|
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee Galmudug State oo u waramay Homelamnemedia,net.
Jun,8,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee Galmudug Estate oo u waramay Homelamnemedia,net

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug state Mudane saadaq daahir mire oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo maalmahaan booqasho ku joogay dalka Ingariiska oo wareysi siiyey bogga Homelandmedia,net.
Mudane Saadiq daahir Mire ayaa Wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey wariyaha Homelandmedia,net ee Magaalada London shukry shiikh cali.
Shukry ayaa marka hore Wasiirka waydiiyey ullajeedada safarkooda iyo waxqabadka maamulka Galmudug.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa inoo sheegay in hadda Maamulkooda safaro ku kala bixinayaan dalal badan oo ka mid dunida, sidoo kalana uu maamulkooda uu dhiiragelin siin doono in qurbo joogta Soomaalida ee doonaya in ay maalgashadaan ganacsi iyo warshado yar yar maamulka Galmudug.
Mr. Saadiq ayaa sidoo kale inoo sheegay in maamulkooda xiriir ganacsi la leeyahay dhamaan gobolada Soomaaliya gaar ahaan kuwa xuduudaha la leh Galmudug State.
Shukry ayaa weydiiyey Wasiirka waxa ay ka yeelayaan maamulkooda xaga horumarka oo wali aad u hooseeya, Mudane Saadiq ayaa ku jawaabay "Waa run Shukry way jirtaa in uu aad u hooseeyo xiligaan dhinaca horumarka, balse waxaan kuu sheegayaa in maamulkoodu uu hadda ku talo jiro in mashaariicyo balaaran iyo warshado yar yar laga hirgaliyo dhamaan deeganada hoosyimaada maamulkooda."Wasiirka waxa kale uu ka hadlay dhoofinta xoolaha nool oo maamulkooda doonayo inuu dhiiragelin ku sameeyo sidii loo casriyeen lahaa loona gaar siin lahaa heer caalami ah,Waxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan fursadahaaan ganacsi ee ka jira Galmudug State.
Mr.Saadiq daahir mire Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Galmudug Estate oo hadda booqasho shaqo ku jooga London ayaa halkaan Hambalyo uga diray Shacabka Soomaaliyeed ee u dabaaldegaya 26juun iyo 1da Luulyo, meel walba ay joogaanba.
Maamulka Galmudug Estate kadib doorashadii Madaxweyne Col.Axmed Maxamed Caalin waxa uu ku tilaabsaday horumar dhanka ammaanka,Ganacsiga, Siyaasada, Waxbarashada iyo caafimaadka.
Xigasho Homelandmedia,net.

|