|
Xaflad si heer ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Hyderabad ee dalka India.Daawo sawirada
Jun,4,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Munaasabadda 26 Juun oo ka dhacdey magaalada Hyderabad ee dalka India




Xaflad si heer ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Hyderabad ee dalka India. xafladaasi oo lagu maamuusayay munaasabadaha 26-ka june iyo 1-da july ayaa ka dhacday Jaamcadda JNTU ee magaaladatan Hyderabad ee Dalkan India.
Xafladan ayaa waxa soo qabanqaabiyay isla markaana Qabsoomidiisa iska lahaa ururka ay Ardayda Somaliyed kumidaysanyihiin ee Somali Students Association (S.S.A) loo yaqaano ee ka dhisan Dalkan India.





Ugu horayn waxaa Hadal furitaan iyo mahad celinba halkaasi ka jeediyay Gudoomiyaha ururka Somali Students Association Mr. Faysal Mohamed Mataan, Gudoomiyaha ayaa Kasoo qaybgalayaashii xafladda uga mahad celiyay taageeradooda ku aadan qabsoomida xafladan iyo dadkii waqtigooda u huray intaba.
waxaa sidoo kale xafladaasi la mataano ahayd oo barbar socotay xaflad kale oo Qalin jabin ah oo loo qabtay Ardayda Somaliyeed ee ayagu ka qalin jabiyay heerarka kala duwan ee waxbarasho oo isugu jira kuwa qalin jabiyay Intermediate, Bachelor Degree, Master Degree iyo PHD intaba.
Marti sharaftii dardaaranka iyo bogaadinta ka jeediyay halkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Abdirahman Mohamed Omar oo loo yaqan (G8) oo asagu wax ka taabtay xaaladda nololeed ee soo wajahda Ardayda marka ay wadankan yimaadaan iyo waxyaabaha lagudboon Marka uu Ardayga Somaliyed u jihaysto dhanka waxbarashada.
Ardaydii xafladaasi ka hadashay isla markaana kakala timid Gobolada wadankan India ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Ciise Diiriye oo asagu ku dheeraaday Hambalyaynta iyo is xasuusinta dhibaatadii loo soo maray Xornimadii wadanka, sidoo kale wuxuu halkaasi kula dardaarmay uuna dhiira galin u jeediyay Ardaydii xafladda Qalinjabinta loo qabtay.
Sidoo kale mid ka mid ah Ardaydi Qalin jabiyayaasha ahna madaxa Secretery-ga ee Somali Students Association (S.S.A) Ciise Osman Yusuf ayaa halkaassi qudbad dheer oo ku aadan halganka waxbarasho iyo heerarka kala duwan ee waxbarasho ka jeediyay.
"waxbarashadu waa midda aan uga nimid wadankii Hooyo, waana mid mudan in aan kaga faa'idaysano waqtiga" ayaa hadaladiisa ka mid ahaa Mr. Ciise Osman Yusuf.
Qudbad xamaasad galisay dareenka soona jiidatay dhagaha ka soo qaybgalayaashii xafladda ayaa waxaa halkaasi ka jeedisay Ubax Nur Sheikh oo ka mid ahayd ardaydii dhameesatay qaybta Masters Degree-ga ee (M.B.A).
"Waxbarashadu waa Iftiinka iyo mustaqbalka Dalka iyo Dadkaba, sidaas daraateed qofki waxbarta wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro ubad wanaagsan saamayn fiicana ku yeesha Dalka iyo Dadkaba" waa sida ay hadalka u dhigtay Ubax Nuur Sheikh.
Sidoo kale ubax Nur Sheikh waxay Hambalyo ku aadan Munaasabadaha 26-ka june iyo 1-da july u dirtay dhamaan bulsha waynta Somaliyed ee kukala nool aduunka.
Sidaasi si lamid ah ayaa waxaa halkaasi khudbado dheer kakala jeediyay Madaxda jaamacada Magaalada Hyderabad oo ayagu balan qaaday inay soo dhaweenayaan Dhamaan Ardayda SOmaliyeed uguna Hambalyeeyeen Bulshada Somaliyed Munaasabadaha 26-ka june iyo 1-da July.
Barnaamijyadii Halkaasi lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahayd Riwaayad aad loola dhacay waxna ka badashay dareenka kasoo qaybgalayaashii xafladda ayadoo Riwaayadda taabanaysay xaaladaha kala duwan ee ka jira wadanka iyo sida qof kaste oo muwaadin SOmaliyed ah lagudboon inuu Dalkiisa iyo Dadkiisaba daacad u noqdo.
Sidoo kale Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Projector muujinaya qayraadkii Dabiiciga ahaa ee uu wadanku lahaa iyo sida ay ahaan jireen Goobihii waxbarasho ee wadanka.
Xafladaasi oo kusoo gabagabowday Jawi farxadeed ayadoo qofkaste wajigiisa laga dheehan karay sida uu ula dhacay wixii lagu soo bandhigay xafladda, sidoo kale ayaa siyaabo kala duwan loogu kala hambalyaynayay Qalin jabiyayaashii xafladda.
By: Wariye Najiib Abdirizak Warsame ( Najiib yare)
Magaalada Hyderabad ee Dalka India.
Tell: 0091-9618398299

|