MUQDISHO: KAWAANKII WARIYAYAASHA. W/Q- C/naasir yuusuf macalin(ganeey)

Juli,1,2009 www.Hobyoradio.com

MUQDISHO: KAWAANKII WARIYAYAASHA. W/Q- C/naasir yuusuf macalin(ganeey)

Warninkii hellaa talo wacan hellee wariyaha xaqdhowr  waa hees marka ay soo gasho idaacadaha magaalada muqdisho waxaa kuu sawirmaya ama kuugu soo deg degaya  in la dilay qof wariya ah ama la dhaawacay ama laqafaashay.

Magaalada muqdisha waa meel soo martay marxalado kala gedisan xaga dilallka  mar waxay soo martay in la dillo ama la, ugaarsado raga  magaca kuleh bulshada dhexdeeda sida , dhaqaatiirta,maalqabeenada,dadka ushaqeeya hayadaha, halkaa Markey mareyso  waxaa dalka ka abuurmay ama ka bilowday idaacado madaxbanaan oo xor ah sidaas darteed dilkii la sameyn jiray waxaa sheegi jiray wariyayaasha idaacadaha ushaqeeya  markii ay wariyayaasha ay soo gudbiyeen xogtii jirtay ayaa waxaa abuurmay naceyb loo qabo wariyayaasha iyo bahda hal-abuurka meelkasta oo ay joogaan  waxaa bilowday dilal bareer ah oo loogeysanayo wariyayaasha si,uu udamo shumaca shidmay ee ah in dadka inleyska dilo aan wadooyinka magaaladda leyska socon.

Waxaa xusid mudan  in idaacadaha magaalada muqdisha ka howlgala ay soo bandhigeen ama ay idaacadaha laga siidaayey xilligii qabqablayaasha  waxay wariyayaasha ubareereen in barkasta ama isbaaro kasta oo taallo ay usoo bandhigeen dadweynaha qabqablaha iskaleh taasina waxay noqotay guul la,orankaro oo ay gaareen warbaahinta xorta ah eeka howlgasho magaalada muqdisha.

Waxaa halkaa ku dhamaaday oraahdii ahayd waxaa dilkaan geystay dableey aan heybtooda lagaraneynin  oo waxa ay wariyayaasha soo bandhigeen qofka dilka geystay qabqablaha uu ka soo jeedo ama heybta uu ka soo jeedo shaqsiga dilka geystay, waana arin runtii keentay guul aad looga farxo waxaana yaraaday dilalkii sida bareerka ahaa  loo geysan jiray  ee ay geysan jireen dabley ama qowleysato arxanlaawayaal ah .

Markii uu dilkii yaraaday ayaa waxay dableyda sameeyeen in ay bartilmaameed ku sameeyaan saxaafadda iyo saxafiyiinta waana tankeentay in tiro saxafiyiin ah leyska dillo, la afduubto, lajirdillo ay kabarakacaan goobihii ay ka shaqeyn jireen ayna isaga huleelaan dalkooda iyagoo maciin bidaya meeshii ay kaga bad baadi lahaayeen arxan laawayaasha diidan xoriyada saxaafada  oo sanooyinkaan gaartay meelihii ugu muhiimsanaa una sii socotay in qofkasta oo isku daya in howlaha uu uhayo shacabka uusan keligii ku tagri falin .

Gabagabdii saxafiyiinta iyo dhamaan hal-abuurkaba lagama jecla magaalada muqdisha oo ah xaruntii ama caasimadii dalka waxayna hoy unoqdeen in loogeysto dil bareer ah oo aanan cidna looga cabsaneynin, laakiin maalin ay ahaataba maalin unbaa laqaban  waxaan ku soogabagabeynayaa gabay uu tiriyey abwaanka soomaaliyeed  abwaan cismaan c/laahi guure oo ahaa ( Danbiile marbaa laqaban diiwaanka haleygu qoro).

Goorey ahaataba maalin unbaa laqaban doonaa dadka geysta saxafiyiin dilkooda muqdishana marbey ka bixi doontaa  kawaanka wariyayaasha .

W/Q- c/naasir yuusuf macalin(ganeey)

Cnaasir114@yahoo.com

Muqdisha Somalia


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com