Xafladd lagu Maamuusayay Munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da Luulyo oo ka dhacday Magaalada Hyderabad ee Dalkan India‏

Juli,3,2009 www.Hobyoradio.com

Xafladd lagu Maamuusayay Munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da Luulyo oo ka dhacday Magaalada Hyderabad ee Dalkan India‏

 

Gudoomiye SSA Faysal Max'ed Mataan  

Wariye: Najiib Abdirizak Warsame ( Najiib yare )

" Qolo waliba Maalin bay qiimaysaa ama ay qadarisaa, Annagana maalmahaan Qanacnay ee Qaadirkeen Naga quwad roonaysiiyay Gumaystihii Qarmuunaa Qiimo Ma aan Lihin Hadaanan Xusin ee hadda qabo waa 26ka Juun iyo 1da Luulyo. Waa Ereyadii Abwaanka DA'da yar ee C/raxmaan Yuusuf Maxamed uu ka tiriyay Munaasabadda 26ka Juun iyo 1da Luuliyo.

Munaasabad  Si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaaladatan Hyderabad oo lagu maamusayay Munaasabadda 26ka Juun iyo 1da luulyo.
Munaasabadaan oo ahayd tii ugu horaysay oo nuuceeda ah oo lagu qabto magaaladatan Hyderabad ayaa waxa ka soo qayb galay shacabka Somaliyeed ee kala duwan ee ku dhaqan dhamaan dalkan India.

   


Furitaankii Munsaabadan Ayaa xariiriyihii isla munaasabadan Muxubo Faarax Abdi ka codsatay Dhamaan Dadwaynihii ka soo qayb galay in si wada jir ah loogu istago Heesta Astaanta Qaranka Somaliya Ee Soomaaliyeey Toosoo. ayadoo laga dheehan karay wajiada dadkaasi qashuucsanaan dheeraad ah.


Heesta Astaanta Qaranka Kadib waxa halkaasi ka hadlay Isla markaana Hambalyo u diray Umadda waynaha Soomaaliyeed Meel walba joogaan Hambalyo ku aadan Munaasabadda 26ka Juun iyo 1da luulyo Gudoomiyaha Ardayda Ururka Ardayda Soomaliyeed ee Somali Students Association (S.S.A.) Mr. Faysal Maxamed Mataan.


Gudoomiye Fasal Maxamed Mataan ayaa ku dheeraday Mahad celin ku aadan ka soo qaybgalayaashii iyo ahmiyadda ay leedahay in la xuso maalmahan Taarikhiga ah ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo.


Waxa kaloo Halkaasi ka hadlay Marti sharaf badan oo isugu jiray Waalid, Arday , Culama-udiin , waxgarad, aqoonyahno Dhaqaatiir iyo waliba Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Kumeel Gaarka ah ee Somalia.


Dhamaan marti sharafkii ka hadashay munaasabadaasi 26ka Juun iyo 1da Luulyo ayaa ku dheeraaday taariikhda iyo ahmiyadda ay u leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed inay xusaan ayagoo dhinaca kalana wax ka xusay waayahii Nabadda ee Somalia.


Waxaa sidoo kale dhinaca qadka taleefanka kaga qaybqaadatay Munaasabadda 26ka Juun iyo 1da Luulyo Safiiradda Dowladda KMG ah ee Somalia Embassador Ebyan Ladane Saalax .


Embassador Ebyan ladane Saalax ayaa shacab waynaha Soomaliyeed meel walba oo ay joogan ugu hambalyaysay Munaasabadda 26ka juun iyo 1da Luulyo waxaana hadaladeeda ka mid ahaa Emb.Ebyan ladane Saalax " Mudanayaal iyo marwooyin, waxaa sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qayb galo xafladdan, anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed ee Dawladda Federalka ku meelgaarka ah Mudane Shiikh Sharif Shiikh Ahmed, kan safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi, waxaanu dhammaanteen idin soo direynaa hambalyo iyo bogaadin, waxaana idin leenahay sannad guuro wanaagsan."


Embassador  Ebyan Ladane Saalax ayaa dhinaca kale ayaa dhinaca kale ka hadashay Xornimadii Somalia ayadoo mahadcelin u jeedisay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee xornimadii horseed u ahaa waxaana markale hadaladeeda ka mid ahaa " June 26- July 1 deeda waa maalmo qiimo weyn leh, xusid iyo xafladeyna muddan, waa maalmihii ummadda Somaliyeed iska rogeen heeryadii gumeysiga iyagoo isku duuban, isla markaana tustey adduunka in xornimada iyo qaranimada  Somaliyeed ay tahay mid dhab ah oo aan dhayal ahayn. Ilaa iyo maantana nalagu qiimeeyo, nalaguna xurmeeyo. Waxaana mahadaas leh dhalinyaradii Soomaaliyeed ee xoriyadda aan maaanta harsaneyno dhiigoodii iyo dhaqaalahoodii u soo huray. Intii dhimateyna rabigey raxmad iyo janno ha siiyo, inta noolna caafimaad sareecan allaha siiyo.


