Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏

Jun,25,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏

 

Dagaal iyo colaad hore ayaa muuqdaa in Maamulka P/Land
ka wadaan abuurkiisa degaamadda Goboladda bari iyo Sanaag
oo ah degaamo hab nabadgelyo ah dadweynaha degaankaasu ku
naaloodaan Allahnu ugu mahad celiyaan,waana dhul aad iyo
aad u wanaagsan kheeyr ka buuxo hadii eey ahaan lahaayeen
kuwo muuqda sida dhirta Xijiga,beero badan iyo kuwo duugan
oo Kheeyraad dabiici ah(Macdan),horena Maamulkii Gen-Cadde
Muse isku dayen boobkeeda iyo hanti bililiqeeysi cad,lakiin
Hogaan dhaqameedka,Culimaa'udiinka,Waxgaradka iyo dadweynaha degaamadda gobolka sanaag iyo galbeedka gobolka bari si cad
u diideen gaashaanka ku qabtaan rajiimkii Gen-Cadde.

Hadaba qormadan maanta waxaan si cad u taageeraayaa

Go'aankii hogaan dhaqameedka iyo waxgaradku ku gaareen ama

ka soo saareeyn Magaaladda Dhahar kuna saleeysnaa in hab

Nabadeed iyo wada hadal lagu wajaho wixii dhaq-dhaqaaq ah

oo lagu tuhunsan yahay in eey ka jiraan Degaamadda buuraha

Cal-madoow oo loo nisbeeyo in wuu hogaamiye-Sh.ATAM,runtii

go'aankaas oo ah mid caqli,aqoon iyo xikmad dheer ku fadhiya

kana turjumaaya rabitaanka iyo nabad jeceylka Bulsho-weynta

Sanaag bari iyo galbeedka G/Bari iyo sida eey uga fekerayan

Wada jirka iyo jiritaanka P/Land,halka rajiimka Faroole ku

fekeraayo ama go'aansadeyba dagaal iyo colaad abuurid waana

arrin ayaan daredeeda iyo garasho xumadeeda leh.

Sidoo kalle waxaan soo dhoweeyndiisa leh baaq

nabadeedkii iyo taageeradii go'aanka dhahar eey soo saareen

Jaaliyadda UK Sanaag barri,Heylaand iyo galbeed g/bari waana

tusaale kalle oo Markhaati cad u ah caqli adeegsiga iyo hab

nabadgelyo jaceylka bulshada ka soo jeeda degaamadaas,amaan

iyo bogaadiin halkan uga soo jeedinaayo,halka aan dhaliil

iyo cambaareeyn culeeyskeeda leh u soo jeedinaayo Rajiimka

Foroole(Maamulka P/Land)oo wada dhaq-dhaqaaqyu iyo xiisado

abuuri karaayo nabadgelyo xumo iyo colaad abuurida Bulshadda

Reer P/Land oo walaalaha ah,taasu oo ujeedada ka dameeysaana

tahay daboolidda maamul xumadda,wax-qabad la'aanta iyo hanti

boobka xubnaha maamulka wadaan iyo sida eey uga gaabiyeen

Xilkii iyo hanaankii masuuliyadeed oo Ummaddu u dooratay iyo

balan-qaadkoodiiba,waxaana moodo in xiriir ka dhaxeeyo ama

hab iskaashi P/Land iyo S/Land,iyadoo S/Land dagaal balaaran

iyo xiisado colaadeed ka wado degaamadda Widhwidh iyo guud

ahaanba dhulka hawdka Gobolka Cayn,sidoo kale waxaa dhaliil

weyn iyo cambaareeynba mudan Shebekadaha been abuurka iyo

waxaan jirin sheegida ku caan ah,isla markaana diida soo

qorida iyo soo bandhigida warka iyo baaqyada xaqiiqada iyo

danta guul ku saleeysan.

 

 

   Sidoo kalle talaabo khaldan,qalafsan oo gefka weyn laguna

raafay welina lagu raafaayo dadka asal ahaan ka soo jeedda

Koonfurta Somaaliyeed iyo dhaq-dhaqaaqan colaad abuurineed

waa kuwo qorshe kale ka dameeyo,iydaoo la wada ogyahay in

Madaxweyne-Faroole qorsheeynaayo keenida ciidomo Itoobiyan ah isagoo qiil ka dhiganaaya in koox Al-shabaab ka tirsan

eey ku sugan yihiin bariga P/Land waana been cad iyo wax

kama jiraan,laakiin Ujeedadu waa awood ku hanashadda dhulka

Kheeyraadka dabiiciga ah ku jiraan(Galbeedka G/Bari iyo

Barigga G/Sanaag),Faroole ha ku riyoon hanashada degaankaas

iyo boobka kheeyraadka ku duugan,colaad iyo dagaalna hore

eey ugu jabeen ciidankii Gen-Cadde Muuse iyo maleeshiyaadkii

hab beeleedka lagu soo ururiyeey-waana tusaale cashar kuugu

filan Mudane-Madaxweyne.

-GUUL NABADA IYO CAQLI ADEEGSIGA-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK-25/07/2010.

-sharifhassan50@hotmail.co.uk-

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|