Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Warbixinta shirka Jaamacadda Gaalkacyo ee Birmingham UK:

Jun,20,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Warbixinta shirka Jaamacadda Gaalkacyo ee Birmingham UK:

Jaamacadda Gaalkacyo waa jaamacad cusub oo ka amba qaadidoonta sanad dugsiyeedka 2010/2011 magalo madaxda Galmudug ee Gaalkacyo.

Dr. Dalmar, Dr. C/qadir Shirwac, Cumar Marooko

Xubnaha Aasasayaasha  mu’asasadda Mufed (mudug Foundation for education development) oo ah Hayadda maamusha Jaamacadda Gaalkacyo oo leh xubno aqoonyanno ah(professionals) ku nool dunida dacaladeeda, waxaa masuul ka ah xubnaha mua’sasiinta ee ku Sugan Dalka Ingiriiska.

Xubnaha UK waxay u dorteen hirgalinta jaamacadda gaalkayo shan xubnood oo guddi maamul ah iyo la taliye guddiga.

Guddigaas iyo la taliyuhuu waxay dhawaan Jideeyeen in la qaado xamlad lagu shaacinayo Jiritaanka Jaamacadda Gaalkacyo, isla markaasna dadweynaha Soomaaliyeed looga dhaadhicinayo hawlaha Jaamacadda Gaalkacyo.

Magaalada Birmingham waxay nasiib u yeelatay in ay noqoto magaaladii ugu horreysay ee guddiga MUFED ka bilaabaan shirarka noocaas ah oo ay guddigu  ku soo  bandhihgayaan arrimaha Jaamacadda Gaalkacyo

Maalintii Sabtiga ee taariikhdu ahayd 17 July 2010, waxaa guddiga Mufed ee Uk iyo la taliayah guddigu ku qabteen shir ay iskugu yimaadeen aqoonyahanno ka kala yimid Birmngham, Liecester, Manchester iyo Bristol ee Dalka UK 

Shirka waxaa xariiriye iyo qaban qaabiyaba ka ahaa Xoghayah Guud ee Guddiga Mufed isla markaasna xaruintiisu tahay Birmingham Eng. Axmed  Khaire Ingiriis oo dadweynihii ka soo qayb galay aad ugu mahad celiyey, isla markaasna ku furay warkiisa in uu caddeeyo muhiimadda shirka la iskugu yimid iyo barnaamijku sida uu u socon doono.

Waxaa warbxinno dadku aad ugu boggay ka soo jeediyey xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Guddiga Mufed, Mudane Cumar Xuseen Xaaji (Maroko), Guddomiyuhu wuxuu faafaahiyey waqtiga la asaasay Mufed asagoo sheegay in fikradda Jaamacadda Gaalkacyo ay ahayd  muddo dheer riyo ay ku taamayeen aqoon yahan badan oo u dhashay deegaanada Gobolada dhexe, Wuxu ku dheeraaday qaabka uu maamulkeedu u dhisan yahay waxa hadafku yahay iyo hawsha illaa iyo hadda u qabsontay.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Jaamacadda Gaalkacyo at tahay Jaamacad loogu talo galay in ay dabooshu baahida waxbarashada sare ee ka taagan Gobolada dhexe ee Soomaaliya, Klilka shanaad, gobolada xamar ka soo ragan illaa iyo gobolada bari intii aysan jaamacadi ka jirin

Waxuu Cumar Maroko caddeeyey in Jaamacadda Gaalkacyo u furan tahay qof kasta oo afsoomaali ku hadla ayadoon loo fiirineyn meesha ku soo jeedo. Wuxuu guddoomiyaha MUfed ku celceliyey in Jaamacadda Gaalkacyo ay ka madax banaan tahay iskooxeysi, haddey ahaan lahayd mid diimeed, mid siyaasadeed iyo qabiil intaba.

Intaa ka dib waxaa warkii qaatay Guddoomiyaha Jaamacadda Gaalkacyo Prof. Cabdulkadir Maxamed Shirwac. Cabdulqaadir wuxuu aad u kala dhigdhigay baahida keentay Jaamacadda In la furo oo ku sheegay in la dareemay in caddad badan oo ardey ahi ka soo qalin jabineyso dugsiyada sare ee gobolada dhexe, una baahan yihiin meel ay aadaan. Wuxuu sheegay in Jaamacaddu tahay hayad madax banaan , ardeyda intixaanada ku gudubtana ay toos u gali doonaan haddi ay iska bixiyaan khidmada loogu talo galay, kuwa Imtixaanada ku dhacana loo abaabuli doono wax barasho degdeg ah oo lagu soo gaarsiinayo inay u gudbi karaan jaamacadda.

