Lama kala duwanee waa lakala daran yahay ! By. Cabdifitaax Cali Aadan

Juni,21,2009 www.Hobyoradio.com

Lama kala duwanee waa lakala daran yahay ! By. Cabdifitaax Cali Aadan

Ii talin meysid, kuu talin maayo, wada tashan meyno isu talin meyno, kala tagi meyno, isu tanaasuli meyno iyo tusaalooyin badan oo sidaa oo kale ah waxaa hab suugaaneed ku muujiyay abwaano Soomaaliyeed iyadoo fanaaniin caanana ay ku luuqeeyeen heeso laga sameeyay qilaafaadka hareeyay qowmiyadda halka luuqad, diin iyo deegaanba ka siman ee degta geeska afrika (Soomaaliya).

Hadaba musiibooyinka maanta iyo Kala maanka taagan oo aan marqaatiga u nahay waxaa wax badan sidoo kale ka qoray suxufiyiin Soomaaliyeed oo badan iyadoo midba sida ay ula muuqatay uu u cabiray kala duwanaanshaha iyo sida loo kala daran yahay arimaha Soomaaliya.

Waxba waxbaa ka daran iyadoo lagu soo halqabsado in naar walibaa ay ka ashahaadato mida kale waxaanan doonayn in aan idinku daaliyo ka sheekeynta taariikhihii is xig xigay ee kacaanka iyo wixii ka dambeeyay ee gacma daaliska ahaa iyadoo haatan xaalkuna marayo shalaayto iyo shalaa dhaantay .

Soomaalida oo lagu tiriyo in ay yihiin dad hadba dabeysha dhan u raacaya ayaa had iyo goor lakala safnaa hogaankii kala gedisanaa ee kursiga u xusul duubayay iyadoo qaabab kala duwana dadka warka loo galin jiray taasoo eheed in dadka Soomaaliyeed lagaga faa'iideysan jiray macluusha iyo aqoon la'aanta wixii la doonana loo sheegi jiray.

Dadka qaar baa mooda in xisbiyadda is diidan, hogaanka is eeganaya iyo xarakaadka isjiidku ka dhaxeeyo in ay kala duwan yihiin iyadoo dadkuna ay lakala safan yihiin tiiyoo aan la isweydiin waxa mid walbaa maankiisa ka guuxaya ee uu doonayo.

Mar haddii haatan tiirkii ugu dambeeyay la soo taabtay kaasoo ahaa in kuwii Kitaabka alle iyo shareecadda u sheegay in ay umadda la doonayaan ay iyagii iska hor imaadeen oo lala wada socdo tii ka dhacay iyo in ay faraha dhiig la galeen oo intii ka soo hartay umaddii uu cadowga laayay ay iyagii sababsadeen oo madaafiic ay la dhaceen markoodii iyadoo xal kale la raadin karay fikirkeyga.

Dalka Soomaaliyeed tii ugu xumeed ee abid ayuu marayaa maanta waxaana uu mudo labaatan sano oo fowdo iyo qalalaaso ah kadib uu maanta quus taagan yahay oo qof walbaa uu ku fakirayo sidii uu mar uun uga bixi lahaa ama meel dhaanta u raadsan lahaa.

Mar hadii dowladii laga sugayay in ay muujiso karti iyo dulqaad ay dib dadkeydii ugu dalbatay ciidamaddii xasuuqa ba'an u geystay ee cadowga Itoobiya, mar hadii intii miisaanka laheed oo ay ugu horeeyaan, waxgaradkii, aqoonyahankii, culimadii, haweenkii, dhalinyardii, siyaasiyiintii ay aamusan yihiin oo aaney marnaba ka hadleyn waxa soconaya waxaa lagu macneen karaa Lama kala duwanee waa lakala daran yahay.

Hadaad tahay aqoonyahan maxaadan wax uga dhihin wax qabasho iy qowl midna dalkaada dhibaateysan makula tahay in aad ka duwan tahay kan xabadda ku ridaya umadda masaakiinta ah, kaasi waxba kaama duwanee wuu kaa daran yahay, sidoo kale inta kale ee soo hartay ee qaarkood aan kor ku soo qeexay maxay AMISOM ama ciidamadda kale waxay doonaan ha sheegtaane ee laaya umadda kaga duwan yihiin mar haddii ay indhaha ka fiirsanayaan waxa dhacaya.

Ugu dambeyn dalka Soomaaliyeed iyo dadkiisa Masaakiinta ah looma kala duwana ee waa loo kala daran yahay midba midka kale ayuu uga daran hadey ahaan lahaayeen kuwa qandaraaslayaasha ah ee dhiiga umadda ka macaasha, kuwa kale ee calooshood u shaqeystayaasha ah ee AMISOM ama magac kaleba hala siiyee ee jooga iyo xarakaadka soo kala horjeeda ee kuwada sugan guddaha waxaa intaas sii dheer oo aan u sheegayaa kuwa kale ee iyana is leh waxba faraha kulama jirtaan in aysan wax baban ka duwaneen kuwaas iyagoo umadoodii ku difaaci waayay af, addin iyo intii illaah awood u siiyay iyagoo isaga aamusay misana indhaha ka fiirsanaya dhibaatadda labaatan jirsatay ee umadda ku habsatay.

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa caqliga ha shaqeeyo afkana hala furto oo wax hala isku sheego hana laga shaqeeyo sidii umadda Soomaaliyeed looga samatabixin lahaa dhibaatadda haddii kale qof walbaa ha ogaado in mas'uuliyad ka saaran tahay masiirka umaddan kii ka aamusana lagula xisaabtami doono maalinta qiyaamo, haddii ubadkaada uu meel amaan ah wax ku baranayo oo nabadgelyo ku nool yahay ogoow in ubad Soomaaliyeed oo walaalahood ah maalin walba uu macluul, madaafiic iyo macnooyin kale oo qalafsan ugu dhimanyo guddaha dalka Soomaaliyeed.


Allaa Mahadleh Milkiile ah oo awood badan Isagaa wax maamula.
Cabdifitaax Cali Aadan


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com