![]() |
||
|
|
||
|
Fadlan
Caawi
Hooyadaan
dhibaataysan
Xabiibo
Salaad
Cawaale.
Aug,13,2007 www.Hobyoradio.com
Fadlan Caawi Hooyadaan dhibaataysan.
Xabiibo Salaad Cawaale waa hooyo dhashay 3caruur ah isla markaana ah hooyo naafo ka ah lug iyo gacan kuna dhibaataysan magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug,
Xabiibo Salaad Waxay dhibaatadu ka soo gaaratay Dagaaladii Sokeeye ee Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya, Xabiibo waxaa Madaxa ogu dhacay Firir madafiicdii ay isku garaacayeen Muqdsho. Xabiibo Salaad waxaa lageeyay isbitaalo farabadan isbitaalkii ugu horeeyay ee lageeyo ayaa ahaa isbitaal ay ciidamada UNSOM ku lahaayeen gudaha siliga Ameerikanka ee Magaalada Muqdsho,ayadoo xabiibo xiligaasi ahayd qof koomo ku jirta,dhaqaatiirtii joogtay isbitaalaka waxa ay sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin maadaama ay xabadu uga jirto meel halis ah oo ubaahan qalliin culus oo ay sheegeen in aysan qaliin ku sameyn Karin, balse waxa ay daaweeyeen dhaawici oo kaliya. Xabiibo ayaa kadib waxaa loo wareejiyay isbitaalka Polece-ka ee Madiina Hospitala, xabiibo waxa ay isbitaal Madiina ku jirtay mudo 6 bilood ah ayadoona aysan jirin wax laga qabtay mudaaas ay isbitalka ku jirtay. Kadib waxaa loo soo qaaday Magaalada gaalakcyo waxaana loo geeyay dhaqtarka neerfaha Prof. Maxamed Jaamac oo ah dheqtar aad looga danbeeyo cudurada iyo dhaawacyada neerfaha, baaritaan dheer kadib dhaqtarku waxuu sheegay in aan xabiibo Salaad dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin xaaldeeda oo culus awgeed waxa uuna dhqtarku sheegay in hadii loo heli karo la geeyo wadamada dibada si markaasi qaliin loogu sameeyo. Isku soo wada duub Xabiibo Salaad Cawaale waxaa haysta dhibaato xoogan oo xaga deerfaha ah sida aad ka dareemaysid sawirada aan ka soo qaadnay waxa ay naafo ka tahay lug iyo gacan.sida aad raajada ku arkaysaana xabadu waxa ay uga jirtaa isha korkeeda Hadaba dhamaan qofkasta oo damiir bini adaminimo ku jiro oo wax uqaban kara hooyadaas dhibaataysan waxaa waxaa laga codsanayaa in ay gacan ka gaystaan sidii dhibanahaas wax loogu qaban lahaa isla markaana loo gaarsiin lahaa dhaqaatiirta caalamka ee waxka qaban kara . Fadlan Caawi Hooyadan Soomaaliyeed Waxaa ku soo hagaajin karaan wixiii kaalmo ah ama xiriir ah. Tel.002525 787536 002521 62320244 oo laga helo Nuur Dhoore Samatar Emil:adani.114@hotmail.com Sawirada dhibanaha waxaa ka soo qaaday Wariye Cabdalla Max'd cabdille Mobail:0025250752260 002521062270923 Gaalakcyo,GalMudug State of Somalia, Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||