Isbadalka iyo Hormarka ay ku talaabsadeen Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool Dalkan India.‏Wariye Najiib Abdirizak

Juni,9,2009 www.Hobyoradio.com

Isbadalka iyo Hormarka ay ku talaabsadeen Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool Dalkan India.‏

Is badalka iyo Hormarka ay ku talaabsadeen Dhalinyarada Somaliyeed ee  Ku Nool  Dalkan India.


Ugu horayn waxaa layaab leh in Siyaasad xumida ka jirta Somalia ee saamayn xoog leh ku reebtay   Somalida kale ee ku nool qurbaha.


  Waxaa kaloo la yaab leh In somali Ku nool dal ka mid ah dalalka qurbaha aysan lahayn wax community Somali ah oo ay wadaagaan soomalida ku nool qurbaha gaar ahaan dalkan India.


 Marka aad soo caga dhigatid  Dalkan India gaar ahaan magaaladan Hyderabad waxaa si habaysan kuu so dhawaynaya qaraabadaada ama asxaabtaada kaaga soo horaysay magaaladan Hyderabad.


Laakiin waxaadan la kulmi doonin ama aadan arki doonin community soomali ah ama urur ay ku midaysanyihiin somalida ku nool dalkan India gaar ahaan Magaaladan Hyderabad.


Intaas kuma eka dhibaatooinka kala duwan oo ay soomalida la kulmi jireen Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii Dhexe ee Somalia,  Waxaa Dhibaatooyinkaas ka mid ah arimo la xariirta sharciyada iyo passport Somaliga iyo qaabkii uu qofka Somaliga ah u samaysan lahaa sharci uu wadankan ku joogo ilaa inta muddada ah ee u qorshaysan inuu sii joogo dalkan India,  iyo Problem qofka Somaliga ah ka soo wajaha xagga waxbarashada iyo inuu heli waayo qof ka caawiya xulashada maadada uu jeclaysto inuu  barto.


Dhibaatooyinkaas iyo inka badan ayaa soo wajaha dhalinyarada jecel inay wax ka bartaan dalkan India  iyo Hooyooyinka ku nool dalkan  gaar ahaan magaaladan Hydrabad oo ayagu caruurtooda kala soo baxay dhibaatada ka jirta Somalia  una doorbiday caruurtooda inay wax kabartaan dalkan India gaar  ahaan magaaladan Hyderabad. 


Markii ay soo shaac baxeen Dhibatooyinkas an soo xusnay iyo kuwa kale ee fara badan ayaa waxaa arinkaas u istaagay dhaliyaro Soomaaliyeed oo ayagu doorbiday sidii ay wax uga qaban lahayeen problemyada  una caawin lahaayeen Hooyooyinka iyo ardayda soomaliyeed ee dhibaato ba'an kala kulma joogitaankooda dalkan India gaar ahaan magaaladan Hyderabad.


Waxaa horaantii sanadkan looga dhawaaqay Magaalada Hyderabad Urur Soomliyeed ee wax ka qabta dhibaatooyinka kana caawiya hooyooyinka iyo ardayda soomaaliyeed xagga waxbarashada, ururkaas oo  la yiraahdo Somali Students Associtaion ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano {S.S.A }.
Aasaasida urukaasi ka dib ayaa waxaa magaalada hyderabad laga dareemay hoos u dhac ku yimid dhibaatooyinkii kala duwanaa oo ay la kulmi jireen Somalida.


Ururkaas Ahdaaftii loo aasaasay ka sokoow waxaa wax qabadkiisii ka mid ahaa qabashada xaflad qalin jabin ah oo markii ugu horaysay muddo 17 sano ah  loo qabto Dhalinyarada Soomaliyeed ee ka qalin jabisay jaamacadaha kala duwan ee  Dalkan India iyo Soo dhaweenta ardayda Soomaliyeed  ee imaanshahooda Dalkan India.


Somali Students Association { S.S.A.} ayaa waxa uu hadda ku guda jiraa qabashada munaasabadda 1 da Luulyo oo dhaqdhaqaaqiisa laga dareemayo magaaladan Hyderabad.


Guntii iyo Gabagabadii waxaa nolo cusub u bilaabatay ardayda, hooyooyinka iyo Dhamaan Somalida Ku Nool Dalkan India gaar ahaan magaaladan Hyderabad waxayna leeyihiin Somali Students Association Horay u socda oo noqda kuwii Somalida Isku keena.

 
By:  Wariye Najiib Abdirizak Warsame { Najiib Yare }
Magaaladan Hyderabad ee Dalkan India.
Email: Najiibyare4@hotmail.com
Tell: 0091-9618398299


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com