Dugsiga hoose, Dhexe iyo Sare ee Shacab oo howlihiisa Dhisme iyo Waxbarasho si xawli ah uga socdaan Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug State.

July,28,2007 www.Hobyoradio.com

Dugsiga hoose, Dhexe iyo Sare ee Shacab oo howlihiisa Dhisme iyo Waxbarasho si xawli ah uga socdaan Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug State.

Dugsigu wuxuu bilaabey taariikhda Sabti, 30-June-2007 waxbarashadda aasaasiga ah ee sanad dugsiyeedka 2007-2008.  Dugsiga oo howl qabadkiisu socdo saddex usbuuc ka yar 19 beri, ayaa waxbarashadiisa iyo waxqabadkiisu waxay ku socdaan si xowli ah. Cadadka ardayda dhigata iminka iskuulka waa 322 oo iskugu jirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda dadka waaweyn.  Tirada dadka waaweyn ayaa ah 130 oo kala ah 55 wiilal, iyo 68 gabdho.  Tirada ardayda waxbarashada aasaasiga ah qaadata ayaa ah, 116 wiilal, iyo 76 gabdho.

BOOQO DUGSIGA SARE SHACABKA GAALKACYO 
 

Sharax Uma Baahnoo Iyo Shaqalo Dhaadheere.

Shabaab Iyo Shuyuuq Buu Anfacey Shacabkii Soomaali.

Shareecadda Islaamkaa Runtii Lagu Shaqeeyaaye.

Dowlad Buu Iskuulkaa Shabihi Shacabku Taageeray.

Shacab Wuxuu Shabihi Dowlad Uu Shacabku Taageeray 

Waxaa hubaal maragma doonto ah in kumanaan dadka deegaanka ay ka taliso Dowlad Gobolleedka Gal-Mudug State ee ku kala baahsan dunida dacaladeeda ay aad u quudareynayaan in ay maqlaan ama aqristaan ama ay soo booqdaan Dugsiga Sare ee Shacabka ee deegaanka, gaar ahaan heerka waxbarashadda gobolku mareyso. Aan idin siiyo fursad haldaqiiqo aad uga bogan kartaan heerka waxbarashadda Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Shacabka.

 

Sh.Cabdiwali Muse

Sh. CabdiKariim

Mudane. Omar Isse

Mamule.AhmedNur

Midig: Omar Isse (Himilo Canada), Ahmed-Nur (Maamule), A/Wali Muse iyo Sh. A/Karim M. A/rahman.   Safka subaxnimo 07:00       

WARBIXIN DHISME & WAXQABAD WAXBARASHO    

Laga soo bilaabo Jimce, 15-06-2007 xafladdii furitaanka dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Shacabka, wuxuu dugsigu sameeyey waxqabad kala duwan:  

  1. 19/06/2007 Dhagaxdhiga dhismaha dugsiga sare ee Shacabka.



Dr. Dalmar oo dhagaxdhigaya dhismaha Dugsiga Sare ee Shacabka.  Ahmed A. Abdille School Primcipal at work 

Sidoo kale waxaan sawiradan hoose idinkugu soo gudbineynaa muunad sawiro ah (sampling) oo ay ka mid yihiin waxqabadka dhismaha iyo heerarka waxbarashadda dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Shacabku marayo. Ha ahaato waxbarashadda asaasiga iyo waxbarashadda dadka waaweyn.

Dugsiga Sare (Form 1)  Dugsiga Dhexe (9 aad)          Dugsiga Dhexe (7 aad)  Dugsiga Dhexe (7aad) 

Dugsiga Hoose (4aad)  Dugsiga Hoose (3aad)       Dugsiga Hoose (2) Dugsiga Hoose (2) 

Dugsiga Hoose (1aad)        Dugsiga Hoose (1aad)  Bare su’alaya ardayad 1aad ah.          Dugsiga Hoose (1aad) 

Dadka waaweyn (1-9)       Dadka waaweyn (1-4)   Dadka waaweyn (1-4)    Ardey taagan safka 07:00 AM 

MAANSO 

Waxaan sidoo kale halkan idin kugu soo gudbineynaa maanso hal ku dhigeedu yahay: Shacab Wuxuu Shabihi Dowlad Uu Shacabku Taageeray. oo tilmaameysa waxqabadka iyo saameynta uu markiiba ku yeeshay dugsigu deegaanka. Wuxuuna aragti iyo sawir guud kaa siinayaa qaabdhismeedka iyo howsha adeega waxbarasho ee dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Shacabku deegaanka u hayo. 

