|
FADLAN KA QEYB QAADO MASHAARIICDDA AFURINTA SOOMANAYAASHA.
Jun,21,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
FADLAN KA QEYB QAADO MASHAARIICDDA AFURINTA SOOMANAYAASHA.
Allah Mahad leh-sida la wada ogyahay waxaa inagu soo fool leh
Bishii barakeeysneeyd ee Ramadaanka kariimka ah oo fadliga weyn
iyo kheeyraadka badan leheyd soonkuna wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Diinta islaamka,fadliga bashiaas lama soo koobi karaayo waa Bishii quraanka,bishii raxmadda,dembi dhaaf iyo cadaab ka xoreeynta iyo abaal marino badan oo Raxmaanka adoomihiisa ugu deeqo.
Hadaba munaasabada bishaas barakeeysan waxaan halkan uga soo jeedinaayaa guud ahaanba ummadda somaaliyeed muslinka ah weliba intooda ehel kheeyrka ah in eey ku dadaalan caawinta ama gacan ka geeysashada mashaariicada kheeyr badan ee:-Afurinta Soomanayaasha Somaaliyeed oo dan-yart ah ama bara-kacsanayaasha ama naafada ama Caruurta Agoonta ah,waa camal kheeyr ajarkiisu weyn-yahay,miisaanka cusleeya maalinta qiyaamaha,waana sadaqo abaalkeedu weeyn-yahay,
Walaalayaal dalkeena hooyo waxaa ka jiro duruufo qalafsan iyo arrimo culeeyskooda leh dhan nabadgelyo ahaan iyo dhaqaale,waxaa gudaha ku barag-kacsan dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 1.5 malyan gaar ahaan Muqdisho iyo degaamadda ku xeeran,Baydhaba,Baladweyne,Kismaayo iyo gobolka Galgaduud,sidoo kale waxaa dad qaxooti oo somaaliyeed ku
sugan yihiin-Galmudug,P/Land iyo qeybo ka mid S/Landba,inta badan Gobaladda Somaaliya waxaa ka jira xarumo agaamood,naafo iyo dad dan yar ahba iyo degaamadda S/Galbeedba.
Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka
Hadaba munaasabada ramadaanka waxaa haboon in la garto waajibaadka waaweyn oo diineed inaga saaran
Walaalaheeda aan kor ku soo xusay iyo sida eey ugu baahi qabaan una sugaayaan helidda kaalmo gargaan bisha ramadaanka barakeeysan oo la oran karo kharashkeedu wuu ka yare badan yahan bilaha kalle sidda ajarkeeduna ugu badan yahay,sida la wada ogyahay waxaa sanadahan damme jiray oo hawlo wax ku ool ah qabtay-Mashaariicadda afurinta Dadka Sooman oo laga hergeliyeey dalkeena hooyo meelo badan oo ka mid ah runtiina guulo waaweyn laga gaareey-Allah camalkooda kheeyr ha ugu bedelo-aamiin,waxaana gacan ka geeystay hirgelintooda dadka
qurbo jooga ah weeyna ku amaanan yihiin.
Hadaba gunaanadka qormadan gaaban waxaan ku boorinaayaa dadka qurba jooga ah intooda ehel kheeyrka ah,naxariisu qalbigooda ku duugan tahay,damiirkooduna nool yahay,sida ku haboona u garanaaya duruufaha ka jira dalkeena iyo baahida eey qabaan dad badani in eey qeybtooda ka qaataan gacan weyna ka geeystaan howlaha mashaariicada afurinta ka eeg cinwaanka webeka sida- www.xogta.com ama la xiriir masaajidka degaankaaga meelkasta oo aad joogto.
-ALLAH MAHAD LEH-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
-England-UK- 18/07/2010.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk

|