Wariyasha Soomaaliyeed ee dibad Jooga oo canbareyay dilka agasimihii Shabelle.

Juni,8,2009 www.Hobyoradio.com

Wariyasha Soomaaliyeed ee dibad Jooga oo canbareyay dilka agasimihii Shabelle.

Wariyasha Soomaaliyeed ee dibad jooga ayaa si xoog leh u canbaareyay dilka lala beegsaday alaha u naxriistee agasimihii idacada Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo dhaawac loo geystay wariye Axmed taajir.

"Tacsi Tiiraanyo leh ayaa u direynaa dhamaan wariyasha, shacabka Somaliyed gaar ahaan qoyska uu ka baxay Wariye Muqtaar Hiraabe" ayuu yiri Maxamed C/nuur Sacudi oo ah xiriiriyaha wariyasha Somaliyed ee dibad jooga.

"Waxa si xoog leh u canbaareynenaa dilka loo geystay Wariye Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo dhaawaca Axmed Taajir, waxana codsanaynaa in si wada jir ah looga wada qeyb qaato sidii loo soo qaban lahaa kooxaha danbigaas geystay"

Maxamed Sacudi ayaa waxa uu intaas raaciyay "Weerarada qeybta hore ee Sanadkan ee loo geysanayo wariyasha Somaliya ka shaqeyo waxa ay ka batayn kii dhacay sanadkii hore ee 2008-da, tasina waxa ay tilmaamaysaa inay jirto xaalad adag oo soo wajahayso wariyasha Soomaaliyeed"

Wariyasha Dibad jooga Soomaaliyed aya sidoo kale soo dhaweyay xoriyarada dib loogu soo celiyay agasimaha Universal TV ee Somaliya Ibrahim Jeekeey oo muddo 5-casho loo haystay afduub.

Maxamed C/Nuur Maxamed "Sacudi"
Coordinator Committee of the United Somali journalists in Exile

cusjeinfo@yahoo.com cusjeinfo@gmail.com m-abdinor@hotmail.com
+254-710233216 or +254-715100901
"THE NATION IS YOU AND ME"


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com