Qalabkii IYO Gaadiidkii Xildhibaan Cismaan Caato Ee Dhismaha Garoonka Hobyo Oo Qayb Kale Gaalkacyo Soo Gaartay
Daawo Sawirada. by wariye Cabdalle.

Aug,12,2008 www.Hobyoradio.com


Waxaa Aroornimadii Hore ee saakay Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Satate Gaadiidkii iyo Qalbkii xildhibaan Cismaan xasan Cali {Caato} ee loogu tala galay in ay ka hawl Galaan dayac tirka wadada dheer ee Gaalkacyo ilaa hobyo iyo dhismaha Garoonka Magaalada hobyo ee Gobolka hobyo.

Maamulaha Shirkadda Hobyo Development Company Cumar Suuri


Gaadiidka iyo Qalbka xildhibaan Cismaan Caato ayaa ka soo anba baxay Magaalada Muqdisho ee Caasiamadda Soomaaliya Sida ay ii sheegeen Mas’uuliyiinta iyo wada yaasha Gaadiidkaas oo iskugu jira Cagaf Cagafyo,booyado iyo Qalab kale waxa ay wada ku soo jireen Mudo’Sadex bari ah isla markaana wax ay ii xaqiijiyeen in si nabad Galyo ah ay ku soo Maren wadada dhibaatana aysan la kulmin.


Waxaa sidoo kale la Socda Gaadiidka iyo qalabkaan Muhiimka ah ee ka hawl Galaya hobyo Injineero iyo Shaqaale badan oo ka qayb qaadan doona dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada hobyo, Cumar Max’ud Rooble Cumar suuri oo asaguna ah Maamulaha Shirkadda Hobyo Development Company HDC oo mashaariic hor’umarineed ka fulinaysa deegaanda dawlad goboleedka Galmudug dhismaha garoonkan hada fulinaysa ayaa soo kormeeray Qalabka Saakay Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Waxaana Markuu xaafiiskiisa Gaalkacyo iigu Waramayay uu ii sheegay in la soo dhamays tiray dhamaanba Gaadiidkii iyo qalabkii loogu tala Galay in Garoonka hobyo lagu dhiso wax uuna Mudane Cumar Suuri xusay in ay diyaarsan yihiin Dhamaanba Qorshihii Guud ee dhismaha Garoonka hobyo Maadama buu yiri uu horay usoo dhamaaday wajigii 1AAD ee Shirkadda HDC ee dayac tirka wadada dheer isku xirta Gaalkacyo iyo hobyo oo Shaqo badan laga qabatay.

 

Mudane Cumar Suuri waxa uu inaatsi raaciyay in saacadaha soo socda Gaadiidka iyo qalabkaan Muhiimka ah ee xildhibaan Cismaan Caato ay u anba bixi doonaan Gobolka hobyo ayna sii mari doonaan Magaalada Wisil oo ay hadda ku Sugan yihiin Gaadiidkii iyo qalabkii horay ug howl Galay dayactirka wadooyinka Gaalkacyo iyo hobyo.


Waxaan aqristayaasheena Hobyoradio u Balan Qaadaynaa In aan U Soo Gudbin Doono Warbixinada iyo Sawirada Hadba Heerka ay Marayso Shaqada Garoonka Diyaaradha Magaalada Hobyo
In sha’allaah

Cabdalla M.Cabdille
Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia
0025290752260
cabdalla45@hotmail.com
 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com