib oo dhan Maya-Maya iyo Maya.

-Alloow Nabad-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

-Af-hayeenka Guud- Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda-Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-England-UK- 04/06/2009-

-sharifhassan50@yahoo.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com