Hadalka Embassador Ebyan Ladane Saalax ayaa dareen wayn ku abuuray dhamaan dadkii ka soo qaybgalay munaasabadaasi gaar ahaana Dhalinyarada Ka dib markii ay wax ka sheegtay farqiga u dhexeeya Dhalinyarada maantay iyo kuwii Hore ee xorriyadda horseedka u ahaa waxaana ay tiri Embassador Ebyan Ladane Saalax " Sidaad ogtihiin, dhalinyaraddii xoriyadda dhaliyey waxay la da’ ahaayeen dhalinta caawa soo agaasintey xafladdan….waxaase hubaal ah  "Dhalintan manta joogta waa ay ka aqoon badan yihiin kuwii hore, waa ka waayo aragsanyihiin kuwii hore, waxay awood u heleen inay khibrad iyo waayo aragnimo ka helaan meelaha kala duwan oo ay ku noolaadeen, kana dhaqaale fiican kuwii hore….waxaase xusid mudan, dhalintii xoriyadda keentay waxay ahaayeen kuwo ay ku dheertahay waddaniyadda, qaranimada, isku duubanida, kala danbeynta , is xurmeynta , is aaminidda iyo isu dulqaadashada…..intaas oo dhan waxay ahayd mabd’a ay ku shaqaynayeen, sidaa darted bay kaga guuleysteen gumeysiga waddanka haystey, xorriyaddana ku gaareen. Waxaan rajaynayaa inaan wax badan ka barano, kana qaadano dhalintii hore, taasoo noo kaamisha nabadda iyo horumarka aan higsaneyno.


Embassador Ebyan Mohamed Saalax ayaa hadalkeeda kusoo gabagabaysay xaaladda dalka uu marayo iyadoo sidoo kale alle kaga barisay Umadda Somaliyeed ee ku waxeeloobay Dagaalada inuu caafimaad siiyo ayaa waxay tiri Emb. Ebyan Mohamed Salah " Mudanayaal iyo Marwooyin, inaan idin salaamo idiina hambalyeeyo baan idiin soo wacay, waxaan hadal kayga ku soo gabagabeynayaa, sida aad la socotaan, waddanka xaalad xun buu marayaa, waxaan ilaahay uga baryeynaa intii dhimatey inuu raxmadii jano siiyo, inta dhaawacana rabi caafiyo,  in rabi  khayrka na waafajiyo, magaca iyo sharafta ummadda Somaliyeedna rabigey dhowro oo karaameeyo, madaxdeena iyo maamulkeenana ay noqdaan mid mira dhala, una adeega ummadda Soomaaliyeed.


Barnaamijyadii lagu soo bandhigay halkaasi waxaa sidoo kale ka mid ahaa Gabay lagu magacaabay ( Sareeyoow Ma Nusqaamoow Kanna Siib Kanna Saar ) oo halkasi ka soo jeediyay Liiban Cismaan Cali.


Sidoo kale Baraanbur ka hadlaya xaaladda dalka uu marayo iyo Duco ayay halkaasi ka soo jeedisay Jihaam mohamed axmed oo dhamaan dadkii ka soo qayb galay xamaasad galiyay iyo dareen ku wajahan xaalka maantay ee Somalia.


Waxaa kaloo lagu soo bandhigay Ruwaayad xiiso badan oo loogu magac daray 
( Liibaantii 26ka Juun iyo1da luulyo iyo Lumitaankeena ) oo uu alifay Abwaan C/raxmaan Yuusuf Mohamed ).


Gabagabadii Munaasaban ayaa waxaa si Niyad Sami ah loogu wada istagay Heesta calanka Kadib markii lasoo Gaaray xilligii Calan Saarka oo qof walba laga dheehan karay Qushuuc Dheeraad ah ayagoo ku luqaynaya Heesta Calanka.
Ugu danbayntii ayay isla dhex mareen salaan iyo hambalyo farxadeed dhamaan dadwaynihii ka soo qayb galay xafladda ayagoo isugu ducaynayay in ilaahay sanadkan kiisan kale uu nabad iyo bashbash ku wada gaarsiiyo.



By: Najiib Abdirizak Warsame ( Najiib yare )
Magaalada Hyderabad ee Dalka India.
Tell : 0091-9618398299
E-mail : Najiibyare4@hotmail.com 


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com