|
Munaasabadda 1. luulyo oo ka dhacdey magaalada Magaalada Gävle ee Caasimada Gobalka Gävleborg ee dalka Sweden.
Jun,4,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Munaasabadda 1. luulyo oo ka dhacdey magaalada Magaalada Gävle ee Caasimada Gobalka Gävleborg ee dalka Sweden.





Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey sanad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay markii goboladii koonfureed ee Somalia ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay midoobeen koonfurta iyo waqooyiga ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Gävle ee Caasimada Gobalka Gävleborg,




Xuska Munaasabadan 50 guurada ayaa waxaa ka soo qeyb galey Ururada Dowliga ah iyo kuwa Maxaliga ahba oo uu kamid ahayeen Hay,adahii soo Qaban qabiyaay iyo Aqoon yahano Qibrad dheer u leh Soomaaliya fanaaniin Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan. Munaasabaddaan oo ay si wadajira u soo qababan qaabiyeen Somaliska Riksförbund i Sverige iyo ururada gobolka Gävle ayaa ugu horeyntii waxaa Furtay Gudoomiyaha Ururka Somali Kvinnor i Gävle Fardowsa Sheikh Xasan Koria oo microphone-ka lagu soo dhaweeyey waxayna hambalyo iyo salaan u dirtey dhamaan walaalaha soomaali weyn meelkasta oo aay jogaan Sanad guurada 50maad ee ka soo wareegatay Xorimadii Soomaaliya iyo israacii labada gobbol dhanka kalle wexey ku dheeraatay sidii soomaalidu ay u ahaayeen umad hal mida oo mideysan xiligii xornimo doonka isla markaana loo baahanyahay maantey in markale mid loo noqdo marxalada adag oo jirta.,


Kadibne waxaa Munaasabada lagu furay Heesta Astaanta Soomaaliyeed oo aay wada qadayeen Fanaaniin fara badan oo ay ka mid ahaayeen Xabiib Sharaabi ,Maxamed Saalax Qaasin , C/fitaax & maxamed yare hal mar ayeey wada istaageen dhamaan dadkii ayaga oo aad u qiiroodey markii ay dhagahooda ku soo dhacdey ereyada heestaas oo ay ka mid ahayd,



Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!
Ummadyahay mar kale toosoo
Calankiinna wada tiirshoo,
Danta guud ku taagsada oo
Isku wada tanaasula ee!
Soomaaliyeey Toosoo …
Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!
Tawaabtoo quraa bixiyoo
Gobannimada taam ka dhigee,
Rabbi toobad weyddiistoo
Talo saarta Weynaha eey!
Soomaaliyeey Toosoo …
Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!
Qabiilkaad tixgilineeysaan
Qawmiyaddaada kaa tira oo,
Tayo li'ida qoys-qoyskaa
Idin bada tabaalaha ee
Soomaaliyeey Toosoo …
Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!
Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Somali Minoratit Org Mudane Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha Xafladda, wuxuuna ka taariikheyay halgankii loo soo maray xornimada Soomaaliya, isagoona xusay in sanadkii 1960kii ay Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya oo ay kala heysteen Dalalka Britain iyo Italy ay xornimo buuxda qaateen.
“Sida aad la socotaan 26-kii June 1960 waxaa xornimo ka qaatay Britain gobollada Waqooyi, iyadoo afar maalmood kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur,
waxuu intaas ku daray in ay nasiib darro tahay 50 sano kaddib halgankii loo soo galay xornimada Soomaaliya ay maanta dadka Soomaaliyeed ku jiraan marxalad aad u adag oo nabad iyo nolol la’aan ah.
“Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu dhinacyada is-haya uu garan-siiyo wanaagga iyo Soomaalinimada ayuu hadalkiisa ku soo koobey Saciid. Waxaa iyagana munaasabadda haddallo wacyi gelin iyo guubaabo isugu jira ka soo jeediyey Gudoomiyaha ururka dhalinyaradda Gävle Abshir Axmed iyo Nimco Cali xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta ururka haweenka ee gävle wexeyna ku nuuxnuuxsadeen sida ay muhiim u tahay in la weyneyoo munaasabadaha noocan oo kale ah iyo sida loogu baahan yahay dhalaankeena in la baro taariiqaha muhiimka ah ee dalkeena, sidoo kale waxaa goobta ka hadlay labo musharax oo ka sodcey xisbiga Social Democracy ee gobolka Gävle Leyla Tarhan iyo Wilington oo labaduba sheegen sidey ugu faraxsan yihiin in ay ka soo qeyb galaan farxaddana la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed waxayna balan qaadeen iney la garabtaagan yihiin hiil iyo hooba hadii ay ku guuleystaan musharaxnimadooda. ka dib waxaa microphone-ka lagu soo dhoweeyey Charlotta Legnande oo ah loyarad aad u jecel Soomaalida iyadoo ku salaantey Soomaalidii afkooda hooyo ee Soomaaliga oo ay wax yar ka garaneyso wexeyna sheegtey jeceyl ay Soomaalida u qabto awgeed iney ku talo jirto in ay barato afka Soomaaliga ayna ku fekerto mar walba Soomaaliya oo Nabadda si ay u tagto dalka Soomaaliya.
Gababadii Munaasabada waxaa Hadal qiimo badan soona jiitey dhamaan dhagaha dadka ka soo jediyaay Qabiir Soomaaliyeed oo Magaciisa la yiraahdo Cabdulaahi Yalaxow Maalin Xajiin ahne Xubin Sare ee ka tirsan Ururka Wadaniga Soomaalieed waxaana hadaladisii ka mid ahaa sidatan dhamaan Shacabweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo aaay jogaan waan Salaamayaa Salaan kadib waxaan caawa aad ogu faraxsanhay inaan idin kala qeyb qaadanayo Sanadguuradii 50maad ee ka soo wareegato Gobanimadii Soomaaliyeed ee Gumeystuhu aan kala soo laabanay.
Sido kale cabdulaahi waxuu aad ogu dheeraaraday iyo Dhibatadii loo soomaray Qadashada Xornimadii Soomaaliya Iyo maanta mesha aanu is dhignay waxaa wax lala yaabo ayuu yiri mudane Xajiin
Mudanahaana ayaa Taariikh aan la soo koobi karin ka jediyaay Munaasabada waxuu Xusay in uu goob joog ka ahaa Waqtigii loo dagalayaay Xornimada Soomaaliyeed waxaana Xusid mudan ayuu yiri in markii Gumeystaha lala dagaalamayaay aaney jirin hormarka maanta aan heysano ee lagula dagaalamayaay Dhagax iyo Falaaro Gumeystahii markaa heysta Gabi ahaanba Dalka Soomaaliya Sido kale waxaa dhamaan loo wada Qanshuucay Hadalkii uu ka soo jediyaay Munaasabada Iyo Taariikhda dheer ee uu ka sheekeeyey.
Ugu danbeyntii Waxaa kaloo iyana halkaasi lagu soo bandhigay heeso iyo ruwaayado ka turjumaya munaasabada 1 Luulyo iyo ahmiyadda ay u leedahay shacab weynaha soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan iyadoona halkasi sido kale lagu soo bandhigay calankii buluuga ahaa ee soomaaliyeed kaasi oo qofkii arka dareen weyn ku abuuraya ama ka ilmaysiinaya iyadoona ay xaflada ku dhamaatay si wanaagsan
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur (Jeesto)
nuure1000@hotmail.com
Gävle, Sweden

|