Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
PROFF-MAXAMUUD CALI JAAMAC HALYEEY MA DAALE AH.‏

Aug,14,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

PROFF-MAXAMUUD CALI JAAMAC HALYEEY MA DAALE AH.‏

Waxaa qof walba lagu qiimeeyaa laguna ogaada kartidiisa,dadnimadiisa
iyo Masuuliyadiisaba howsha wuu markaas hayo iyo sida uu u guto ama
uga soo baxo,PROFF-MAXAMUUD CALI JAAMAC Xoghayaha arrimaha debeda SSC ayaa muuqiyeey karti,dadaal dheeraad ah,waayo-aragnimo weyn iyo xeelad Diplomasiyadeed farsamo sare leh kuna saleeysan aqoon cilmiyeed.

Muddii gaabneeyd Proff Xilkaas hayeey wuxuu ku dhaqaaqay
howlo waaweyn oo wax qabadkoodii si cad u muuqday wuxuuna si geesinimo
leh aduunka ugu soo bandhigay qadiyadda SSC iyo jiritaankeeda dhabta
ah,wuxuu golayaal heer caalami ah ka qeexay sida ku haboona u tibaaxay
Jiritaanka Maamulka SSC iyo xuquuqdoodaba,laga bilaabo shirkii arimaha
Somaaliyeed looga hadlaayeey heerka Caalamiga ahaa ee Turkiya,kulamadii
badnaa ee wuu la yeeshay Diplomaasiyiin Safaaradaha dalalka kala duwan:-
Reer Galbeedka,Asiyaanka,Carabta iyo kuwa Afrikaba iyo kulankii wuu
la yeeshay Xubno ka tirsan golaha Barlamaanka Dalka Sweden iyo Hey'adaha
Bani-aadaminimadda(Samafalka).

 
Sidoo kalle Proff-Maxamuud Xoghayaha Arr.Debedda wuxuu kulamo badan la
qaaday Jaaliyadda SSC ee qaaradan Yurub wuxuuna booqashooyin shaqo ku
la bixiyeey Dalalka:-UK,Sweden,Germany,Denmarka iyo Holland oo ah dalka
wuu degan yahay iyadoo hadafkiisu yahay sharxidda siyaasada iyo qaabka
shaqo ee hogaanka SSC iyo halka xaaladu mareeyso iyo Jaawibaadka Xubnaha
Jaaliyadda SSC ee qurba saaran lagana sugaayo gudashadeeda iyo weliba
dardar gelin doorkooda iyadoo waqtiguna yahay mid xasaasi ah oo ahamiyad
gaar ah leh loona baahan midnimo,iskaashi iyo wax qabad dhab ah.
 
 
Proff-Maxamuud Cali Jaamac wuxuu ku taagan yahay Wado toosan,wuuna ku
amaanan yahay dadaalka iyo shaqo qiimaha weyn ee wuu qabtay welina wado waana mid miraheedii soo shacaayaan,runtiina maanta qadiyadda SSC noqotay mid golayaasha caalamka oo dhan laga ogyahay,Proff Maxamuud iyo cid kasta oo si daacadnimo leh,xil gudasho dhab ah leh,damiir wadaniyadeed leh una taagan ama isu taagteey u adeegida Shacabkooda iyo qadiyadooda waxeey si dhab ah u mudan yihiin taageero,soo dhoweeyn iyo ku dayasho,guushuna waa Dhankooda inshaa Allah.
 
 
-GUUL IYO GOBANIMO-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab).
-England-UK- 13/08/2010.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk.

     

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|