Tix Geeraar Shiinley Ah: 

Shacab Inuu Iskuul Yahay , Oo Shahaado Dhiiboo, Shanta Qaarad Dunidaa, Wadankaad Shab Orataan, Ka Shaqeysandoontaan, Dadka Ugu Bishaareyn. 

Shacab Inuu Iskuul Yahay, Sharaf Iyo Wanaag Loo, Shabayaa Aqoontoo, Sharaxaaya Diintaan, Shacabkaan Dhamaantiis, Shabaab Iyo Shuyuuqood, Uga Qaada Shaacee, Qofkii Shicirku Gaarow, Haku Deynin Sheekadda, Shaahid Ugu Imaadoo, Shuruuraha Iskuulkiyo, Shareecada Islaamkee, Shaqsigii Yimaadaba, Shacab Uu Ku Barankaro, Kolkaad Sharafta Aragtaan, Shanta Cunugba Keensoo, Shibta Looma Baahnee, Deriskana U Sheegoo, Sheekadii Intaa Dheer, Shacab Maamulkiisay, Kala Showridoonaan. 

Dayax Shan Iyo Tobnaad Iyo, Shamso Dhalatey Weeyoo, Shaf Balaarandoonoo, Shanta Qaarad Dunidoo, La Isku  Sheegidoonaa, Shaki Adinka Oon Qabin, Ma Shalaayidoontaane, Shacab Ubadka Keensada. 

Tix Miinley Ah:

Manhajkaa Iskuulkiyo, Maadooyinkuu Dhigo, Mid Sariyo Mid Hoosiyo,  Mid Dhexaba Madarasadu, Maadooyinkoo Idil, Runtii Kala Muhiimsane, Maqla Maarkan Soo Wado, English Macaaniyo, Maths Baa Laguu Dhigi, Chemistry Iyo Physics, Biology Muhiimiyo, Maadada Carabigiyo, Geography Baad Mari, Mudo Gaaban Weeyoo, Koorso Lagu Maraayoo, Inta Aan Magaaliyo, Miyi Laga Imanoo, Mar Dhow Liisku Buuxsamin, Ka Mid Noqo Ardeydoo, Fasaladda Hormuudkee, Midka Ugu Sareeyee, La Tilmaansadaa Noqo. 

Magac Lagama Raaciyo, Muuqaalka Guudee, Dadku Kala Muhiimsane, Shacab Maamulkiisiyo, Dhamaan Macaliintu, Muqdishey Ka Yimideen, Waa Rag Jaamiciinoo, Intey Moolka Quuseen, Aqoon Maaxanaayee, Magistrate Nimaan Wadan, Bachelor-Na Soo Marin, Ma Imaan Iskuulkoo, Maskax Guuriweeyoo, Mar Horaa La Soo Marey. 

Shiinley:

Sharax Uma Baahnoo Iyo Shaqalo Dhaadheere.

Shabaab Iyo Shuyuuq Buu Anfacey Shacabkii Soomaali.

Shareecadda Islaamkaa Runtii Lagu Shaqeeyaaye.

Dowlad Buu Iskuulkaa Shabihi Shacabku Taageeray.

Shacab Wuxuu Shabihi Dowlad Uu Shacabku Taageeray.

Waxaa Nasoo Gaarsiiyay Mahadi haka gaartee Xuseen Sheekh Nuur  iyo Ahmed  A.  Cabdulle

Hadaan Nahay Bahda Hobyo Radio Waxaan Mahad Gaara u diraynaa Walaalihii Howshan u istaagay haday tahay Aqoonyahanada, Culimada, Jaaliyada Dibada  iyo Walaalihii Socdaalka dheer ku maray W/amerika. Halkan Riix www.hobyoradio.com  5,18,2007 Hamilo/ Canada Sh.C/lahi Shire. Sh. Calibashir iyo Sh.Maxamud Mohamed Warsame.

C/aziz Xogolof

Minneapolis, MN

Gaalkacyo,GalMudug State of Somalia

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com