Cambaareeyn Dilka Agaasimaha Idaacadda Shabeele.‏By. Xassan Carab

Juni,9,2009 www.Hobyoradio.com

Cambaareeyn Dilka Agaasimaha Idaacadda Shabeele.‏By. Xassan Carab

Innaa Lillaahi Wa Inaa ileyhi Raajicuun.

Wariye Marxuum Mukhtaar Max'ed Hiraabe

-Geeridu Waa Xaq- Dhaq-dhaqaaq Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda waeey halkan Cambaareeyn weyn uga soo jeedinaayaan cidii ka
Dameeysay ma leh Masuuliyadeeda dilka Agaasimahii Idaacadda Shebeel-Marxuum Mukhtaar M.Hiraabe oo Caasimadda Muqdisho lagu dilay-waana arrin naxdiin iyo
Ayaan daradeeda leh.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkan dilalka noocaas ah mid lagu
Gumaadaayo aqoonta,Caqli iyo Dadka Dalka qiimo weyn ugu fadhiya waana
Arrin lagula dagaalamaayo guud ahaan Jiritaanka Dalkeena hooyo(Somaliya),
Lama soo koobi karaayo in Muwaadiin qiimo weyn leh duhur cad lagu dilay ama
laga khaarijiyeey gudaha Magaaladda Muqdisho iyadoo aan weli la garan cida
ka masuulka ah fafalkaas foosha xun lidka ku ah Diinta Islaamka,Dhaqanka iyo
Xurmo gobeedka Somaaliyeed,Waxaan halkan ku cadeyneeyaa in cida dilkaas
iyo kuwii la midka ahaa geeystay yihiin dembiilayaal,gacan ku dhiiglayaal  ama
Raxan u adeegta dano shisheeye mudan in Cadaalada la hor keeno-Dilka ama
Falkan ugu dameeyeey ee lagu dilay Marxuum-Hiraabe waa dhaawac weyn oo
Xanuunkiisa leh oo la soo dersay Bahda warbaahinta Somaaliyeed waana mid
Ayaan darro.
 
    Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan Tacsi uga soo gudbinaayaan
Qoyskii,Eheladii iyo Guud ahaanba Bahada Warbaahinta Somaaliyeed gaar ahaan
Idaacadda Shabeelle-Geeridu waa xaq Hiraabena gacan ka xaq daran ayaa dishay waana Halyeey Taariikhdu xusi doonta,Ummadda Somaaliyeedna ma Illaawi doonto Qofkii Marxaladan adag u soo halgamay-Naftiisana ku waayeey Danta Ummadda
Somaaliyeed gaar ahaan inta jeceyl qaran-nimadda iyo hanashada hanaan xor ah, Iyo Soo nooleeynta jiritaanka Somaaliyeed.
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-hayeenka Guud-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK-08/06/2009.
-sharaifhassan50@yahoo.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com