|
Agaasimihii Idaacada Xurmo Radio Barqad Cawale Aadan ayaa maanta ku Geeriyoodey Dagaalada galey Maalintii 2aad ee kasocda Bisha Barakaysan Magaalada Muqdisho.
Aug,24,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Agaasimihii Idaacada Xurmo Radio Barqad Cawale Aadan ayaa maanta ku Geeriyoodey Dagaalada galey Maalintii 2aad ee kasocda Bisha Barakaysan Magaalada Muqdisho.
Allaha unaxariistee Agaasime Barqad Cawale Aadan oo ahaa agaasimiihii idaacada madaxa Banaan ee xurma radio fadhigeeduna yahay magaalada muqdisho ayaa maanta ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho xili uu ku guda jirey howlihii shaqo ee cadiga ahaa waxaana Agaasimaha xabad habow Aheeyd kula Dhacday daarata ay Magaalada Muqdisho ka Dagantahay idacaada xurmo ee Soobe.
Agaasimaha ayaa markii ay xabada wiiftada ah ku dheceysay waxuu cilid Bixinaayay Taawarka idaacada oo cilid ku timid agaasimaha ayaa xabada wiiftada waxa ay ka Haleeshya qebta sarre ee jirkiisa barqad cawaale aadan ayaa markuu dhaawac soo gaaray waxaa Durbadii dhaawaciisa loo lacararay isbitaalka madiina ee magaalda muqdisho waxaana Daqiiqado kadib loo Qaaday Isbitaalka Madiina halkaas oo ugu geriyooday Dhaawacii soo Gaaray.
Allaha unaxariistee agaasimihi idaacada xurmo Barqad Cawaale Aadn ayaa markii uu Dhaawaca soo gaarar waxaa ay dagaalo ka socdeen qeyba kamid ah degmooyinka goblka Banaadir halkaas oo ay ku dagaalaayeen cidddmada dowladda oo ay kaa bayaan kuwa Amisom iyo xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda.
Geerida ku timid agaasimahii radio xurmo ayaa waxay tariiraayo ku Abuurtay shacabka Somaliyeed ee yaqaanay waryaha alaahu naxariistee agasimaha gaar ahaan bahda Saxaafada Soomaliyed waxaay Tacsi tiiraanyo leh u diriyay Eheladii iyo Qaraabadaii iyo Asxaabtii uu kabaxay Barqad Cawaale Aadan samir allaha kasiiyo Gaar'ahaan bahda Saxaafada soomaliya waxayna alle ugu baryaan in uu marxuumka kawaarbay jana fardowso Aamiin Aamiin.
Inaalilaahi wa inaa ileehi Raajacuun
Axmed Max'ed Cumar (RaaJaa)
Hobyoradio.com
Gaalkacyo soomaaliya

|