Cabdulqaadir wuxuu dadkii halkaas iskugu yimid ugu bishareeyey in Jaamacaddu furmi doonto September 2010, ayadoo loo dhammeystiray hadda wixii ay u baahnayd,  buugaagti , macalimiintii iyo qalabkii wax lagu baran lahaa. Guddoomiyaha Jaamacadda Gaalkacyo Prof. Cabdulqadir M. Shirwac wuxuu ka codsadey aqoonyanadii shirka joogay in ay ku tabarucaan aqoontooda iyo taladooda intaba oo aad loogu soo dhaweynayo Jaamacadda Gaalkacyo qofkii wax tar ula diyaar ah asagoo ku daray weliba in uu dhawaan u ambabaxayo Gaalkacyo.

Waxaa asaguna soo bandhigay taariikhdii waxbarashada sare ee Soomaaliya Dr. Prof Cabdirizak Axmed Dalmar, oo aad uga sheekeeyey marxaladii ay soo martay, hadana ay mareyso in dawlad la’aanta jirta awgeed loo bahaan yahay in dadka wax bartay is xilqamaan oo buuxiyaan kaalintaas banaanatay. Dr. Cabdirizak Dalmar, wuxuu ka tirsan yahay Jaamacadda Banaadir, wuxuuna la taliye u yahaya Guddiga maamulka ee Jaamacadda Gaalkcyo, asagoo ka mid ah asaasayashii labada Jaamacadood. Dalmar, wuxuu ka sheekeeyey xiriirka labada Jamacadood uu ka tirsan yahay in ay wadashaqeyn doonaan, wuxuu kaloo sheegay daladda SOMREN oo ah dalada ay hos yimaadaan 9-ka jaamacaddood ee Soomaaliya ku yaalla buuxiyeyna shuruudihi ka mid noqoshada daladaas. Jaamacdda Gaalkacyo waxay noqotay tii ugu da’da yarayd ee dalabka ka mid noqoshada dalaadaas gudubsatay, welina ka warsugeysa in la aqbalo.

Jaamacadda Gaalkacyo waxay hadda ku bilaabeysaa afar Kulliyadood oo kala ah.

1- Medicin

2- Healt Science

3- Computer Science

4- Education

Waxaa Xoghayah Mufed ku dara wabixintii in mustaqbalka ay qorshasan yihiin kulliydo kale oo muhiim ah sida

1-     Xannaadan Xoolaha

2-     Maamulka iyo mareynta

3-     Shareeca law.

 

Aqooyahannadii halkaas sida qiirada leh uga hadley waxaa ka mid ahaa Dr. Cumar Sheikh  Maxamed ahna takhtarka ilkaha, ka mid aahaan jirey macalimiintii Jaamacadda Soomaaliya, hadana ku leh rug caafimaad magaalda Birmingham UK, Dr. Cumar wuxuu aad u bogaadeyey dadki ku fakaray furitaanka jaamacadda Gaalkkacyo, wuxuu soo jeediyey in lagu daro Kulliyadaha la furi doono kulliyadda barashada cilmiga ilkaha(dentist), taaso guddigu aad u soo dhaweeyeen ballanna qaadeen in la qaadan doono taladaas. Dr. Cumarna wuxuu asna ballan qaaday in uu tagi doono Gaalkacyo kana qayb qaadan doono hawsha Jaamacadda.

Waxaa kaloo hadalo qiiro badan iyo Gabay ku saabsan wax barashada ka soo jeediyey shirka Jaamacadda Gaalkacyo Prof. Cabdulqadir Ruumi, oo asna ka sheekeeyey taarikkhdii ay isku lahaayeen Dr. Dalmar iyo Jaamacadda Banaadir, wuxuu asaguna bogaadin iyo ballan qaad taageeraba ka jeediyey isla shirka.

Sida Cabdirashid Jucfo ooka mid aqoon yahanada Reer Birmingham ayaa asugna si wanaagsan uga hadla xafladaas, wuxuuna aad u adkeeyey muhiimadda ay leedahay barashada maamulka iyo dadka in laga dhiso maskaxda qofnimo oo uu Cabdirashiid sheegay in ay ka mid tahay meelaha dadka Soomaalidu ka baaba’ay intii dhibaatooyinku jireen.

Waxaa kalo halkaas ka hadlay, fara badan oo ka mid ahayeen Dr. Muse Maxamud Cali, Cali shino iyo  Siciid Ereg qof kasta oo hadlayna wuxuu cabirayey shucurtiisa ka raalli ahaansha hawshaan wanaagsan e Jaamacadda Gaalkacyo.

Shirka ka dib, ayaa guddiga maamulka Mufed, la taliyaha guddiga iyo qaar ka mid ah aqoon yahanadii ka qayb galay waxay wwareysi tos ah oo khadka teleefoonka ay ku xirnaayeen idaacadaha Gudaha Soomaaliya kuwooda ugu magaca dheer ku siiyeen wareysi faahfaahinaya sida shirku u dhacay iyo guud ahaan warbixinta Jaamacadda Gaalkacyo.

Axmed Khaire Ingiriis

Xoghayaha Guud ee MUFED

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|