Gabay. Mitid Dirira Soomaaliyeey Magacu Waa Guule.abwaan Xasan Garaad Warsame.

Aug,20,2007 www.Hobyoradio.com

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan xasan garaad warsame oo ka mid ah dadka sida weyn kuga soo horjeeda gumeysiga qabsaday wadanka soomaaliya kaas oo ku taamayey kumanaan sano ka hor in uu mustaqbalka mar uun qabsado muslimiinta geeska africa ee soomaaliya halka waligiiba aw gumeysanayay gobolada soomaali galbeeg hadana waxa uu qabsaday cirifkii ugu dabeeyey Muqdisho hadaba Soomaalidu waa la dagaalameen cadowgooda waana dagaalamayaan waana dagaalami doonaan inta ay ka soo ceshanaayaan madaxnaani doodii ! laakiin yaan darrada ugu weyn ayaa waxa ay tahay koox diirka soomaali uga eg laakiin qaluubta itoobiyaanka ah ayaa waxa ay meeshii dhulka Soomaaliya ka mid ah oo cadowgu qabsadoba waxa ay ka taagayaan calan ka itoobiyo iyagoo leh waxaan nahay dowlad soomaali ah waxa uu ka taaganyahay calanka itoobiya talisyadii ugu waa weynaa ee soomaaliya iyadoo taas bedelkeedana uu dhulka yaalo calanka wadanka soomaaliya hadaba ayaa la rabaa in aay ka qaadaan dhulka?waakan abwaan garaad gabaygiisii guubaabada ahaa!!! uuna ugu magac daray [ mitid dirira soomaaliyeey magacu waa guule.

Hadba dunida duul wax ismudoo miigan maa kacaye

Dabadeedna maan guul darow dib u macaashaaye

Taa waxaan metaal uga dhigaan maanta qirayaaye

Dowladdaan maqaarsaan ka iyo midig shisheeyaadka

Markii horaba lagu soo unkoon maxabo loo haynin

Dowladdaan dadkeedaba metelin cadowga mooyaane

Meel ay tagtaba dowladdaan loo mash xaradeynin

Maanya muruq gumeystaha raggaa ugu maciinaaya

Wadan madax banaani leh raggii murug u soo hooyay

Minhaad laysku xugunshiyo raggii maamulkiba diiday

Masjidyada raggii wada xiree culumadii miirtay

Masuul inaan ku sheegoon iraa madax daleed weeye

Amaan cadow u daba mayr noqdaa yeey i soomarine

Moortar lagu halaagiyo inaan miirada u aasno

Oo aan ismiidaaminaa murunla weeyaane

Mitit dirira soomaaliyey magacu waa guule!

U midooba soomaaliyey maanta cadowgiina

Muslinimo ku dhalad iyo islaam miiran baanahaye

Macbuudkaa allaan mahadi naa meel aan joognabaye

Gaalada na maagtayu waleysa naga macaasheyne

Meyd kooda duur joogto wey maraqsandoontaaye

Maangaabka raacana sharciga waa la marihaahe

Mashin lagu dilyaa iyo wadani gowrac mariyaaba

Mar in uu shalaayiyo salkiis murugo weeyaane

Waxbayaanan hadal igu mirtiyo maanso sii wadine

Nafya maal dad huraybaa xoriyad maala sharafteede

Mitit dirira soomaaliyey magacu waa guule

Waqtigii jahaad lagu mutow muwdku waa jibaye

Mugdi kuma jiroo howshu waa marin colaadeede

Waa magacya reebtii ma naxe geesi noo maraye

Mujrimkiyo amxaaradu intey xamar dhex meereyso

Marastiyo ilmaha naga intey taangi marineyso

Intey calanka yaga moosayaan mudanayaankooda

Egerteena maandeeq intuu cadowgu maalaayo

Miciyaha intuu darahayee malabsan dheegeeda

Waa lagama maarmaan xaqbaa maarta loo cabiye

Maslaxaba dhamaatoo kalyey xaajadii mariyey

Moortar lagu halaagiyo inaan miinadda u aasno

Oo aan ismiidaaminaa muranla weeyaane

Mitit dirira soomaaliyeey magacu waa guule

 

Yaa mudan waryaa maali jiray muruqya yow xooga?

Yaw muslima xoriyadeeni bey murun ku dheeheene?

Maskax iyo aqoon iyo waryaa mira tacliineed leh?

Oo dunida miisaan ka culus noo meteli doona?

Yaa magaca soomaal dartiis dhiibi kara maalka?

Oo madax banaanidi dhuntiyo muunadiba raadsha?

Mayalkiyo islaam nimada bey megensaneysaaye

Yaa midig wax gowrici kartiyo mowqaf iyo diin leh?

 

Muulaha illaahuba ma simin muumin iyo gaale

Mowdka dadan neceyn baa milkiya guul macaan badane

Oo madaxbanaaniyo gobnimo soo morooqsadaye

Alle dadow maciinaan cidkale midig ka dooneyne

Oo mahadya qayr iyo nimciyo gaara meel saraye

Mardhaw in ay toobiyo jabtiyo maalmo baa haraye

Iyagoon midkii dhaawacmiyo qaadan karin meydka

Iyagoo ilmirigleynayoo wada maxaabiisa

Oo murugsan oo yaaban baa laydin maranshiine

Hardan dadan u marin gobanimadu waa ka miriqdaaye

Mitit dirira soomaaliyeey magacu waa guule.

By. Abwaan. Xasan Garaad Warsame.

abwangaraad@hotmail.com

Muqdisho iyo Maanta

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com