![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Ardada wax ka barata dalka india oo canbaaraysan dilkii Agaasimihihii shabelle. Q/ ahmed said olad
Juni,9,2009 www.Hobyoradio.com
Ardada
wax ka
barata
dalka
india oo
canbaaraysan
dilkii
Agaasimihihii
shabelle
Canbaarayn.Ardada wax ka barata dalka india gaar ahaan mysore ayaa si wada jir ah waxay manta u soo sareen qoraal canbaarayn ah oo ay ku canbaaraynayaan dilka waxashnimadaa ee loo gaystay agaasimihii idaacada shabelle Muqtaar Maxed hiraabe oo ay kooxo hubaysan ku dileen suqa bakaraha xili uu ku guda jiray howlihiisa caadigaa Ardada ayaa ku tilmaamay dilkan mid lagu wiiqayo awooda hana qaday ee saxaafada Somalia isla markaana lagu samaynaya tacadiyo ka dhan ah xaquuqada aadanaha,iyo mida islaamka oo dhamaan ka soo horjeeda in ujedo la’aan shaqsi loo dilo. Waxay canbaarayn u dusha uga tureen cidwalba oo dilkan wax ka og iyo kuwa soo maleegay ayga oo ku tilamamay dad wax magarataa,oo ugaarsanaya dadka wax galka u ah bulshada dagaladu dashadeen. ardada dalka india ayaa waxa ay manta go’aansadeen in ay xanuunka iyo dhibaatada la qaybsadaan walalahooda kale ee ku sugan Magalada Muqdisho,kuwaas cabsi, hanjabaado,iyo dilal daris la noqday.
Tacsi tiiranyo leh ayay hawada u mariyeen dhamaan ehelada iyo asxabta uu ka geeriyooday Muqtaar hiraabe,gaar ahaan bahada saxaafada meelkasta oo ay dunida kaga noolyihiin, waxayna ilahay uga baryeen in uu samir ka siiyo asagana janada uu ka warabiyo. Waxayna sidookale caafimaad ilahay uga baryeen Ahmed Taajir oo dhaawac uu ka soo gaaray xiligii agaasimaha la dilayay iminkana lagu dabiibayo Muqdisho. BAAQ ardada ku nool dalka india gaar ahaan mysore ayaa waxay baaq u direen dhamaan bahda saxaafada Somaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Somalia in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar ayaga oo ku xisaabtamaya in ay jiraan dad aan dan ka lahayn howlaha ay bulshada u ahayaan. Ardada waxay Shacabka ugu baaqeen in ay is garabtagaan ilaalinta saxaafada oo ah mida ka tarjunta dhibaatadooda,wana in ay bulshadu ogaadan hadii suxuifyiintu dhamaadaan in aysan jiri doonin cid ka warbixsa xaaladaha cakiran ee ay ku jiraan. Siyaasiyiinta iyo koxaha ku hardamaya Somalia waxan leenahay waxaa soo dhow xili lala xisaabtami doono qof walba oo danbi gala islamarakana cadaalada la horkeeni doono. Qoraal saxaafadeedkan waxaa si wada jir ah u soo saray ardada ku noo dalka india gaar ahaan mysore , ee ka soo cararay dhibaatooyinka dalka ka jira waxana ka mid ah.
Q/ ahmed said olad mysore india 00919902650663
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||